2 Samuu'eel 2:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Abneer wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ragga dhallinyarada ahu ha kaceen oo horteenna ha ku cayaareen. Yoo'aabna wuxuu yidhi, Waa yahay ee ha kaceen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 2:17 : 17 Oo dagaalkiina aad buu u kululaaday maalintaas; oo waxaa laga adkaaday Abneer, iyo raggii reer binu Israa'iil, waxaana ka reeyey addoommadii Daa'uud.
  • 2 Sam 2:26-27 : 26 Dabadeedna Abneer wuxuu u dhawaaqay Yoo'aab, oo ku yidhi, War seeftu miyey weligeed baabbi'inaysaa? Ugudambaystase inay qadhaadh noqonayso sow ma ogid? Haddaba ilaa goormay noqonaysaa markaad dadka kala hadlayso inay ka hadhaan walaalahooda ay eryanayaan? 27 Markaasaa Yoo'aab wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, haddaadan hadlin, hubaal dadku subaxda waa iska tegi lahaa oo ninnaba walaalkiis ma eryadeen.
  • Maah 10:23 : 23 Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
  • Maah 17:14 : 14 Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
  • Maah 20:18 : 18 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
  • Maah 25:8 : 8 Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
  • Maah 26:18-19 : 18 Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho, 19 Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    12¶ Markaasaa Abneer oo ahaa ina Neer, iyo addoommadii Iishboshed ina Saa'uul, Maxanayim ka soo baxeen, oo waxay tageen Gibecoon.

    13Kolkaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo addoommadii Daa'uud soo baxeen, oo waxay ku wada kulmeen balligii Gibecoon agtiisa; oo iyana qolo waxay balliga ka fadhiisatay dhinac, qoladii kalena waxay balliga ka fadhiisteen dhinacii kale.

  • 15Markaasay kaceen oo tiro ku gudbeen; oo waxay ahaayeen laba iyo toban reer Benyaamiin ah, oo ka socda xaggii Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, iyo laba iyo toban ka socda addoommadii Daa'uud.

  • 74%

    24Laakiinse Yoo'aab iyo Abiishay waxay eryadeen Abneer; oo qorraxdiina way dhacday markii ay yimaadeen buurtii Ammaah oo ku hor taal Giyax ee ku ag taal waddada cidlada Gibecoon.

    25Markaasaa reer Benyaamiin dhammaantood soo wada urureen oo Abneer soo daba galeen, oo waxay noqdeen guuto keliya, markaasay buur isku dul taageen.

    26Dabadeedna Abneer wuxuu u dhawaaqay Yoo'aab, oo ku yidhi, War seeftu miyey weligeed baabbi'inaysaa? Ugudambaystase inay qadhaadh noqonayso sow ma ogid? Haddaba ilaa goormay noqonaysaa markaad dadka kala hadlayso inay ka hadhaan walaalahooda ay eryanayaan?

    27Markaasaa Yoo'aab wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, haddaadan hadlin, hubaal dadku subaxda waa iska tegi lahaa oo ninnaba walaalkiis ma eryadeen.

  • 73%

    29Oo Abneer iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay sii dhex guuraynayeen Caraabaah; wayna ka gudbeen Webi Urdun, oo Bitroon oo dhanna way dhex mareen, oo waxay yimaadeen Maxanayim.

    30Oo Yoo'aabna wuu ka noqday eryadkii uu Abneer eryanayay; oo markuu dadkii oo dhan soo urursaday, waxaa addoommadii Daa'uud ka dhinnaaday sagaal iyo toban nin iyo Casaaheel.

    31Laakiinse addoommadii Daa'uud wax bay reer Benyaamiin iyo raggii Abneer ka laayeen, oo waxaa ka dhintay saddex boqol iyo lixdan nin.

  • 73%

    20Markaasaa Abneer gadaashiisa dhugtay, oo wuxuu yidhi, War ma adigii baa, Casaaheelow? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii.

    21Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo, oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo.

    22Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?

  • 71%

    19Oo Abneer wuxuu kaloo la hadlay reer Benyaamiin; oo weliba Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon si uu ugu sheego waxa la wanaagsan reer binu Israa'iil oo dhan, iyo reer Benyaamiin oo dhanba.

