Falimaha Rasuullada 20:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaana isagii ilaa Aasiya sii raacay Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos iyo Sekundos oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, iyo Timoteyos, iyo Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 19:29 : 29 Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.
  • Fal 21:29 : 29 Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.
  • Fal 16:1 : 1 ¶ Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig.
  • Kol 4:7 : 7 ¶ Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.
  • 2 Tim 4:12 : 12 Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos.
  • 2 Tim 4:20 : 20 Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay.
  • Titus 3:12 : 12 ¶ Markaan kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos aad ugu dadaal inaad iigu timaado Nikobolis, waayo, waxaan goostay inaan xilliga qabow meeshaas joogi doono.
  • Ef 6:21 : 21 ¶ Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah.
  • Fal 14:6 : 6 ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;
  • Fal 14:20 : 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.
  • Fal 17:1 : 1 ¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;
  • Fal 17:10-12 : 10 ¶ Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda. 11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale. 12 Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.
  • Kol 4:10 : 10 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala.
  • 1 Tim 1:1 : 1 ¶ Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,
  • 2 Tim 1:2 : 2 waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Fal 27:2 : 2 Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid.
  • Room 16:21 : 21 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
  • Room 16:23 : 23 Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
  • 2 Kor 1:1 : 1 ¶ Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga.
  • 2 Kor 1:19 : 19 Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.
  • 2 Kor 8:23-24 : 23 Tiitos waxaa weeyaan wehelkayga iyo ila-shaqeeyahayga xaggiinna; walaaleheenna waa kuwa kiniisaduhu idiin soo direen, waana yihiin ammaanta Masiix. 24 Sidaa daraaddeed kiniisadaha hortooda iyaga caddaan ugu tusa jacaylkiinna iyo faanka aannu idiin qabno.
  • Fil 2:19 : 19 ¶ Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado.
  • Flm 1:24 : 24 iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.
  • 3 Yoox 1:1 : 1 ¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 20:5-6
    2 aayado
    83%

    5Laakiin kuwaasu mar horay tageen oo waxay nagu sugayeen Taroo'as.

    6Maalmihii Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn dabadeed waxaannu ka dhoofnay Filiboy, oo shan maalmood ayaan iyagii ugu nimid Taroo'as; taasoo aannu toddoba maalmood joognay.

  • 2Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid.

  • 22Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.

  • Fal 20:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Markii rabshaddii dhammaatay dabadeed Bawlos ayaa xertii u cid diray oo dhiirrigeliyey, markaasuu nabadgelyeeyey oo baxay inuu Makedoniya tago.

    2Oo kolkuu meelahaas sii dhex maray oo uu hadal badan ku dhiirrigeliyey iyagii, ayuu wuxuu yimid dalka Gariigta.

    3Oo markuu saddex bilood meeshaas joogay, oo Yuhuuddu shirqool u dhigtay, markuu u dhowaa inuu Suuriya u dhoofo, ayuu wuxuu goostay inuu Makedoniya ku soo dhex noqdo.

  • 20Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay.

  • Fal 17:14-15
    2 aayado
    73%

    14Markaasaa walaalihii kolkiiba Bawlos u direen inuu tago ilaa badda; Silas iyo Timoteyosna halkaasay weli joogeen.

    15Laakiin kuwii Bawlos ambabbixiyey waxay isagii keeneen ilaa Ateenay; markaasay ka tageen iyagoo Silas iyo Timoteyos amar u qaadaya inay degdeg u yimaadaan.

  • 73%

    10waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya.

    11Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda.

    12Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos.

  • 18Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,

  • Fal 20:13-16
    4 aayado
    73%

    13¶ Laakiin annagoo ka hor marayna, waxaannu aadnay doonnida, oo Asos u dhoofnay, meeshaasoo aannu doonaynay inaannu Bawlos ka qaadno; maxaa yeelay, sidaasuu kula ballamay isagoo ku talo jiray inuu lugeeyo.

    14Oo kolkuu Asos nagula kulmay, waannu soo qaadnay, oo waxaannu nimid Mituleenee.

    15Markaasaannu halkaas ka dhoofnay, oo waxaannu maalintii dambe nimid meel ka soo hor jeedda Khiyos; maalintii kalena waxaannu gaadhnay Samos; maalintii ku xigtayna waxaannu nimid Mileetos.

    16Maxaa yeelay, Bawlos wuxuu goostay inuu Efesos dhaafo, inuusan wakhti Aasiya ku lumin; waayo, wuxuu ku degdegsanaa hadday u suurtowdo inuu maalintii Bentekoste Yeruusaalem yimaado.

  • 27Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,

  • 24iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.

  • 16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.

  • 29Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.

  • 29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

  • 31Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii.

  • 8markaasay soo dhaafeen Musiya oo waxay yimaadeen Taroo'as.

  • 10Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.

  • Fal 16:11-12
    2 aayado
    70%

    11¶ Haddaba ayaannu Taroo'as ka dhoofnay, oo waxaannu toos u aadnay Samotraki, maalintii xigtayna waxaannu nimid Ne'abolis;

    12markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood.

  • Fal 21:3-4
    2 aayado
    70%

    3Oo kolkii Qubrus noo muuqatay, ayaannu dhinaca bidixda ka marnay oo u dhoofnay Suuriya, oo waxaannu ku degnay Turos, maxaa yeelay, meeshaasaa doonnidu shixnaddeedii ku dejin lahayd.

    4Oo markaannu xertii ka helnay, ayaannu meeshaas joognay toddoba maalmood; oo kuwaasu waxay Ruuxa ugu sheegeen Bawlos inaanu Yeruusaalem cag saarin.

  • Fal 21:15-16
    2 aayado
    70%

    15¶ Maalmahaas dabadeedna, alaabtayadii baannu diyaarsannay, oo waxaannu tagnay Yeruusaalem.

    16Oo waxaa na raacay qaar ka mid ahaa xerta Kaysariya iyagoo wada mid Manasoon la odhan jiray oo reer Qubrus ahaa oo xertii hore ka mid ahaa, kaasoo aannu u hoyan lahayn.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno;

  • 21¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.

  • 13¶ Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.

  • 38iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.

  • 1¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;

  • 4Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.

  • 1¶ Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.

  • Fal 14:20-21
    2 aayado
    69%

    20Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.

    21¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,

  • 21Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,

  • 30Kolkii walaalihii garteen, waxay keeneen Kaysariya, oo waxay u sii direen Tarsos.

  • Fal 16:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig.

    2Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay.

  • 23Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.

  • 9Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya,

  • 6oo isnabadgelyaynay; kolkaasaannu doonnidii fuulnay, iyaguse guryahoodii bay ku noqdeen.

  • 14Oo halkaas waxaan ka helnay walaalo, oo waxay naga baryeen inaan toddoba maalmood iyaga la sii joogno, oo sidaas ayaan Rooma ku nimid.

  • 15¶ Waad og tahay in kuwii Aasiya joogay oo dhammu ay iga leexdeen, waxaana ka mid ah Fugelos iyo Hermogenees.