2 Samuu'eel 17:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaasaynu isaga ugu iman doonnaa meesha laga helo, oo waxaynu ugu soo degi doonnaa sida dharabku dhulka ugu soo dego oo kale; oo isaga iyo dadka la socda oo dhanba xataa mid qudha ka reebi mayno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 23:23 : 23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
  • 1 Boq 20:10 : 10 Benhadad baa u soo cid diray oo ku yidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddii ciidda Samaariya sacab sacab u gaadho dadka ila socda oo dhan.
  • 2 Boq 18:23 : 23 Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
  • 2 Boq 19:24 : 24 Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
  • Ish 10:13-14 : 13 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey. 14 Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey.
  • Coba 1:3 : 3 Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Oo weliba hadduu magaalo galo, markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu xadhko soo qaadan doonaan, oo waxaynu magaalada u jiidaynaa xagga webiga oo waan ku ridaynaa, ilaa halkaas laga waayo xataa dhagax yar.

  • 79%

    9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

    10Oo xataa kan xoog badan, ee qalbigiisu yahay sida qalbiga libaaxa, wuu dhalaali doonaa dhammaantiis; waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu way og yihiin in aabbahaa yahay nin xoog badan, iyo in kuwa isaga la jira ay yihiin rag daran.

    11Laakiinse anigu waxaan ku talinayaa in reer binu Israa'iil oo dhammu adiga kuu soo shiraan oo ay ka yimaadaan tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo ay u soo bataan sida cammuudda badda agteeda taal; oo aad adiga qudhaadu dagaalka gashid.

  • 2 Sam 17:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,

    2oo waxaan u imanayaa intuu daallan yahay oo gacmihiisu taag daranyihiin, markaasaan cabsiinayaa, oo dadka isaga la jira oo dhammuna way carari doonaan. Markaasaan dili doonaa boqorka oo keliya.

    3Oo dadka oo dhanna waan kuu soo celin doonaa, oo ninka aad doonaysaa waa sidii iyadoo ay dhammaan soo wada noqdeen; markaasay dadka oo dhammu nabad ku noolaan doonaan.

  • 23Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.

  • Xaak 20:8-11
    4 aayado
    73%

    8Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.

    9Laakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa.

    10Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.

    11Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.

  • Yash 8:5-6
    2 aayado
    72%

    5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.

    6Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.

  • 6Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba.

  • 19Waayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaalgudo.

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 10Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.

  • 9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.

  • 36¶ Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee.

  • 17Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil.

  • 37bal eeg, meesha sarreenka lagu tumo ayaan dhigayaa dhogor idaad, haddaba haddii dharab qoyo dhogorta keliya oo dhulka kale oo dhammuna uu engegnaado, markaasaan ogaanayaa inaad gacantayda ku badbaadinaysid reer binu Israa'iil, sidaad ku hadashay.

  • 22Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha ku sameeyo cadaawayaashayda, haddii waxa uu leeyahay oo dhan xataa wiil yarna ha noqotee aan ka tago tan iyo waaberiga.

  • Xaak 9:32-33
    2 aayado
    70%

    32Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.

    33Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.

  • 7Markaasay Yashuuca iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu biyihii Meeroom agtooda kaga soo kediyeen oo weerareen iyagii.

  • 37Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.

  • 46Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

  • 22Markaasaa Daa'uud iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu kaceen, oo waxay ka gudbeen Webi Urdun; oo markii waagii baryay ma jirin mid iyagii ah oo aan Webi Urdun ka gudbin.

  • 12Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.

  • 70%

    25Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.

    26Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

  • 9Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.

  • 15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

  • 15Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa.

  • 20Haddaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.

  • 52Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

  • 7Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin.

  • 9¶ Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.

  • 12Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

  • 12Oo raggii ciidanku waxay Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Soo fuula, wax baannu idin tusaynaaye. Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi kii hubkiisa u siday, Iga soo daba fuul, waayo, Rabbigu wuxuu iyaga soo geliyey gacanta reer binu Israa'iil.

  • 8Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.

  • 23Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

  • 22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • 7Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.

  • 20Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.

  • 29Oo in kastoo dadku kugu kaco oo kuu eryado inuu nafta kaa qaado, weliba, sayidkaygiiyow, naftaadu waxay xidhmada nolosha kula xidhnaan doontaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo cadaawayaashaada naftoodana wuu tuuri doonaa sidii isagoo ka tuuraya wadhafka meeshiisa godan.