2 Samuu'eel 13:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 19:6 : 6 Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
  • Xaak 19:9 : 9 Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
  • Xaak 19:22 : 22 Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.
  • Ruud 3:7 : 7 Oo Bocasna markuu wax cunay oo wax cabbay qalbigiisu waa faraxsanaa, oo wuxuu aaday inuu jiifsado meel tuulmo hadhuudh ah ka dambaysa. Markaasay aayar u timid oo cagihiisii bannaysay, oo way jiifsatay.
  • 1 Sam 25:36-38 : 36 Markaasaa Abiigayil u timid Naabaal, oo bal eeg, gurigiisuu ku qabtay diyaafad u eg boqor diyaafaddiis, oo Naabaalna qalbigiisu aad buu u faraxsanaa, waayo, aad buu u sakhraansanaa; sidaas daraaddeed waxba uma ay sheegin yar iyo badnaan toona ilaa waaberigii. 37 Oo subaxdii markii Naabaal sakhraankii ka ba'ay ayay naagtiisii waxyaalahan u sheegtay, markaasaa qalbigii ku dhex dhintay, oo sidii dhagax oo kale ayuu noqday. 38 Oo haddana toban maalmood dabadeed Rabbigaa Naabaal dilay, wuuna iska dhintay.
  • 1 Sam 28:10 : 10 Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.
  • 1 Sam 28:13 : 13 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.
  • 2 Sam 11:13 : 13 Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin.
  • 2 Sam 11:15 : 15 Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.
  • 1 Boq 20:16 : 16 Oo duhurkii ayay baxeen. Laakiinse Benhadad khamri buu cabbayay oo teendhooyinkii ku sakhraamayay, isaga iyo boqorradii la jirayba, kuwaasoo ahaa laba iyo soddonkii boqor oo isaga caawinayay.
  • Est 1:10 : 10 ¶ Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas,
  • Sab 104:15 : 15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
  • Wacd 9:7 : 7 ¶ Orod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo khamrigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqulladaadii horuu u aqbalay.
  • Wacd 10:19 : 19 Diyaafadda waxaa loo dhigaa qosol aawadiis, khamriguna naftuu u raaxeeyaa, oo lacagtu wax kastaba way ka jawaabtaa.
  • Daan 5:2-6 : 2 Beelshaasar markuu dhadhamiyey khamrigii ayuu amray in la keeno weelashii dahabka iyo lacagta ahaa, oo aabbihiis Nebukadnesar ka soo qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil, in boqorka iyo saraakiishiisa, iyo naagihiisii, iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbaan. 3 Markaasay keeneen weelashii dahabka ahaa oo laga soo qaaday macbudkii guriga Ilaah ahaa ee Yeruusaalem ku yiil; oo boqorkii iyo saraakiishiisii, iyo naagihiisii iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbeen. 4 Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa. 5 ¶ Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay. 6 Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.
  • Daan 5:30 : 30 Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.
  • Nax 1:10 : 10 Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
  • Luuk 21:34 : 34 ¶ Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale.
  • Fal 5:29 : 29 Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.
  • 1 Sam 22:17-18 : 17 Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga. 18 Markaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
  • Bil 9:21 : 21 Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa.
  • Bil 19:32-35 : 32 Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno. 33 Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona. 34 Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee. 35 Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona.
  • Bax 1:16-17 : 16 oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato. 17 Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd.
  • Tir 22:16-17 : 16 Oo iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan. 17 Waxaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.
  • Yash 1:9 : 9 Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    29Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

  • 81%

    20Markaasaa walaalkeed Absaaloom wuxuu ku yidhi, Ma waxaa kula jiray walaalkaa Amnoon? Haddaba walaalay, bal iska aamus, oo waxan qalbiga ha ku qabsan, waayo, isagu waa walaalkaa. Sidaas daraaddeed Taamaar waxay ku hadhay oo ku cidlowday gurigii walaalkeed Absaaloom.

    21Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.

    22Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay.

    23¶ Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.

    24Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.

    25Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.

    26Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?

    27Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.

  • 79%

    32Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.

    33Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.

    34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

    35Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.

    36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

  • 2 Sam 13:3-5
    3 aayado
    77%

    3Laakiinse Amnoon wuxuu lahaa saaxiib, magiciisa la odhan jiray Yoonaadaab, oo uu dhalay Shimcaah oo ahaa Daa'uud walaalkiis; oo Yoonaadaabna nin sir badan buu ahaa.

    4Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.

    5Markaasaa Yoonaadaab ku yidhi, Sariirtaada ku jiifso oo iska dhig sidii mid buka, oo markii aabbahaa kuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo cunto ha i siiso, oo cuntadana hortayda ha ku samayso, aan iska fiirsadee, oo aan gacanteedana ku cunee.

  • 5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

  • 76%

    11Yoo'aabna wuxuu ninkii u soo warramay ku yidhi, Oo haddaad aragtay maxaad isaga halkaas ugu dili weyday? Oo anna waxaan ku siin lahaa toban gogo' oo lacag ah iyo dhex-xidh.

    12Markaasaa ninkii Yoo'aab ku yidhi, In kastoo aan heli lahaa kun gogo' oo lacag ah, weliba ma aanan yeeleen inaan gacantayda wiilka boqorka u qaado, waayo, annagoo maqlayna ayaa boqorku idinku amray, adiga iyo Abiishay iyo Itay, oo idinku yidhi, Iska jira oo yaan ninna taaban ninka dhallinyarada ah ee Absaaloom ah.

    13Ama haddaan saas samayn lahaa naftaydaan been kula macaamiloon lahaa, waayo, boqorka waxba kama qarsoona, adiga qudhaaduna waad igu kici lahayd.

    14Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.

    15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 74%

    30Sidaas daraaddeed Absaaloom wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Bal eega, Yoo'aab beertiisu waxay u dhow dahay tayda, oo waxaa ugu taal shaciir; haddaba taga oo dab qabadsiiya. Markaasaa Absaaloom addoommadiisii beertii dab qabadsiiyeen.

    31Dabadeedna Yoo'aab baa soo kacay oo Absaaloom gurigiisii ugu yimid, oo ku yidhi, War addoommadaadu maxay beertayda dab u qabadsiiyeen?

    32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

  • 39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

  • 10Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon.

  • 74%

    20Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn.

    21Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan.

  • 1¶ Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay.

  • 73%

    13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

    14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

    15Markaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

  • 29Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

  • 6oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.

  • 6Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.

  • 7Markaasaa Daa'uud Taamaar gurigii ugu cid diray, oo ku yidhi, Orod oo waxaad tagtaa gurigii walaalkaa Amnoon, oo isaga cunto u samee.

  • 8Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba.

  • 1¶ Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,

  • 10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

  • 15Markaasaa Amnoon iyadii si aad iyo aad u weyn u nebcaaday, waayo, nacaybkuu u qabay wuu ka sii weynaa caashaquu caashaqay. Markaasaa Amnoon ku yidhi, Kac, oo iga tag.

  • 31Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.

  • 21Markaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 33Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!