2 Boqorradii 6:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo boqorkii Suuriyana qalbigiisu waxyaalahan aad buu uga welwelsanaa; oo wuxuu isugu yeedhay addoommadiisii, oo ku yidhi, War maad ii sheegtaan midkeenna la jira boqorkii dalka Israa'iil?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 22:8 : 8 Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?
  • 1 Sam 28:21 : 21 Markaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.
  • Ayuub 18:7-9 : 7 Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa. 8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin. 9 Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona. 10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin. 11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
  • Sab 48:4-5 : 4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen. 5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
  • Ish 57:20-21 : 20 Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo. 21 Ilaahaygu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
  • Mat 2:3-9 : 3 Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan. 4 Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa. 5 Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray, 6 Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona. 7 ¶ Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay. 8 Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo. 9 Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay, 10 oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen. 11 Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah. 12 Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    12Markaasaa mid addoommadiisii ka mid ahu wuxuu ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas ma aha; laakiinse Eliishaa oo ah nebi dalka Israa'iil dhex jooga ayaa boqorka dadka Israa'iil u sheega erayada aad kaga hadasho qolkaaga aad seexato.

    13Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo soo arag meeshuu joogo si aan isaga ugu cid diro ha la soo qabtee. Oo waxaa loo sheegay oo lagu yidhi, War wuxuu joogaa Dotaan.

  • 2 Boq 6:8-10
    3 aayado
    83%

    8¶ Haddaba boqorkii Suuriya wuxuu la diriray dadkii Israa'iil, oo intuu addoommadiisii la tashaday ayuu ku yidhi, Meesha saa iyo saa ah ayaa xeradaydu ahaan doonta.

    9Markaasaa ninkii Ilaah u cid diray boqorkii dalka Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, War iska jir oo ha soo marin meesha saas ah, waayo, reer Suuriya meeshaasay ku dhaadhacayaan.

    10Oo boqorkii dalka Israa'iilna cid buu u diray meeshii ninkii Ilaah isaga u sheegay oo uu uga digay, oo isna intuu halkaas iska nabadgeliyey mar iyo laba toona ma aha.

  • 30Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray saraakiishii u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

  • 78%

    11Oo isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.

    12Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.

    13Oo mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene.

  • 2 Boq 7:5-6
    2 aayado
    77%

    5Oo markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.

    6Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.

  • 76%

    31Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray laba iyo soddonkii sirkaal oo u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

    32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.

  • 2 Boq 5:4-8
    5 aayado
    75%

    4Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.

    5Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.

    6Oo wuxuu u keenay boqorkii dalka Israa'iil warqaddii lahayd, Haddaba markii warqaddanu kuu timaado, bal eeg, addoonkayga Nacamaan ah ayaan kugu soo diray si aad baraska uga bogsiisid.

    7Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.

    8Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.

  • 21Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Eliishaa ku yidhi markuu nimankii arkay, Aabbahayow, miyaan laayaa? Miyaan laayaa?

  • 75%

    31Oo markaasuu yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha igu sameeyo, haddii Eliishaa ina Shaafaad madaxiisu maanta ku sii yaallo.

    32Oo Eliishaana markaas wuxuu dhex fadhiyey gurigiisii, oo odayaashiina way la fadhiyeen; oo boqorkiina nin buu iska soo hor mariyey; laakiinse ninkii wargeeyska ahaa intuusan isagii u iman ayuu Eliishaa odayaashii ku yidhi, War bal eega siduu kan gacankudhiigluhu dhalay cid ugu soo diray in madaxa layga gooyo? War markii wargeeysku yimaado albaabka xidha, oo dib ugu celiya albaabka. War waxa ka dambeeya sow ma aha sanqadhii cagihii sayidkiisa?

  • 1 Boq 20:6-7
    2 aayado
    75%

    6laakiinse berrito hadda oo kale waxaan kuu soo diri doonaa addoommadayda, oo waxay soo baadhi doonaan gurigaaga iyo guryaha addoommadaadaba, oo wax alla wixii kula wanaagsan gacantooday ku dhigi doonaan, wayna kaa soo qaadi doonaan.

    7Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.

  • 3Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya!

