2 Samuu'eel 12:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Daa'uud qalbi qabowjiiyey naagtiisii Batshebac, oo intuu u tegey ayuu la seexday, markaasay wiil u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Sulaymaan. Kolkaasaa Rabbigu isagii jeclaaday,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 1:6 : 6 Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud. Daa'uudna wuxuu naagtii Uuriyaah qabi jiray ka dhalay Sulaymaan,
  • 2 Sam 7:12 : 12 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.
  • 1 Taar 3:5 : 5 Oo kuwanuna waxay isaga ugu dhasheen Yeruusaalem: Shimcaa, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, afartaas oo ay dhashay Batshuuca oo ahayd ina Cammii'eel,
  • 1 Taar 22:9-9 : 9 Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan. 10 Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.
  • 1 Taar 28:5-6 : 5 Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo. 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.
  • 1 Taar 29:1 : 1 ¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 25oo wuxuu u diray Nebi Naataan, magiciisiina wuxuu u bixiyey Yediidyaah, Rabbiga aawadiis.

  • 79%

    26Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.

    27Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.

  • 77%

    27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

    28¶ Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu ugu jawaabay, Iigu yeedha Batshebac. Oo iyana way timid, wayna soo gashay meeshii boqorku joogay, oo soo hor istaagtay boqorkii.

  • 2 Sam 11:2-5
    4 aayado
    76%

    2¶ Oo makhribkii ayaa Daa'uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka saqafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aragga aad bay u qurux badnayd.

    3Markaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo?

    4Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.

    5Oo naagtiina way uuraysatay; markaasay Daa'uud u soo cid dirtay oo u sheegtay, waxayna ku tidhi, Uur baan yeeshay.

  • 75%

    10Laakiinse uma uu yeedhin Nebi Naataan, iyo Benaayaah, iyo raggii xoogga badnaa, iyo walaalkiis Sulaymaan.

    11Markaasaa Naataan la hadlay Batshebac oo Sulaymaan hooyadiis ahayd, oo ku yidhi, Naa miyaadan maqlin inuu boqor noqday Adoniiyaah kii ay Haggiid dhashay, oo sayidkeenna Daa'uudna uusan taas ogayn?

    12Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.

  • 75%

    3¶ Oo Daa'uudna naago kale buu Yeruusaalem ku guursaday, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdho kale.

    4Oo carruurtii Yeruusaalem ugu dhalatay magacyadoodiina waa kuwan: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,

  • 75%

    14Oo bal eeg, intaad boqorka la hadlayso ayaan anna kaa daba iman doonaa, oo waxaan sii adkayn doonaa erayadaada.

    15Markaasaa Batshebac waxay boqorkii ugu gashay qolkii, oo boqorkuna aad buu u gaboobay; oo waxaa boqorka u adeegaysay Abiishag tii reer Shuuneem.

    16Oo Batshebacna intay foororsatay ayay boqorkii u sujuudday. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaad doonaysaa?

    17Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.

  • 74%

    13¶ Oo Daa'uudna weliba Yeruusaalem ayuu ka guursaday addoommo iyo naago kale markuu Xebroon ka yimid dabadeed, oo weliba waxaa Daa'uud u dhashay wiilal iyo gabdho.

    14Oo kuwanuna waa kuwii isaga Yeruusaalem ugu dhashay magacyadoodii: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,

  • 5Oo kuwanuna waxay isaga ugu dhasheen Yeruusaalem: Shimcaa, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, afartaas oo ay dhashay Batshuuca oo ahayd ina Cammii'eel,

  • 23Laakiinse haatan wuu dhintay, haddaba bal maxaan u soomaa? Miyaan isagii soo celin karaa? Anigaa u tegi doona, laakiinse isagu iima soo noqon doono.

  • 73%

    17Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, iila hadal Boqor Sulaymaan inuu i siiyo Abiishag tan reer Shuuneem aan guursadee, (waayo, Maya, ku odhan maayo.)

    18Markaasaa Batshebac waxay tidhi, Waa hagaag, boqorka waan kuula hadli doonaa.

    19Sidaas daraaddeed Batshebac waxay u tagtay Boqor Sulaymaan inay ula hadasho Adoniiyaah. Boqorkiina wuu u sara joogsaday inuu iyada soo dhoweeyo, wuuna u foororsaday iyadii, markaasuu carshigiisii ku fadhiistay, oo wuxuu amray in carshi loo dhigo hooyadiis, markaasay midigtiisa fadhiisatay.

  • 73%

    12¶ Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.

    13¶ Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay u yimid Batshebac oo ahayd Sulaymaan hooyadiis. Oo iyana waxay ku tidhi, War ma nabad baad ku timid? Isna wuxuu yidhi, Haah, nabad baan ku imid.

  • 73%

    15Markaasaa Naataan gurigiisii tegey. Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.

    16¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay.

  • 72%

    31Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow.

    32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

  • 6Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud. Daa'uudna wuxuu naagtii Uuriyaah qabi jiray ka dhalay Sulaymaan,

  • 9Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan.

  • 39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 9Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.

  • 47Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.

  • 20Kolkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.

  • 1 Boq 1:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin.

    2Sidaas daraaddeed addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Boqorow, Sayidkayagiiyow, ha laguu doono gabadh dhallinyar oo bikrad ah, oo taasu ha istaagto hortaada, waxna ha kuu tarto, oo laabtaadana ha ku jiifto, si aad kulayl u hesho, Boqorow, Sayidkayagiiyow.

  • 10Oo Daa'uudna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud.

  • 1¶ Oo Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey.

  • 6Oo aabbihiisna marna kama calool xumayn isagii oo kuma odhan, War maxaad saas u yeeshay? Wuxuuna ahaa nin qurux badan, oo Absaaloom dabadiis dhashay.

  • 31Sulaymaanna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Rexabcaam.

  • 16Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.

  • 1¶ Haddaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan.

  • 43Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

  • 6Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.

  • 21Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.

  • 11Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.

  • 1¶ Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay.