Falimaha Rasuullada 15:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 13:15 : 15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.
  • Fal 13:27 : 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.
  • 2 Kor 3:14-15 : 14 Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday. 15 Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran.
  • Nex 8:1-9 : 1 ¶ Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil. 2 Markaasaa wadaadkii Cesraa sharcigii hor keenay ururkii ahaa rag iyo dumar iyo in alla intii waxgarasho ku maqli kartay oo dhan, oo waxayna ahayd bishii toddobaad maalinteedii kowaad. 3 Oo isna wixii kitaabkii ku qornaa ayuu ku akhriyey meeshii bannaanayd oo iridda biyaha ka horraysay, oo wuxuu akhriyeyey aroortii ilaa hadhkii, wuxuuna ku hor akhriyey raggii iyo dumarkii iyo kuwii garan karayay; oo dadkii oo dhammuna aad bay u dhegaysanayeen kitaabkii sharciga. 4 Oo karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam. 5 Markaasaa Cesraa kitaabkii furay iyadoo dadkii oo dhammu wada arkaan, (waayo, wuu ka wada korreeyey dadka oo dhan;) oo markuu furay ayaa dadkii oo dhammu wada istaagay. 6 Kolkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen. 7 Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen. 8 Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey. 9 Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga. 10 Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga. 11 Haddaba kuwii reer Laawi ayaa dadkii oo dhan aamusiiyey, oo waxay ku yidhaahdeen, War maanta waa quduuse iska aamusa oo ha murugoonina. 12 Markaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.
  • Luuk 4:16 : 16 ¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 21:19-22
    4 aayado
    76%

    19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.

    20Iyaguna, kolkay taas maqleen, ayay Ilaah ammaaneen; oo waxay ku yidhaahdeen isagii, Walaalow, waad aragtaa intay yihiin kumanyaalka rumaystay oo Yuhuudda ku dhex jira; kulligoodna sharcigay ku kulul yihiin.

    21Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon.

    22Haddaba waa maxay? Way wada maqli doonaan inaad timid.

  • Fal 13:14-15
    2 aayado
    73%

    14Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.

    15Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.

  • 1¶ Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.

  • Fal 17:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;

    2oo Bawlos sidii caadadiisu ahayd, ayuu iyagii u galay, oo saddex sabtiyoodna ayuu Qorniinka kala hadlay,

  • 44¶ Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.

  • Fal 15:19-20
    2 aayado
    70%

    19¶ Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;

    20laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga.

  • Fal 28:22-23
    2 aayado
    70%

    22Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.

    23¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii.

  • 15Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran.

  • 42¶ Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan.

  • 4Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.

  • Fal 15:35-36
    2 aayado
    70%

    35Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

    36¶ Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.

  • 22Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.

  • Fal 15:4-6
    3 aayado
    69%

    4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

    5Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.

    6¶ Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.

  • 5Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.

  • 17Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.

  • 24Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;

  • 21oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.

  • Fal 7:37-38
    2 aayado
    67%

    37Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale.

    38Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo.

  • 22Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo.

  • 25Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan.

  • 21¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,

  • 4Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan.

  • 27Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.

  • 22Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 22¶ Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.

  • 13Wuxuu bixiyey wixii Muuse amray in la bixiyo maalin kasta, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha sannaddiiba saddex jeer loo amray, kuwaasoo ahaa Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iiddii Toddobaadyada, iyo Iiddii Taambuugyada.

  • 13Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa.

  • 25Laakiin wax ku saabsan dadkii aan Yuhuudda ahayn oo rumaystay ayaannu qornay, annagoo ku amrayna inay iska ilaaliyaan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiigga, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada.

  • 5¶ Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada.

  • 18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

  • 22¶ Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;

  • 29Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.

  • 29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

  • 7meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.

  • 21(Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)

  • 7kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.

  • 15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,

  • 21¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.