Falimaha Rasuullada 20:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wax walba waan idin tusay si ay waajib idiinku tahay, idinkoo sidaas oo kale u hawshoonaya, inaad caawisaan kuwa itaalka yar, oo aad xusuusataan ereyadii Rabbi Ciise siduu isaga qudhiisu yidhi, In wax la helo, waxaa ka barako badan in wax la bixiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 9:6-9 : 6 ¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa. 7 Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya. 8 Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan; 9 sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba. 10 Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna. 11 Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo. 12 Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo.
  • Maah 19:17 : 17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
  • Luuk 14:12-14 : 12 ¶ Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa. 13 Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha, 14 oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.
  • 1 Tes 5:14 : 14 Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
  • 2 Kor 8:9 : 9 Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.
  • Ish 58:7-9 : 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, 10 oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. 12 Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.
  • Mat 10:8 : 8 Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.
  • Fal 20:20 : 20 iyo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri,
  • Ish 32:8 : 8 Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.
  • Ish 35:3 : 3 Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya.
  • Sab 112:5-9 : 5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad. 6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa. 7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga. 8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa. 9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
  • Cib 12:12-13 : 12 ¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar. 13 Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
  • Cib 13:3 : 3 U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah.
  • Cib 13:16 : 16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
  • Sab 41:1-3 : 1 Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga. 2 Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan. 3 Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa. Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
  • Fal 20:27 : 27 Maxaa yeelay, dib ugama noqon inaan talada Ilaah oo dhan idiin sheego.
  • Room 15:1 : 1 ¶ Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin.
  • Mat 25:34-40 : 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Ef 4:28 : 28 Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan.
  • Fil 4:17-20 : 17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh. 19 Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta. 20 Haddaba ammaanu ha u ahaato Ilaaha Aabbeheenna ah weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • 1 Tes 4:11 : 11 oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay;
  • 2 Kor 11:9 : 9 Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
  • 2 Kor 11:12 : 12 Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.
  • 2 Kor 12:13 : 13 Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.
  • 1 Kor 9:12 : 12 Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 34Idinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.

  • 75%

    14Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan.

    15Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.

  • 36¶ Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.

  • 2 Kor 9:5-6
    2 aayado
    71%

    5Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.

    6¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.

  • Fal 20:19-20
    2 aayado
    71%

    19¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;

    20iyo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri,

  • 70%

    13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo,

    14laakiin sida ay sinnaantu tahay, wax ka siiya waxa badan ee aad wakhtigan la joogo haysataan, waayo, way baahan yihiin, inay waxooda badan wax idinka siiyaan markaad baahataan, si ay sinnaani u dhacdo,

    15sida qoran, Kii wax badan soo gurtay, waxba uma hadhin, kii wax yar soo gurtayna, waxba kama dhinmin.

  • 38Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

  • 8Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.

  • 9Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.

  • 10Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.

  • 28sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

  • 1¶ Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin.

  • 35oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.

  • 17Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya.

  • Fil 4:9-10
    2 aayado
    69%

    9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.

    10¶ Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.

  • 2 Kor 11:8-9
    2 aayado
    69%

    8Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego.

    9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.

  • 19Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.

  • Fil 4:14-15
    2 aayado
    69%

    14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.

    15Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane.

  • 20Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.

  • 15Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.

  • 14Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.

  • 69%

    13Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.

    14¶ Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo.

    15Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay?

  • 10Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.

  • 12Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.

  • 6¶ Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

  • 35Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen,

  • 68%

    34Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.

    35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

  • 9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.

  • 30Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

  • 15Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed,

  • 4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,

  • 27Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.

  • 9Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

  • 17Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan.

  • 38Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.

  • 28Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan.

  • 18Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,

  • 32¶ Imminka waxaan idinku ammaano gelinayaa Ilaah iyo ereyga nimcadiisa kaasoo kara inuu idin dhiso oo dhaxal idinka dhex siiyo kuwa quduus laga dhigay oo dhan.

  • 19Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.