Falimaha Rasuullada 13:49

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 6:7 : 7 ¶ Markaasaa ereygii Ilaah faafay, tiradii xertiina Yeruusaalem aad ugu badatay, oo tiro badan oo wadaaddo ahina iimaankay yeeleen.
  • Fal 9:42 : 42 Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.
  • Fal 12:24 : 24 ¶ Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.
  • Fal 19:10 : 10 Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
  • Fal 19:26 : 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
  • Fil 1:13-14 : 13 sidaas daraaddeed waxaa askartii boqorka iyo kuwa kale oo dhanba u wada muuqday inaan Ciise Masiix aawadiis u xidhnahay. 14 Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 13:46-48
    3 aayado
    76%

    46Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

    47Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.

    48Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.

  • 50Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.

  • 44¶ Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.

  • 4¶ Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.

  • Fal 19:10-11
    2 aayado
    72%

    10Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.

    11¶ Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,

  • Fal 10:36-37
    2 aayado
    72%

    36Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood.

    37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • 20Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.

  • Fal 14:6-7
    2 aayado
    71%

    6ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;

    7meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.

  • 24¶ Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.

  • 17Warkaas isaga ku saabsan ayaa gaadhay Yahuudiya oo dhan iyo dhulka ku wareegsan oo dhan.

  • 10Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan.

  • 42Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.

  • 28Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 7kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.

  • 1¶ Haddaba rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayay waxay maqleen in dadka aan Yuhuudda ahaynna ay ereygii Ilaah aqbaleen.

  • Fal 11:19-22
    4 aayado
    70%

    19¶ Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane.

    20Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.

    21Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.

    22¶ Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;

  • 31Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

  • 31¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.

  • 17Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.

  • 11Sayidku wuxuu bixiyey erayga, Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.

  • 37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.

  • 8Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.

  • 19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.

  • Fal 15:35-36
    2 aayado
    69%

    35Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

    36¶ Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.

  • 3Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.

  • 3Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.

  • 5Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.

  • 21¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,

  • 27Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.

  • 13Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.

  • 20¶ Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.

  • 15Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.

  • 25Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;

  • 19oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon.

  • 12Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.

  • 44¶ Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.

  • 25¶ Laakiinse erayga Rabbigu weligiisba wuu waaraa. Haddaba kaasu waa eraygii warka wanaagsanaa oo laydinku wacdiyey.

  • 65Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.

  • 42¶ Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan.

  • 25¶ Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.