2 Samuu'eel 7:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo hadduu dembi galona, waxaan ku edbin doonaa usha dadka iyo garaacidda binu-aadmiga,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 1:5 : 5 ¶ Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?
  • 1 Kor 11:32 : 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.
  • Muj 3:19 : 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.
  • Sharc 8:5 : 5 Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.
  • 1 Taar 17:13 : 13 Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,
  • Sab 89:20-37 : 20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd, 21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa. 22 Cadowgu ma dulmi doono, Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono. 23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa. 24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan, Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga. 25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha. 26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda. 27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya. 28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona. 29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada. 30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda, 31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin, 32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal. 33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono. 34 Axdigayga ma jebin doono, Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono. 35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono, 36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa. 37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
  • Yer 30:11 : 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
  • Mat 3:17 : 17 oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.
  • Sab 94:12-13 : 12 Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto, 13 Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
  • Maah 3:11-12 : 11 Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin, 12 Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.
  • 1 Taar 28:6 : 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.
  • Ayuub 5:17 : 17 Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
  • Cib 12:5-9 : 5 Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto. 6 Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo. 7 U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin? 8 Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin. 9 Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? 10 Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa. 11 Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

    12Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.

    13Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,

    14laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 81%

    12Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

    13Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis.

  • 15laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.

  • 10Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.

  • 7Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

  • Cib 12:6-8
    3 aayado
    77%

    6Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo.

    7U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin?

    8Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.

  • Sab 89:32-33
    2 aayado
    76%

    32Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.

    33Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.

  • Sab 89:25-30
    6 aayado
    76%

    25Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.

    26Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.

    27Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.

    28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.

    29Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada.

    30Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,

  • 76%

    17Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

    18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 76%

    6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.

    7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 23Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan.

  • Maah 3:11-12
    2 aayado
    74%

    11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,

    12Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.

  • 19Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.

  • 5¶ Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?

  • 24Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.

  • 73%

    13Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

    14Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

  • 8Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.

  • 73%

    11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

    12Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.

  • 18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

  • 14oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa; aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

  • 39Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo.

  • 5Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.

  • 21Oo waxaan isaga huwin doonaa shuluggaaga, oo waxaan ku adkayn doonaa dhex-xidhkaaga, oo dowladnimadaada isagaan u dhiibi doonaa, oo isna aabbe buu dadka Yeruusaalem deggan iyo reer Yahuudah u noqon doonaa.

  • 13Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii.

  • 36Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.

  • 3Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • 18Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

  • 12Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 28markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.

  • 21Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.