2 Boqorradii 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Eliishaa wuxuu iyadii ku yidhi, Bal ii sheeg, maxaan kuu sameeyaa? Oo maxaad guriga ku haysataa? Iyana waxay tidhi, Anigoo addoontaada ah guriga waxba iima yaalliin dheri saliid ah mooyaane.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 17:12 : 12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.
  • 2 Boq 2:9 : 9 Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.
  • 2 Boq 6:26-27 : 26 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo derbiga dul maraya ayaa naagu u qayshatay oo ku tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, i caawi. 27 Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa haddii uusan Rabbigu ku caawin, anigu xaggee baan kaa caawinayaa? Naa ma waxaan kaa caawinayaa meesha hadhuudhka lagu tumo; mase meesha canabka lagu tuujiyo?
  • Mat 15:34 : 34 Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.
  • Yoox 6:5-7 : 5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? 6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. 7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
  • Fal 3:6 : 6 Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco.
  • 2 Kor 6:10 : 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
  • Yac 2:5 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Haddaba waxaa Eliishaa u qaylisay naag u dhaxday qoonkii nebiyada ahaa midkood, oo waxay ku tidhi, Ninkaygii oo addoonkaaga ahaa waa dhintay, oo adna waad og tahay inuu addoonkaagu Rabbiga ka cabsan jiray. Oo nin deyn nagu lahaa ayaa u yimid inuu labadayda carruurta ah iga qaato oo addoommo ka dhigto.

  • 2 Boq 4:3-9
    7 aayado
    84%

    3Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag, oo weelal weyddiiso derisyadaada oo dhan, oo ha ahaadeen weelal madhan, wax yarna ha soo weyddiisan.

    4Oo waa inaad gurigaaga gashaa oo adiga iyo wiilashaadu albaabka isku soo xidha, oo markaas weelashaas saliidda ku shub, oo intii buuxsanta oo dhan gees u dhig.

    5Sidaas daraaddeed isagii way ka tagtay, oo iyadii iyo wiilasheedii albaabkii bay isku soo xidheen, oo iyaguna weelashii bay u keenkeeneen, iyana way ku shubtay.

    6Oo markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.

    7Markaasay soo kacday, oo waxay u soo sheegtay ninkii Ilaah, oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo saliidda iibi, oo deynkaagii ku bixi, oo adiga iyo wiilashaaduna inta hadha ku noolaada.

    8¶ Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.

    9Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.

  • 1 Boq 17:9-18
    10 aayado
    77%

    9Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso.

    10Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.

    11Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

    12Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.

    13Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga.

    14Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo.

    15Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.

    16Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.

    17Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.

    18Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?

  • 75%

    12Oo markaasuu midiidinkiisii Geexasii ku yidhi, U yeedh naagtan reer Shuuneem. Oo markuu u yeedhay ayay hortiisii soo istaagtay.

    13Markaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.

    14Oo isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.

    15Markaasuu ku yidhi, Bal iyada u yeedh. Oo markuu u yeedhay ayay albaabka soo istaagtay.

    16Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.

  • 74%

    36Markaasuu Geexasii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Tii reer Shuuneem u yeedh. Oo isna wuu u soo yeedhay. Oo markay gudaha ugu soo gashay ayuu ku yidhi, Wiilkaaga qaado.

    37Markaasay gudaha soo gashay, oo cagihiisii ku dhacday, oo dhulkay ku sujuudday, markaasay wiilkeedii qaadatay oo dibadda u baxday.

    38¶ Oo Eliishaa haddana wuxuu yimid Gilgaal; oo wakhtigaasna dalku abaar buu ahaa, oo isagana waxaa hortiisa fadhiyey qoonkii nebiyada ahaa; oo isna midiidinkiisii ayuu ku yidhi, Dheriga weyn dabka saar oo qoonka nebiyada ah maraq u kari.

  • 2 Boq 8:1-6
    6 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Eliishaa la hadlay naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey oo wuxuu ku yidhi, Sara joogso oo tag, adiga iyo reerkaagiiba, oo waxaad degtaa meel alla meeshii aad degi karto, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu amray in dalka abaaru ku dhacdo, oo waxay dalka joogi doontaa toddoba sannadood.

