2 Boqorradii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 3:3 : 3 Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
  • 1 Sam 27:1-3 : 1 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa. 2 Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad. 3 Oo Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday.
  • 1 Tim 5:8 : 8 Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 8:3-7
    5 aayado
    89%

    3Oo markii toddobadii sannadood ay dhammaadeen ayay naagtii ka soo noqotay dalkii reer Falastiin; oo waxay u tagtay boqorkii inay ugu qayshato gurigeedii iyo dhulkeedii.

    4Markaasna boqorku wuxuu la hadlayay Geexasii oo ahaa midiidinkii ninkii Ilaah, oo wuxuu ku lahaa, Waxaan kaa baryayaa inaad ii sheegto waxyaalihii waaweynaa oo Eliishaa sameeyey oo dhan.

    5Intuu boqorkii uga warramayay sidii uu u soo noolaysiiyey mid meyd ahaa, bal eeg, naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey ayaa boqorkii ugu qayshatay gurigeedii iyo dhulkeedii. Oo Geexasiina wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow, tanu waa naagtii, kanuna waa wiilkeedii Eliishaa soo noolaysiiyey.

    6Oo boqorkiina markuu naagtii saas weyddiiyey ayay iyana u sheegtay. Markaasaa boqorkii iyadii u amray sirkaal oo ku yidhi, U wada celi wax alla wixii ay lahayd oo dhan, iyo weliba midhihii beerteeda ka baxay tan iyo maalintii ay dalka ka tagtay iyo ilaa haddeer.

    7¶ Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya isagoo buka ayaa Eliishaa Dimishaq yimid, oo waa loo sheegay oo waxaa lagu yidhi, War ninkii Ilaah waa yimid.

  • 1¶ Markaasaa Eliishaa la hadlay naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey oo wuxuu ku yidhi, Sara joogso oo tag, adiga iyo reerkaagiiba, oo waxaad degtaa meel alla meeshii aad degi karto, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu amray in dalka abaaru ku dhacdo, oo waxay dalka joogi doontaa toddoba sannadood.

  • 2 Boq 4:5-9
    5 aayado
    75%

    5Sidaas daraaddeed isagii way ka tagtay, oo iyadii iyo wiilasheedii albaabkii bay isku soo xidheen, oo iyaguna weelashii bay u keenkeeneen, iyana way ku shubtay.

    6Oo markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.

    7Markaasay soo kacday, oo waxay u soo sheegtay ninkii Ilaah, oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo saliidda iibi, oo deynkaagii ku bixi, oo adiga iyo wiilashaaduna inta hadha ku noolaada.

    8¶ Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.

    9Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.

  • 15Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.

  • 73%

    12Oo markaasuu midiidinkiisii Geexasii ku yidhi, U yeedh naagtan reer Shuuneem. Oo markuu u yeedhay ayay hortiisii soo istaagtay.

    13Markaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.

    14Oo isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.

    15Markaasuu ku yidhi, Bal iyada u yeedh. Oo markuu u yeedhay ayay albaabka soo istaagtay.

    16Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.

    17Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.

    18Oo wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.

  • 72%

    36Markaasuu Geexasii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Tii reer Shuuneem u yeedh. Oo isna wuu u soo yeedhay. Oo markay gudaha ugu soo gashay ayuu ku yidhi, Wiilkaaga qaado.

    37Markaasay gudaha soo gashay, oo cagihiisii ku dhacday, oo dhulkay ku sujuudday, markaasay wiilkeedii qaadatay oo dibadda u baxday.

  • 30Oo wiilkii hooyadiis waxay tidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasuu kacay oo raacay.

  • 71%

    8¶ Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

    9Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso.

    10Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.

  • 2 Boq 4:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Haddaba waxaa Eliishaa u qaylisay naag u dhaxday qoonkii nebiyada ahaa midkood, oo waxay ku tidhi, Ninkaygii oo addoonkaaga ahaa waa dhintay, oo adna waad og tahay inuu addoonkaagu Rabbiga ka cabsan jiray. Oo nin deyn nagu lahaa ayaa u yimid inuu labadayda carruurta ah iga qaato oo addoommo ka dhigto.

    2Markaasaa Eliishaa wuxuu iyadii ku yidhi, Bal ii sheeg, maxaan kuu sameeyaa? Oo maxaad guriga ku haysataa? Iyana waxay tidhi, Anigoo addoontaada ah guriga waxba iima yaalliin dheri saliid ah mooyaane.

  • 71%

    21Oo iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.

    22Markaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.

    23Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.

    24Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.

    25Saas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.

  • Ruud 1:6-7
    2 aayado
    71%

    6¶ Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.

    7Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah.

  • 70%

    17Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.

    18Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?

  • 27Oo markay ninkii Ilaah buurta ugu timid ayay cagihiisii qabsatay. Oo Geexasii baa u soo dhowaaday inuu ka durkiyo, laakiinse ninkii Ilaah baa yidhi, War iska daa, waayo, nafteedu way welwelsan tahay, oo Rabbiguna taas wuu iga qariyey, iimana sheegin.

  • 1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

  • 2Oo reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay.

  • 8Markaasaa boqorkii naagtii ku yidhi, Orod oo gurigaagii tag, oo amar kugu saabsan baan bixin doonaa.

  • 18Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.

  • 4Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.

  • 38Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.

  • 18Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugsanayn.

  • 6Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;

  • 16Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara.

  • 2 Boq 2:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Oo markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa.

    2Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.

  • 7Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.

  • 24Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.