Falimaha Rasuullada 21:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markay u dhowayd in Bawlos qalcaddii la keeno ayuu sirkaalkii sare ku yidhi, Ma ii suurtowdaa inaan wax ku idhaahdo? Markaasuu ku yidhi, Af Gariig ma taqaan?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 10:18-20 : 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. 19 Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. 20 Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.
  • Luuk 21:15 : 15 Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin.
  • Fal 19:30 : 30 Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.
  • Fal 21:19 : 19 Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.
  • Fal 21:34 : 34 Qaar waxay ku qayliyeen wax, qaarna wax kale, dadkii badnaa dhexdiis, oo markuu runtii garan kari waayay rabshaddii aawadeed ayuu ku amray in qalcaddii la geeyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 22:24-30
    7 aayado
    78%

    24ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii.

    25Oo markay suumanka ku xidheen dabadeed ayaa Bawlos wuxuu ku yidhi boqol-u-taliyihii oo ag taagnaa, Ma qaynuun baa inaad karbaashtaan nin reer Rooma ah oo aan la xukumin?

    26Markii boqol-u-taliyihii taas maqlayna, wuxuu u tegey sirkaalkii sare oo u sheegay, isagoo leh, Maxaad samaynaysaa? Waayo, ninkanu waa nin reer Rooma ah.

    27Markaasaa sirkaalkii sare u yimid oo ku yidhi isagii, Ii sheeg, ma nin reer Rooma ah baad tahay? Markaasuu yidhi, Haah.

    28Kolkaasaa sirkaalkii sare u jawaabay oo ku yidhi, Waddaninimadan waxaan siistay lacag badan. Laakiin Bawlos wuxuu ku yidhi, Anigu reer Rooma ayaan u dhashay.

    29Haddaba kuwii doonayay inay isagii imtixaamaan markiiba way ka tageen, xataa sirkaalkii sarena waa cabsaday markuu ogaaday inuu yahay reer Rooma, maxaa yeelay, wuu xidhay.

    30¶ Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

  • Fal 23:17-20
    4 aayado
    77%

    17Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego.

    18Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego.

    19Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid?

    20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

  • Fal 21:38-40
    3 aayado
    73%

    38Haddana miyaanad ahayn Masrigii maalmahan hortoodii rabshad kiciyey oo afarta kun oo nin oo dhiigqabayaal ah cidlada u kaxeeyey?

    39Laakiin Bawlos wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo reer Tarsos ah taasoo Kilikiya ku taal, oo waxaan ahay magaalo aan yarayn waddanigeed. Waxaan kaa baryayaa inaad ii fasaxdid inaan dadka la hadlo.

    40Oo kolkuu fasaxayna, Bawlos isagoo sallaankii taagan, ayuu dadkii gacan u taagay; oo markii aad loo aamusay, ayuu af Cibraaniga kula hadlay iyagii, isagoo leh,

  • Fal 21:31-34
    4 aayado
    73%

    31Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.

    32Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen.

    33Markaasaa sirkaalkii sare ku soo dhowaaday oo qabtay isagii, oo wuxuu ku amray in lagu xidho laba silsiladood; waana weyddiiyey ninkuu yahay iyo wuxuu sameeyey.

    34Qaar waxay ku qayliyeen wax, qaarna wax kale, dadkii badnaa dhexdiis, oo markuu runtii garan kari waayay rabshaddii aawadeed ayuu ku amray in qalcaddii la geeyo.

  • Fal 23:10-11
    2 aayado
    73%

    10Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.

    11¶ Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.

  • 1¶ Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Waa laguu fasaxay inaad nafsaddaada u hadashid. Kolkaasaa Bawlos gacantiisa fidiyey oo isdaafacay.

  • 36waayo, dadkii faraha badnaa waa daba socday, iyagoo qaylinaya oo leh, Naga fogeeya.

  • Fal 28:16-19
    4 aayado
    71%

    16¶ Oo markii aannu Rooma galnay ayaa Bawlos waxaa loo oggolaaday inuu keli ahaantiis u joogo isaga iyo askarigii dhawrayay.

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

    18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

    19Laakiin Yuhuuddu markay taas qilaafeen ayaa waxaa dirqi igu noqotay inaan Kaysar u ashtakoodo; taasuna ma ahaan inaan haystay wax aan quruuntayda ku dacwaynayo.

  • 19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

  • 22Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.

  • 15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

  • 10¶ Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

  • Fal 24:7-8
    2 aayado
    70%

    7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

    8oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.

  • 15Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

  • Fal 25:10-12
    3 aayado
    69%

    10Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.

    11Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.

    12Markaasaa Feestos, markuu shirka la tashaday, ayuu wuxuu ku jawaabay, Kaysar baad u ashtakootay; Kaysar baad u tegaysaa.

  • Fal 24:22-23
    2 aayado
    69%

    22¶ Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.

    23Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.

  • Fal 23:30-31
    2 aayado
    69%

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

    31¶ Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris.

  • Fal 25:20-21
    2 aayado
    69%

    20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

    21Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.

  • Fal 16:36-37
    2 aayado
    68%

    36Markaasaa xabsihayihii hadalladaas u sheegay Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Xaakinnadii baa amar soo diray in laydin sii daayo; haddaba soo baxa oo nabad ku taga.

    37Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.

  • 2Kolkay maqleen inuu af Cibraaniga kula hadlay, ayay sidii hore ka sii aamuseen. Markaasuu ku yidhi,

  • 32Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.

  • 13Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis.

  • 3maxaa yeelay, adigu waxaad khusuusan xariif ku tahay caadooyinka iyo su'aalaha oo dhan oo Yuhuudda dhex yaalla; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid.

  • 28iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.

  • 27Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay.