Falimaha Rasuullada 16:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 77:6 : 6 Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
  • Yac 1:2 : 2 ¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,
  • 1 But 1:6-8 : 6 Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo. 8 Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
  • Ayuub 35:10 : 10 Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,
  • Sab 119:62 : 62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
  • Ef 5:19 : 19 Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.
  • Fil 4:4-7 : 4 ¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa. 5 Qabownimadiinna dadka oo dhammu ha ogaado, waayo, Rabbigu waa soo dhow yahay. 6 Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto. 7 Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix.
  • Kol 3:15-17 : 15 Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada. 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta. 17 Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.
  • 1 Tes 5:16-18 : 16 Had iyo goorba farxa. 17 Joogsila'aanna tukada. 18 Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • Kol 1:24 : 24 ¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.
  • Cesr 3:12-13 : 12 Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen, 13 oo sidaas daraaddeed dadkii wuu kala sooci kari waayay dhawaaqii farxadda iyo qayladii oohinta, oo buuqiina waxaa laga maqlay meel fog.
  • Fil 2:17 : 17 Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa,
  • Sab 91:15 : 15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
  • Sab 119:55 : 55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
  • Sab 22:2 : 2 Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
  • Sab 34:1 : 1 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
  • Sab 42:8 : 8 Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
  • Sab 50:15 : 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Sab 71:7 : 7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
  • Sab 77:2 : 2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
  • Ish 30:29 : 29 Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.
  • Sak 3:8 : 8 Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.
  • Mat 5:10-11 : 10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.
  • Mat 26:38-39 : 38 Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda. 39 Waxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.
  • Luuk 6:22-23 : 22 Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis. 23 Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.
  • Luuk 22:44 : 44 Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.
  • Fal 5:41 : 41 Markaasay shirkii hortiisii ka tageen, iyagoo ku faraxsan in lagu tiriyey inay istaahilaan in Magaca aawadiis loo maamuus jebiyo.
  • Room 5:3 : 3 Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento;
  • Room 12:12 : 12 Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,
  • 2 Kor 4:8-9 : 8 Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan, 9 waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.
  • 2 Kor 4:16-17 : 16 ¶ Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa. 17 Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.
  • 2 Kor 6:10 : 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
  • 1 But 4:14 : 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah.
  • Yac 5:13 : 13 ¶ Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 16:26-30
    5 aayado
    84%

    26oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.

    27Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.

    28Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.

    29Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,

    30markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?

  • Fal 16:22-24
    3 aayado
    80%

    22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.

    23Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;

    24isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.

  • Fal 5:18-19
    2 aayado
    73%

    18intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.

    19Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,

  • Fal 16:33-40
    8 aayado
    73%

    33Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba.

    34Haddaba gurigiisuu iyagii keenay oo cunto hor dhigay. Isagoo Ilaah rumaysanna ayuu aad ula farxay kuwii gurigiisa joogay oo dhan.

    35¶ Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.

    36Markaasaa xabsihayihii hadalladaas u sheegay Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Xaakinnadii baa amar soo diray in laydin sii daayo; haddaba soo baxa oo nabad ku taga.

    37Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.

    38Haddaba saraakiishii baa hadalladaas u sheegay xaakinnadii; oo kolkay maqleen inay reer Rooma yihiin ayay baqeen.

    39Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.

    40Oo markay xabsigii ka soo baxeen waxay galeen gurigii Ludiya, oo kolkay walaalihii arkeenna ayay dhiirigeliyeen oo ka tageen.

  • Fal 12:5-7
    3 aayado
    70%

    5Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.

    6¶ Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.

    7Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen.

  • 19¶ Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,

  • 11¶ Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.

  • 7¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey.

  • Fal 16:13-14
    2 aayado
    68%

    13Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa.

    14Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay.

  • Fal 17:9-10
    2 aayado
    67%

    9Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.

    10¶ Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda.

  • Fal 5:22-23
    2 aayado
    67%

    22Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,

    23oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay.

  • Fal 26:29-30
    2 aayado
    67%

    29Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.

    30¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;

  • 3Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay;

  • 16¶ Oo markii aannu Rooma galnay ayaa Bawlos waxaa loo oggolaaday inuu keli ahaantiis u joogo isaga iyo askarigii dhawrayay.

  • 36¶ Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.

  • 9Haddaba Rabbiga ayaa wuxuu Bawlos habeennimo riyo ku yidhi, Ha cabsanin, laakiin hadal, hana aamusin;

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • 32Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen.

  • 24Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.

  • 21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

  • 16¶ Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda.

  • 20Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,

  • 4Oo waxaa la rumaysiiyey oo Bawlos iyo Silas isku daray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa Gariig fara badan oo cibaadaysan iyo dumarka madaxda ah oo aan fara yarayn.

  • 30¶ Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.

  • 62Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.

  • 24Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

  • 3Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.

  • 12¶ Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.

  • 6Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga.

  • 19Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.