    2Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.

    3Oo markii toddobadii sannadood ay dhammaadeen ayay naagtii ka soo noqotay dalkii reer Falastiin; oo waxay u tagtay boqorkii inay ugu qayshato gurigeedii iyo dhulkeedii.

    4Markaasna boqorku wuxuu la hadlayay Geexasii oo ahaa midiidinkii ninkii Ilaah, oo wuxuu ku lahaa, Waxaan kaa baryayaa inaad ii sheegto waxyaalihii waaweynaa oo Eliishaa sameeyey oo dhan.

    5Intuu boqorkii uga warramayay sidii uu u soo noolaysiiyey mid meyd ahaa, bal eeg, naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey ayaa boqorkii ugu qayshatay gurigeedii iyo dhulkeedii. Oo Geexasiina wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow, tanu waa naagtii, kanuna waa wiilkeedii Eliishaa soo noolaysiiyey.

    6Oo boqorkiina markuu naagtii saas weyddiiyey ayay iyana u sheegtay. Markaasaa boqorkii iyadii u amray sirkaal oo ku yidhi, U wada celi wax alla wixii ay lahayd oo dhan, iyo weliba midhihii beerteeda ka baxay tan iyo maalintii ay dalka ka tagtay iyo ilaa haddeer.

  • 72%

    22Markaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.

    23Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.

  • 41Laakiinse isagii wuxuu yidhi, War bal jidhiidh ii keena. Oo kolkay u keeneen ayuu dherigii ku dhex riday, oo wuxuu ku yidhi, War maraqa dadka u shub ha cuneene. Oo dherigiina waxba waxyeello laguma arag.

  • 20Isna wuxuu yidhi, Waxaad ii keentaan weel cusub oo cusbo ku soo shuba. Oo iyana way u keeneen.

  • 11Laakiinse Yehooshaafaadba wuxuu yidhi, War sow ma joogo nin ah Rabbiga nebigiis aan Rabbiga wax ka weyddiinnee? Oo mid ka mid ah boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ayaa ugu jawaabay, Waxaa jooga Eliishaa ina Shaafaad oo biyo ku shubi jiray Eliiyaah gacmihiisii.

  • 12Markaasaa naagtii tidhi, Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah, aan eray kugula hadlo, boqorow sayidkaygiiyow. Isna wuxuu yidhi, Bal ku hadal.

  • 1¶ Markaasaa Eliishaa u yeedhay mid qoonkii nebiyada ka mid ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo weelkan saliidda ahna gacanta ku sii qaado, oo waxaad tagtaa Raamod Gilecaad.

  • 70%

    25Saas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.

    26Haddaba waan ku baryayaaye ku orod oo ka hor tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ma nabad qabtaa? Ninkaagiina ma nabad qabaa? Wiilkaagiina ma nabad qabaa? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waa nabad.

    27Oo markay ninkii Ilaah buurta ugu timid ayay cagihiisii qabsatay. Oo Geexasii baa u soo dhowaaday inuu ka durkiyo, laakiinse ninkii Ilaah baa yidhi, War iska daa, waayo, nafteedu way welwelsan tahay, oo Rabbiguna taas wuu iga qariyey, iimana sheegin.

  • 1¶ Markaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel.

  • 15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

  • 4Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.

  • 5Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaa kugu dhacay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Sida runta ah waxaan ahay naag carmal ah, oo ninkaygiina waa dhintay.

  • 12Markaasaa mid addoommadiisii ka mid ahu wuxuu ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas ma aha; laakiinse Eliishaa oo ah nebi dalka Israa'iil dhex jooga ayaa boqorka dadka Israa'iil u sheega erayada aad kaga hadasho qolkaaga aad seexato.

  • 24Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.

  • 27Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa haddii uusan Rabbigu ku caawin, anigu xaggee baan kaa caawinayaa? Naa ma waxaan kaa caawinayaa meesha hadhuudhka lagu tumo; mase meesha canabka lagu tuujiyo?

  • 26Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?