    20Saas aawadeed Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon, labaatan nin baana la socday. Oo Daa'uudna diyaafad ayuu Abneer iyo raggii la socdayba u sameeyey.

    21Markaasaa Abneer Daa'uud ku yidhi, Anigu waan kacayaa, waanan tegayaa, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan kuu soo wada ururin doonaa, boqorow, sayidkaygiiyow, inay axdi kula dhigtaan oo adna aad xukuntid in alla intii naftaadu doonayso. Markaasaa Daa'uud Abneer iska diray; oo isna nabad buu ku tegey.

    22¶ Oo bal eeg, Daa'uud addoommadiisii iyo Yoo'aabba waxay ka yimaadeen duulaan, iyagoo dhac badan wada, laakiinse Abneer Daa'uud lama joogin Xebroon, waayo, wuu iska diray, oo isna nabad buu ku tegey.

    23Oo markii Yoo'aab iyo ciidankii la jiray oo dhammu ay yimaadeen waxaa Yoo'aab loo sheegay, oo lagu yidhi, Waxaa boqorka u yimid Abneer ina Neer, oo isna wuu iska diray, markaasuu nabad ku tegey.

    24Markaasaa Yoo'aab boqorkii u yimid, oo ku yidhi, Maxaad samaysay? Bal eeg, Abneer baa kuu yimid, maxaad u dirtay oo uu u tegey?

  • 71%

    30Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon.

    31¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii.

  • 11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.

  • 17Oo dagaalkiina aad buu u kululaaday maalintaas; oo waxaa laga adkaaday Abneer, iyo raggii reer binu Israa'iil, waxaana ka reeyey addoommadii Daa'uud.

  • 8¶ Haddaba Abneer oo ahaa ina Neer, oo Saa'uul ciidankiisa sirkaal u ahaa ayaa soo kaxaystay Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, oo wuxuu u soo gudbiyey xagga Maxanayim;

  • 70%

    13Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.

    14Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

    15Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.

  • 15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 69%

    12Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.

    13Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

    14Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.

  • 21Markaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.

  • 69%

    30Sidaas daraaddeed Absaaloom wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Bal eega, Yoo'aab beertiisu waxay u dhow dahay tayda, oo waxaa ugu taal shaciir; haddaba taga oo dab qabadsiiya. Markaasaa Absaaloom addoommadiisii beertii dab qabadsiiyeen.

    31Dabadeedna Yoo'aab baa soo kacay oo Absaaloom gurigiisii ugu yimid, oo ku yidhi, War addoommadaadu maxay beertayda dab u qabadsiiyeen?

  • 1¶ Haddaba waxaa maalin dhacay inuu Yoonaataan ina Saa'uul ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Bal ina keen aan ciidanka reer Falastiin oo xaggaas jooga u gudubnee. Laakiinse taas uma uu sheegin aabbihiis.

  • 68%

    10Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.

    11Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan.

  • 26Yoo'aabna markuu Daa'uud ka soo baxay ayuu rag ka daba diray Abneer, oo waxay ka soo celiyeen ceelkii Siraah, laakiinse taas Daa'uud ma ogayn.

  • 23Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

  • 12Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.

  • 6¶ Intii ay reer Saa'uul iyo reer Daa'uud dagaallamayeen ayaa Abneer aad ugu xoogaystay reerkii Saa'uul.

  • 17¶ Oo Abneerna wuxuu la arrinsaday odayaashii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waa hore waxaad doonayseen in Daa'uud boqor idiin noqdo.

  • 14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

  • 10Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan.

  • 5Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.

  • 12Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.

  • 14Kolkaasaa Daa'uud u dhawaaqay dadkii iyo Abneer oo ahaa ina Neer, oo yidhi, Abneerow, war miyaadan jawaabayn? Markaasaa Abneer jawaabay oo yidhi, Kaaga boqorka u dhawaaqayaa, kumaad tahay?

  • 8Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.

  • 12¶ Markaasaa Abneer wuxuu Daa'uud u soo diray wargeeyayaal magiciisa ku hadlaya, oo leh, War dhulka yaa leh? Oo wuxuu kaloo ku yidhi, Heshiis ila dhigo, anna gacan baan ku siinayaa, inaan kuu soo wada jeediyo reer binu Israa'iil oo dhan.