2 Samuu'eel 19:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 18:14 : 14 Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.
  • 2 Sam 18:5 : 5 Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.
  • 2 Sam 18:12 : 12 Markaasaa ninkii Yoo'aab ku yidhi, In kastoo aan heli lahaa kun gogo' oo lacag ah, weliba ma aanan yeeleen inaan gacantayda wiilka boqorka u qaado, waayo, annagoo maqlayna ayaa boqorku idinku amray, adiga iyo Abiishay iyo Itay, oo idinku yidhi, Iska jira oo yaan ninna taaban ninka dhallinyarada ah ee Absaaloom ah.
  • 2 Sam 18:20 : 20 Kolkaasaa Yoo'aab wuxuu ku yidhi, Adigu maanta ahaan maysid kan warka qaadaya, laakiinse maalin kalaad qaadi doontaa, illowse adigu maanta waxba war qaadi maysid, maxaa yeelay, boqorka wiilkiisii baa dhintay.
  • 2 Sam 18:33 : 33 Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!
  • Maah 17:25 : 25 Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 19:2-6
    5 aayado
    90%

    2Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa.

    3Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.

    4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

    5Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

    6oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.

  • 84%

    34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

    35Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.

    36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

    37Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.

  • 33Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 2 Sam 14:1-2
    2 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

    2Markaasaa Yoo'aab u cid diray Teqooca, oo wuxuu halkaas uga yeedhay naag caqli badan, oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, waxaad iska dhigtaa sidii mid barooranaysa, oo waan ku baryayaaye, waxaad xidhataa dharkii baroorta, saliidna ha ku subkan, laakiinse waxaad noqotaa sidii naag wakhti dheer ku ka dhintay u barooranaysay;

  • 80%

    31¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii.

    32Oo Abneer waxaa lagu aasay Xebroon, boqorkiina codkiisii kor buu u qaaday, oo qabrigii Abneer ku dul ooyay; oo dadkii oo dhammuna way wada ooyeen.

    33Oo boqorkiina wuxuu u baroortay Abneer, oo yidhi, Miyey habboon tahay in Abneer u dhinto sida nacas u dhinto oo kale?

    34Gacmahaagu ma xidhnayn, cagahaaguna ma dabranayn, Sida nin ugu dhaco dad dembi leh hortooda ayaad u dhacday. Markaasaa dadkii oo dhammu mar kale u ooyay isagii.

  • 78%

    31Dabadeedna Yoo'aab baa soo kacay oo Absaaloom gurigiisii ugu yimid, oo ku yidhi, War addoommadaadu maxay beertayda dab u qabadsiiyeen?

    32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

    33Sidaas daraaddeed Yoo'aab baa boqorkii u yimid, wuuna u sheegay, oo markuu Absaaloom u yeedhay ayuu isna boqorkii u yimid, oo intuu u sujuuday ayuu wejigiisa dhulka saaray boqorka hortiisa; oo boqorkiina Absaaloom buu dhunkaday.

  • 5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

  • 39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 21Markaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 76%

    11Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen,

    12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.

  • 30¶ Oo Daa'uudna wuxuu fuulay jiirtii Buur Saytuun oo intuu sii socdayna wuu ooyayay, isagoo hagoogan, oo caga cad, oo dadkii la jiray oo dhammuna midkood waluba wuu hagoogtay, oo kor bay tageen, iyagoo ooyaya intay kor u sii socdeen.

  • 75%

    8Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

    9¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

    10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

  • 75%

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

    31Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.

  • 75%

    23Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.

    24Markaasaa boqorkii yidhi, Gurigiisii ha ku noqdo, laakiinse yuusan wejigayga arkin. Saas aawadeed Absaaloom wuxuu ku noqday gurigiisii, mana uu arkin boqorka wejigiisii.

  • 17¶ Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,

  • 75%

    29Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

    30Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay.

  • 74%

    18Oo Absaaloomna intuu noolaa ayuu yidhi, Wiil magacayga lagu soo xusuusto ma aan lihi. Sidaas daraaddeed wuxuu qaaday tiir oo dhex qotomiyey dooxadii boqorka; oo tiirkiina wuxuu ku magacaabay magiciisii, oo ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa taalladii Absaaloom.

    19¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.

    20Kolkaasaa Yoo'aab wuxuu ku yidhi, Adigu maanta ahaan maysid kan warka qaadaya, laakiinse maalin kalaad qaadi doontaa, illowse adigu maanta waxba war qaadi maysid, maxaa yeelay, boqorka wiilkiisii baa dhintay.

  • 10Markaasaa nin arkay, oo Yoo'aab u soo sheegay, oo wuxuu ku yidhi, War, waxaan soo arkay Absaaloom oo geed ka lalmada.

  • 9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

  • 4Markaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan.

  • 29Markaasaa Absaaloom u cid dirtay Yoo'aab inuu boqorka u diro; laakiinse wuu diiday inuu u yimaado; oo haddana mar labaad buu u cid dirtay, laakiinse wuu diiday inuu yimaado.

  • 13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

  • 73%

    14Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.

    15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 23Oo waddankii oo dhanna waxaa lagaga ooyay cod weyn, oo dadkii oo dhammuna webigii way ka gudbeen; oo boqorka qudhiisii wuu ka gudbay toggii Qidroon, oo dadkii oo dhammuna waxay u gudbeen xagga cidlada.

  • 6Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.

  • 25Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.