2 Samuu'eel 19:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maanta waxaan jiraa siddeetan sannadood, haddaba miyaan kala garan karaa xumaanta iyo samaanta? Oo anigoo addoonkaaga ah miyaan dhadhamin karaa waxaan cuno iyo waxaan cabbo toona? Oo miyaan in dambe maqli karaa codka ragga gabyaya iyo dumarka heesaya? Haddaba anoo addoonkaaga ah maxaan culays kuugu noqonayaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 15:33 : 33 Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Haddaad i raacdo oo aad ila gudubto, culays baad igu noqonaysaa;
  • Cesr 2:65 : 65 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya.
  • Sab 90:10 : 10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
  • Wacd 2:8 : 8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan.
  • Wacd 12:1-5 : 1 ¶ Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuurahaaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, ama ayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto, Sannadahan kuma istareexo, 2 iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon, 3 iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan, 4 iyo inta albaabbada jidadka lagu xidho, iyo inta sanqadha shiididdu ay gaaban tahay, oo shimbirta cideeda lagu tooso, oo gabdhaha muusikaduna ay wada taag darnaadaan. 5 Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan.
  • Ish 5:11-12 : 11 ¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo! 12 Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.
  • Cib 5:14 : 14 Laakiin cuntada adag waxaa leh dadka waaweyn oo ah kuwa ku isticmaalidda kaskooda ku kala garta wanaagga iyo xumaanta.
  • 1 But 2:3 : 3 haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,
  • Nex 7:67 : 67 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya.
  • Ayuub 6:30 : 30 War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?
  • Ayuub 12:11 : 11 War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
  • Bax 2:8 : 8 Gabadhii Fircoonna waxay ku tidhi iyadii, Haah, tag. Gabadhiina way tagtay oo waxay u yeedhay yarkii hooyadiis.
  • Bax 12:4 : 4 oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka.
  • 2 Sam 13:25 : 25 Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    31¶ Oo Barsillay oo ahaa reer Gilecaad ayaa Rogeliim ka yimid; oo wuxuu boqorka kala gudbay Webi Urdun, si uu u sii sagootiyo.

    32Barsillayna nin aad u da' weyn buu ahaa, oo wuxuu jiray siddeetan sannadood, oo boqorkana sooryuu u keeni jiray intuu Maxanayim joogay, maxaa yeelay, nin aad u weyn buu ahaa.

    33Markaasaa boqorkii wuxuu Barsillay ku yidhi, Kaalay oo ila gudub, oo anna Yeruusaalem baan kugu quudin doonaa.

    34Barsillayna wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal cimrigaygu waa intee, markaan boqorka Yeruusaalem u raacayo?

  • 77%

    36Anoo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?

    37Haddaba anoo addoonkaaga ah, waan ku baryayaaye, i daa aan dib u noqdee, si aan ugu dhinto magaaladaydii iyo meel u dhow qabrigii aabbahay iyo hooyaday. Laakiinse bal eeg addoonkaagii Kimhaam; isagu ha kula gudbo, boqorow, sayidkaygiiyow, oo isaga ku samee wax alla wixii kula wanaagsan.

    38Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Kimhaam aniguu ila gudbayaa, oo waxaan u samaynayaa wixii kula wanaagsan; oo wax alla wixii aad i weyddiisato, waan kuu samaynayaa.

    39Oo dadkii oo dhammu Webi Urdun bay ka gudbeen, oo boqorkiina wuu gudbay; boqorkiina Barsillay wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; oo isna wuxuu ku noqday meeshiisii.

  • 72%

    10Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood.

    11Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo.

  • 72%

    27Oo anigoo addoonkaagii ah ayuu igu kaa hor xantay boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse waxaad tahay sidii malaa'ig Ilaah oo kale; haddaba wixii kula wanaagsan samee.

    28Waayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?

    29Boqorkiina wuxuu ku yidhi, War maxaad weli uga sii hadlaysaa axwaalahaaga? Waxaan ku leeyahay, Adiga iyo Siibaa dhulka qaybsada.

  • 2Oo haatan, bal eega, boqorkii wuu idin hor socdaaye, oo anigu waan gaboobay, waanan cirroobay; oo bal eega, wiilashaydiina way idinla joogaan, oo aniguna waxaan idin hor socday tan iyo yaraantaydii.

  • 2Markaasuu yidhi, Bal i eeg, haatan waan gaboobay, garanna maayo maalinta dhimashadayda.

  • 15Ceeliina wuxuu jiray siddeed iyo sagaashan sannadood, oo indhihiisuna dem bay ahaayeen oo waxba ma uu arki karin.

  • 2Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.

  • 38Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.

  • 2Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?

  • 20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 1¶ Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin.

  • 67%

    17Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.

    18Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?

    19Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.

  • 15Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.

  • 11Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen?

  • 66%

    15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

    16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

    17Haddaba anoo addoontaada ah waxaan idhi, Boqorka sayidkayga ah hadalkiisu ha ahaado mid i nasiya, waayo, boqorka sayidkayga ahu sida malaa'igta Ilaah ayuu u kala gartaa xumaanta iyo samaanta. Rabbiga Ilaahaaga ahuna ha kula jiro.

    18Markaasaa boqorkii naagtii ugu jawaabay, Waan ku baryayaaye waxa aan ku weyddiin doono, waxba ha iga qarin. Oo naagtiina waxay tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, bal iska hadal.

    19Boqorkiina wuxuu yidhi, Waxyaalahan oo dhan ma Yoo'aab baa kugu weheliya? Kolkaasaa naagtii ugu jawaabtay, Boqorow, sayidkaygiiyow, naftaada nool baan ku dhaartaye inaan ninna xagga midigta ama xagga bidixda uga leexan karin waxaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, addoonkaaga Yoo'aab ah ayaa igu amray waxan, oo erayadan oo dhanna isagaa afka iigu riday, anoo addoontaada ah.

  • 2 Sam 16:1-2
    2 aayado
    66%

    1¶ Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah.

    2Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo.

  • 1 Boq 2:6-7
    2 aayado
    66%

    6Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha.

    7Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.

  • 19Oo wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.

  • 19Oo haddana, bal yaan u adeegaa? Sow wiilkiisa ma aha? Sidaan aabbahaa ugu adeegi jiray oo kale ayaan haatanna adiga kuugu adeegayaa.

  • 18Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa taasoo ku saabsan cisadii aad ii samaysay anoo addoonkaaga ah? Waayo, waad i garanaysaa.

  • 8Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.

  • 27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

  • 8Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?

  • 15Haddaba sarreenkii iyo shaciirkii, iyo saliiddii iyo khamrigii aad ka hadashay noo soo dir, sayidkaygiiyow.

  • 22Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.

  • 35Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 10Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.

  • 7Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

  • 18Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa?

  • 22Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?

  • 13Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday.