2 Boqorradii 17:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 12:31 : 31 Oo wuxuu kaloo sameeyey guryo meelo sarsare ah, oo wuxuu wadaaddo ka dhex doortay dadkii aan reer Laawi ahayn oo dhan.
  • Miik 4:5 : 5 Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.
  • Room 1:23 : 23 Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.
  • 1 Boq 13:32 : 32 Waayo, hadalkii uu amarkii Rabbiga ku qayliyey ee ka geesta ahaa meesha allabariga oo Beytel ku taal, iyo kulli guryaha meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka reer Samaariya, hubaal wuu ahaan doonaa.
  • Sab 115:4-8 : 4 Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey. 5 Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan, 6 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan, 7 Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan. 8 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
  • Sab 135:15-18 : 15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen. 16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan, 17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto. 18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
  • Ish 44:9-9 : 9 Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan. 10 Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn? 11 Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan. 12 Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa. 13 Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo. 14 Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa. 15 Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa. 16 Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay. 17 Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga. 18 Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan. 19 Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis? 20 Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
  • Yer 10:3-5 : 3 Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan. 4 Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin. 5 Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
  • Hos 8:5-6 : 5 Samaariyey, weyshaadii wuu diiday isagoo leh, Cadhadaydii aad bay ugu kululaatay iyaga. Ilaa goormayan karayn inay daahir noqdaan? 6 Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    30Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa,

    31oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim.

    32Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare.

    33Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.

  • 79%

    27Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas.

    28Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen.

  • 75%

    7¶ Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale,

    8wayna ku socon jireen qaynuunnadii quruumaha kale, kuwaasoo Rabbigu ka eryay dadka Israa'iil hortooda, iyo kuwii ay boqorradii dadkii Israa'iil samaysteenba.

    9Oo dadkii Israa'iil waxay Rabbiga Ilaahooda ah si qarsoon ugu samayn jireen waxyaalo aan qummanayn, oo magaalooyinkooda oo dhan waxay ka dhisan jireen meelo sarsare tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.

    10Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah.

    11Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.

    12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.

  • 19Oo guryihii meelaha sarsare oo dhan ee ku yiil magaalooyinka Samaariya ee ay boqorradii dalka Israa'iil u dhiseen inay Rabbiga kaga xanaajiyaan ayuu Yoosiyaah wada dumiyey, oo wuxuu ku sameeyey falimihii uu Beytel ku sameeyey oo kale.

  • 19oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.

  • 17waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)

  • 31Oo wuxuu kaloo sameeyey guryo meelo sarsare ah, oo wuxuu wadaaddo ka dhex doortay dadkii aan reer Laawi ahayn oo dhan.

  • 24¶ Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen.

  • 18oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.

  • 5Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.

  • 31Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.

  • 17Habase yeeshee dadkii weli waxay allabaryo ku bixin jireen meelihii sarsare, laakiinse waxay ula niyoon jireen Rabbiga ah Ilaahooda oo keliya.

  • 8¶ Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.

  • 25Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.

  • 28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 26oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin,

  • 20Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?

  • 23Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.

  • 9Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

  • 29Oo labadii weylood middood wuxuu dhigay Beytel, tii kalena wuxuu dhigay Daan.

  • 26Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

  • 15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

  • 35kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;

  • 41Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.

  • 7Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.

  • 5Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

  • 16Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.

  • 1¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.

  • 19Oo waxay Ilaahii Yeruusaalem uga hadleen siday uga hadleen ilaahyadii dadadka dunida, kuwaasoo ah wax dad gacanta ku sameeyey.

  • 33Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood.

  • 28Laakiinse meeye ilaahyadaadii aad samaysatay? Iyagu ha keceen hadday ku badbaadin karaan wakhtigii aad dhibaataysan tahay, waayo, dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna.

  • 7Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.

  • 22Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed ayuu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

  • 11Miyey jirtaa quruun beddeshay ilaahyadeed aan ilaahyo ahayn? Laakiinse dadkaygu waxay ammaantoodii ku beddeleen wax aan waxtar lahayn.

  • 11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

  • 2Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

  • 12War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

  • 3Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen.

  • 6Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa.

  • 9Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.