2 Samuu'eel 23:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal!

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 4:14 : 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
  • Yoox 7:37 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
  • Tir 11:4-5 : 4 ¶ Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? 5 Annagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii.
  • Sab 42:1-2 : 1 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow. 2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
  • Sab 63:1 : 1 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
  • Sab 119:81 : 81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
  • Ish 41:17 : 17 Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.
  • Ish 44:3 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
  • Yoox 4:10 : 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 97%

    16Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.

    17Oo Daa'uudna intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam, ee iridda ku ag yaal!

    18Markaasaa saddexdii ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse Daa'uud wuu diiday inuu cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.

    19Oo wuxuu yidhi, Anigu inaan saas yeelo Ilaahaygu ha ii diido, ma waxaan cabbaa dhiiggii nimankan naftooda biimeeyey? Waayo, iyagu biyahan waxay ku keeneen naftoodii oo halis ku jirta. Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

  • 87%

    16Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.

    17Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

  • 14Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.

  • 72%

    11Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.

    12Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.

  • 71%

    18Oo markaasuu aad u oomay, oo Rabbiguu baryay, oo wuxuu yidhi, Adaa samatabbixintan weyn gacantayda siiyey, anoo addoonkaaga ah, de haddaba ma waxaan u dhimanayaa oon, oo ma waxaan gelayaa gacanta kuwa buuryoqabka ah?

    19Markaasaa Ilaah wuxuu kala dillaaciyey meeshii qodnayd oo Lexii ku tiil, oo waxaa ka soo baxay biyo, oo markuu cabbay ayaa naftiisii soo noqotay, wuuna noolaaday. Taas aawadeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Ceyn Haqooree, oo xataa maanta waxay ku taal Lexii.

  • 25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • Bil 24:17-18
    2 aayado
    70%

    17Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye.

    18Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay.

  • 43bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

  • 1 Sam 23:1-4
    4 aayado
    69%

    1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

    2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.

    3Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?

    4Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.

  • Tir 21:16-17
    2 aayado
    69%

    16Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.

    17Markaasay reer binu Israa'iil gabaygan ku gabyeen, Ceel yahow, soo durdur. War idinku u gabya

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 19Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.

  • 68%

    11Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.

    12Sidaas aawadeed Daa'uud wuxuu Saa'uul madaxiisii ka ag qaatay warankii iyo kusaddii biyaha; kolkaasay tageen, oo ninnaba ma arkin, lamana ogayn, oo midna ma toosin, waayo, kulligood way wada hurdeen, maxaa yeelay, waxaa xagga Rabbiga kaga soo degtay hurdo weyn.

  • 15Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.

  • 21Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.

  • 15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

  • 35Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.

  • 15Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.

  • 24Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • 10Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.

  • 21Oo markay tageen dabadeed ayay ceelkii ka soo baxeen, oo ay tageen, oo ay Boqor Daa'uud u soo warrameen; oo waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, War ka kaca, oo haddiiba biyaha gudba, waayo, Axiitofel sidaasuu talo kaa gees ah ugu taliyey.

  • 45Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

  • 6Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)

  • 29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

  • 15Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.

  • 7Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.

  • 1Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.

  • 12Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.

  • Sab 42:1-2
    2 aayado
    67%

    1Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.

    2Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?

  • 15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 25Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.

  • 9Oo wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii.

  • 14Oo boqorkii iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu waxay yimaadeen iyagoo daalay; halkaasuuna ku nastay.

  • 3Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!

  • 21Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.

  • 7¶ Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.

  • 13Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.