2 Butros 1:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 15:2 : 2 Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
  • Titus 3:14 : 14 Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.
  • Cib 6:12 : 12 inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.
  • 2 But 1:2 : 2 Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.
  • Flm 1:6 : 6 Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.
  • 1 Tes 3:12 : 12 Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay,
  • 1 Tes 4:1 : 1 ¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.
  • 2 Tes 1:3 : 3 ¶ Waxaa nagu waajib ah, walaalayaalow, inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, sida noo eg, maxaa yeelay, rumaysadkiinnu aad buu u kordhayaa, jacaylka aad kulligiin isu qabtaanna waa badnaanayaa.
  • 1 Tim 5:13 : 13 Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn.
  • Maah 19:15 : 15 Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
  • Mat 13:22 : 22 Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.
  • Mat 20:3 : 3 Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan,
  • Mat 20:6 : 6 Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin?
  • Mat 25:26 : 26 Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.
  • Yoox 5:42 : 42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.
  • Yoox 15:6-8 : 6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa. 7 Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa. 8 Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda.
  • Room 12:11 : 11 Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.
  • 1 Kor 15:58 : 58 Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.
  • 2 Kor 5:13-17 : 13 Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin. 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay. 16 ¶ Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno. 17 Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
  • 2 Kor 8:2 : 2 si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantinimada deeqsinimadooda.
  • 2 Kor 8:7 : 7 Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.
  • 2 Kor 9:14 : 14 Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed.
  • 2 Kor 13:5 : 5 Isjirraba inaad iimaanka ku jirtaan iyo in kale, oo bal istijaabiya. Oo miyeydnaan is-ogayn in Ciise Masiix idinku jiro haddaydnan ahayn kuwo aan loo bogin?
  • Fil 1:9 : 9 Waxaan Ilaah ka baryayaa in jacaylkiinnu aad iyo aad ugu sii bato xagga aqoonta iyo waxgarashada oo dhan,
  • Fil 2:5 : 5 ¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
  • Kol 2:7 : 7 idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 But 1:9-12
    4 aayado
    82%

    9Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.

    10Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.

    11Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.

    12¶ Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.

  • 2 But 1:2-7
    6 aayado
    80%

    2Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.

    3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

    4Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.

    5Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon,

    6aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado,

    7cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.

  • 7Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.

  • Kol 1:9-10
    2 aayado
    78%

    9¶ Sababtaas daraaddeed tan iyo maalintii aannu taas maqalnay ma aannu joojin inaannu idiin soo ducayno. Waxaannu Ilaah idiin baryaynaa inay idinka buuxsanto aqoonta doonistiisa xagga xigmadda iyo waxgarashada Ruuxa oo dhan,

    10inaad u socotaan si Rabbiga istaahisha oo aad wax kasta isaga kaga farxisaan, idinkoo midho ku soo saaraya shuqul kasta oo wanaagsan oo ku sii kordhaya aqoonta Ilaah.

  • 77%

    17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

    18Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.

  • 1 Kor 1:5-8
    4 aayado
    75%

    5Maxaa yeelay, wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba,

    6sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;

    7si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;

    8kan haddana idinku adkayn doona ilaa dhammaadka, inaad eedla'aataan maalinta Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 6Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.

  • 14Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.

  • Fil 1:9-11
    3 aayado
    74%

    9Waxaan Ilaah ka baryayaa in jacaylkiinnu aad iyo aad ugu sii bato xagga aqoonta iyo waxgarashada oo dhan,

    10inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin ahaataan ilamaa maalinta Masiixa,

    11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.

  • 6¶ Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.

  • 15Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.

  • 8Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.

  • 8Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;

  • 2 Yoox 1:8-9
    2 aayado
    72%

    8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

    9Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.

  • 20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

  • 72%

    9waayo, midhaha nuurku waxay ku wada jiraan wanaag iyo xaqnimo iyo run oo dhan.

  • 6Kaasu waa idiin yimid, xataa siduu ugu yimid dunida oo dhan isagoo midho dhalaya oo kordhaya, sida uu idinkana midho idiinku dhalayo oo idiinku kordhayo, tan iyo maalintii aad maqasheen oo aad ogaateen nimcada Ilaah oo runta ku jirta.

  • 71%

    8Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,

  • 58Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.

  • 8Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.

  • 14Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay;

  • 4oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

  • 70%

    13¶ Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo.

    14Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii;

  • 6Ninka beerta leh ee hawshoodaa waa inuu ahaadaa kan ugu horreeya oo midhaha ka qayb qaata.

  • 2 Kor 8:9-10
    2 aayado
    70%

    9Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.

    10Oo sidan ayaan idinkula talinayaa, waayo, tanu way idiin dhaantaa idinkoo ah kuwii sannaddii hore ugu hor bilaabay inay sameeyaan, mana aha inaad samaysaan oo keliya, laakiin waanad doonaysaan.

  • 22Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.

  • 6annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,

  • 2oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,

  • 11Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.

  • 2Qof uuni hadduu u malaynayo inuu wax garanayo, weli garan maayo siduu u garan lahaa.

  • 17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.