Falimaha Rasuullada 10:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wuxuu marti u yahay nin Simoon la yidhaahdo oo megdeeye ah oo gurigiisu ku yaal badda dhinaceeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 9:43 : 43 Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.
  • Fal 11:13-14 : 13 markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros; 14 kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.
  • Room 10:14-17 : 14 Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin? 15 Oo sidee bay u wacdiyi doonaan haddaan la dirin? sida qoran, Qurux badanaa cagaha kuwa wax ku wacdiya waxyaalaha wanaagsan. 16 ¶ Laakiin kulligood ma ay wada dhegaysan injiilka. Waayo, Isayos wuxuu leeyahay, Rabbow, yaa rumaystay warkayagii? 17 Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa.
  • Ef 4:8-9 : 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado. 9 Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya? 10 Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba. 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin. 12 Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,
  • Yoox 7:17 : 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.
  • Fal 9:6 : 6 laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 10:15-33
    19 aayado
    91%

    15Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin.

    16Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.

    17¶ Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa,

    18waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale.

    19Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa.

    20Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray.

    21Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen?

    22Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.

    23Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.

    24¶ Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa.

    25Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday.

    26Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.

    27Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;

    28markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;

    29sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen.

    30Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,

    31oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay.

    32Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal.

    33Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.

  • Fal 10:1-5
    5 aayado
    86%

    1¶ Haddaba waxaa Kaysariya joogay nin la odhan jiray Korneeliyos, oo taliye u ahaa boqol askari oo la odhan jiray Ciidankii Talyaaniga.

    2Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray.

    3Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow.

    4Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.

    5Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros.

  • Fal 11:11-14
    4 aayado
    83%

    11Oo bal eega, markiiba saddex nin baa istaagtay gurigaannu joognay hortiisa, kuwaasoo la iiga soo diray Kaysariya.

    12Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;

    13markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros;

    14kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.

  • Fal 9:42-43
    2 aayado
    82%

    42Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.

    43Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.

  • Fal 10:7-9
    3 aayado
    76%

    7Oo kolkii malaa'igtii isaga la hadashay ka tagtay, wuxuu u yeedhay laba midiidin iyo askari cibaadaysan oo ka mid ah kuwa had iyo goorba u adeegi jiray;

    8oo markuu wax walba u sheegay, ayuu wuxuu u diray Yaafaa.

    9¶ Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad,

  • Fal 11:4-6
    3 aayado
    70%

    4Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.

    5¶ Anigu waxaan joogay magaalada Yaafaa la yidhaahdo oo waan tukanayay, markaas waxaan khilaawo ku arkay riyo oo ahayd weel soo degaya sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood samada lagaga soo dejinayo; wuuna ii soo dhowaaday,

    6oo markaan aad u fiiriyey, ayaan ka fikiray oo waxaan arkay xayawaankii afarta lugood lahaa oo dhulka, iyo dugaagta, iyo waxa gurguurta, iyo haadda cirka.

  • 8Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac.

  • 6laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

  • 13Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun.

  • 32¶ Oo waxaa dhacay intuu Butros marayay dhinacyada oo dhan inuu u yimid quduusiintii Ludda degganayd.

  • 11wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka;

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • 46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

  • 6Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?

  • 9Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan.

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

  • 10Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.

  • 35Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen.

  • 12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.