Aamos 4:6
Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
8Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
9Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
10Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
11Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
17Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
12Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
11Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga.
13Haddaba sidaas daraaddeed dhaawac aad u xun baan idinku dhuftay, oo dembigiinna aawadiis cidla baan idinka dhigay.
14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.
10Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii.
7Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.
7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.
19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.
17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
13Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.
15Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
19¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.
7¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
5Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
12¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.
25Oo waxaan idiin soo celin doonaa waxa ay sannadihii idinka cuneen ayaxa, iyo laddaaga, iyo diirta, iyo koronkorradu, kuwaas oo ahaa ciidankii weynaa oo aan idiin soo diray.
18Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Habase ahaatee, anigu wakhtigaas idin wada baabbi'in maayo.
19Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.
1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.
7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
6Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.
25Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.
26Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan.
6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.
13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?
7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
13Oo waxaan idin siiyey dal aydnaan u hawshoon, iyo magaalooyin aydnaan dhisan, oo waad iska dhex degtaan, oo waxaad ka cuntaan canab iyo saytuun aydnaan beeran.
29Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
30Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.
4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.
31Dadka qarniganow, bal erayga Rabbiga ka fiirsada. Reer binu Israa'iil ma waxaan u ahaa cidlo ama dal gudcur ah? Haddaba bal maxaa dadkaygu u yidhaahdaan, Xor baannu nahay, oo mar dambe kuu iman mayno?
2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,
19Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.
36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,
15Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, saxaro dad waxaan kuugu beddelay saalo lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.
3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.
14Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.
5Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.
29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.
10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?