2 Samuu'eel 1:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Intay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan, Markay dhinteenna, lama kala geeyn, Gorgorrada way ka dheereeyeen, Libaaxyadana way ka xoog badnaayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 14:18 : 18 Markaasay dadkii magaaladu isagii ku yidhaahdeen maalintii toddobaad intaan qorraxdu dhicin, Maxaa malab ka macaan? Maxaase libaax ka xoog badan? Markaasuu iyagii ku yidhi, Haddaydnan qaalintayda beerta ku falin, Halxidhkayga ma aydnaan furteen.
  • Yer 4:13 : 13 Bal eega, isagu wuxuu u iman doonaa sida daruur oo kale, oo gaadhifardoodyadiisuna waxay ahaan doonaan sida dabayl cirwareen ah oo kale, oo fardihiisuna xataa gorgorrada way ka sii dheereeyaan. Annagaa hoognay! Waayo, waannu baabba'nay.
  • Sharc 28:49 : 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,
  • Bar 4:19 : 19 Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.
  • 1 Sam 18:1 : 1 ¶ Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa.
  • 1 Sam 20:2 : 2 Oo isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha.
  • 1 Sam 31:1-5 : 1 ¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay. 2 Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii. 3 Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay. 4 Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay. 5 Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.
  • 2 Sam 2:18 : 18 Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka.
  • 2 Sam 23:20 : 20 Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,
  • 1 Taar 12:8 : 8 Oo waxaa reer Gaad Daa'uud isaga soocay oo ugu tegey dhufayskii cidlada ku yiil rag xoog badan oo ah rag dagaal loo tababbaray, oo gaashaan iyo waran qaadan karay, oo wejigooduna wuxuu ahaa sida weji libaax oo kale, oo waxay u dheereeyeen sida cawsha buuraha joogta.
  • Ayuub 9:26 : 26 Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.
  • Maah 30:30 : 30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    24Gabdhaha reer binu Israa'iilow, Saa'uul u ooya, Kii dhar cas si raaxa leh idiin huwiyey, Oo dharkiinnana dahab ku sharraxay.

    25Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen! Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.

    26Anigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow; Adigu aad baad iigu macaanayd, Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh, Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.

    27Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!

  • 80%

    21Buuraha Gilbocow, Dharab iyo roob midna yaan laydinku arkin, beerihii qurbaanyadu ka bixi jireenna yaanay jirin, Waayo, kuwii xoogga lahaa gaashaankoodii ayaa halkaas lagu tuuray, Xataa gaashaankii Saa'uul oo ahaa sida mid aan saliid lagu subkin.

    22Kuwii la laayay dhiiggoodii, iyo kuwii xoogga lahaa xaydhoodii, Yoonaataan qaansadiisii dib ugama ay soo noqon, Oo Saa'uul seeftiisiina madhnaan kuma ay soo noqon.

  • 22Sidaas daraaddeed maalintii dagaalka dadkii la jiray Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba midkoodna gacantiisa lagama helin seef iyo waran toona, Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan mooyaane.

  • 17¶ Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,

  • 12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.

  • 1 Sam 31:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

    2Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.

  • 1¶ Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa.

  • 2Oo reer Falastiin aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Malkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.

  • 2 Sam 1:4-6
    3 aayado
    72%

    4Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen.

    5Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa, oo u soo warramay, War sidee baad u ogaatay in Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba ay dhinteen?

    6Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, wuxuu ku yidhi, Markaan si lamafilaan ah Buur Gilboca u soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo ku tiirsan warankiisii, gaadhifardoodkii iyo fardooleydiina aad bay u eryanayeen.

  • 13Markaasaa Yoonaataan buurtii fantay, kii hubkiisa u sidayna wuu daba socday, oo kuwii reer Falastiinna way ku hor dhaceen Yoonaataan, kii hubkiisa u sidayna wuu ka daba laayay.

  • 71%

    43Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.

    44Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa.

    45Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman.

  • 21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

  • 12waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo waxay soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay keeneen Yaabeesh, oo lafahoodii waxay ku aaseen geedkii Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

  • 70%

    39Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay.

    40Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee.

    41Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen.

  • 70%

    12Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,

    13oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.

  • 17¶ Kolkaasaa Saa'uul wuxuu dadkii isaga la jiray ku yidhi, Bal tiriya, oo eega kii inaga tegey kuu yahay. Oo markay tiriyeen waxay arkeen inayan Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday halkaas joogin.

  • 16¶ Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.

  • 69%

    5Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna dhintay.

    6Sidaas daraaddeed waxaa wada dhintay Saa'uul iyo saddexdiisii wiil, oo reerkiisii oo dhammu way wada dhinteen.

    7Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxada joogay oo dhammu markay arkeen inay iyagu carareen, oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkoodii ka tageen, oo carareen, markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

    8Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo wiilashiisii oo Buur Gilboca ku dhintay.

  • 1 Sam 31:5-8
    4 aayado
    69%

    5Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.

    6Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.

    7Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

    8¶ Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.

  • 19Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare! Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!

  • 3Markaasaa Yoonaataan iyo Daa'uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii.

  • 2Oo isna wuxuu lahaa wiil la yidhaahdo Saa'uul, oo ahaa nin dhallinyar oo wanaagsan. Oo reer binu Israa'iilna kuma jirin qof isaga ka wanaagsan. Garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaaba way ka dheeraayeen dadka kale oo dhan.

  • 16Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.

  • 68%

    11Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,

    12waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.

  • 1 Sam 19:6-7
    2 aayado
    68%

    6Markaasaa Saa'uul maqlay codkii Yoonaataan, oo wuxuu ku dhaartay nolosha Rabbiga inaan Daa'uud la dilayn.

    7Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.

  • 1¶ Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.

  • 1¶ Haddaba waxaa jiray dagaal dheer oo dhex maray reer Saa'uul iyo reer Daa'uud; oo Daa'uudna waa sii xoog badnaanayay, laakiinse reer Saa'uul way sii xoog yaraanayeen.

  • 10Oo xataa kan xoog badan, ee qalbigiisu yahay sida qalbiga libaaxa, wuu dhalaali doonaa dhammaantiis; waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu way og yihiin in aabbahaa yahay nin xoog badan, iyo in kuwa isaga la jira ay yihiin rag daran.

  • 41Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.

  • 4Oo Yoonaataanna wax wanaagsan ayuu aabbihiis Saa'uul uga sheegay Daa'uud, oo ku yidhi, Addoonkaaga Daa'uud ha ku dembaabin, maxaa yeelay, isagu kuguma uu dembaabin, oo shuqulladiisuna xaggaaga aad bay ugu wanaagsanaayeen,