  • 74%

    10Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

    11Laakiinse Yehooshaafaadba wuxuu yidhi, War sow ma joogo nin ah Rabbiga nebigiis aan Rabbiga wax ka weyddiinnee? Oo mid ka mid ah boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ayaa ugu jawaabay, Waxaa jooga Eliishaa ina Shaafaad oo biyo ku shubi jiray Eliiyaah gacmihiisii.

  • 15Oo ninkii Ilaah shaqeeyihiisii markuu aroortii soo toosay oo uu baxay, bal eeg, waxaa la arkay ciidan fardo iyo gaadhifardood wata oo magaaladii ku wareegsan. Markaasaa midiidinkiisii wuxuu isagii ku yidhi, Sayidow, hoogaye! sidee baynu yeeli doonnaa?

  • 74%

    22Markaasaa nebigii u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo xoogayso, oo bal ogow, oo eeg waxaad samaynaysid, waayo, markii sannaddu soo wareegto ayaa boqorka Suuriya kugu soo duuli doonaa.

    23¶ Oo boqorkii Suuriya addoommadiisii waxay isagii ku yidhaahdeen, War ilaahoodu waa ilaahii buuraha oo sidaas daraaddeed ayay inooga xoog bateen. Haddaba aynu bannaanka kula dirirno oo markaas hubaal waynu ka xoog badnaanaynaa.

  • 6Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

  • 24¶ Oo taas dabadeed Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo wada urursaday ciidankiisii oo dhan, oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey.

  • 73%

    13Markaasaa Xasaa'eel yidhi, War sidee baan anigoo addoonkaaga ah oo aan eey waxba dhaamin waxyaalahan waaweyn u samayn doonaa? Markaasaa Eliishaa wuxuu ugu jawaabay, Rabbigu wuxuu i tusay inaad noqon doontid boqor Suuriya u taliya.

    14Markaasuu Eliishaa ka tegey oo wuxuu u yimid sayidkiisii isaga ku yidhi, War maxaa Eliishaa kugu soo yidhi? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wuxuu ii sheegay inaad hubaal bogsanaysid.

  • 7¶ Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya isagoo buka ayaa Eliishaa Dimishaq yimid, oo waa loo sheegay oo waxaa lagu yidhi, War ninkii Ilaah waa yimid.

  • 13Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 9Sidaas daraaddeed wuxuu ku yidhi kuwii Benhadad warka ka keenay, Boqorka sayidkayga ah u sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Dhammaan wixii aad markii hore ii soo dirsatay anoo addoonkaaga ah, waan yeelayaa, laakiinse waxan yeeli kari maayo. Oo wargeeyayaashiina way ka tageen, oo haddana war kalay u keeneen isagii.

  • 31Oo addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu maqalnay in boqorrada dalka Israa'iil yihiin boqorro naxariis badan, haddaba waannu ku baryaynaaye aannu joonyado guntanno, oo madaxana aannu xadhko ku duudduubanno, oo aannu boqorka dalka Israa'iil u baxno, waxaa laga yaabaa inuu naftaada badbaadiyee.

  • 17Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?

  • 9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

  • 18Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?

  • 13¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 19Markaasaa Eliishaa wuxuu iyagii ku yidhi, War jidkanu ma aha jidkii, magaaladanuna ma aha magaaladii. Haddaba i soo raaca oo waxaan idiin geeynayaa ninkaad doonaysaan. Oo isna wuxuu u hor kacay xagga Samaariya.

  • 15Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya.

  • 6Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.

  • 19Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab oo ah boqorka dalka Israa'iil soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu ku hadlay, mid kalena sidaasuu ku hadlay.

  • 28Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil waxaa u yimid oo la hadlay nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Reer Suuriya waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa Ilaahii buuraha, laakiinse ma aha Ilaahii dooxooyinka, oo sidaas daraaddeed dadkan faraha badan oo dhan adigaan kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 1 Boq 20:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo urursaday ciidankiisii oo dhan, waxaana isaga la jiray laba iyo soddon boqor, iyo fardo iyo gaadhifardood; oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey, wuuna la diriray.

    2Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,

  • 5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,

  • 7Laakiinse nin Ilaah baa isagii u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Boqorow, ciidanka Israa'iil yaanay ku raacin, maxaa yeelay, Rabbigu dadka Israa'iil oo reer Efrayim ah oo dhanba lama uu jiro.