Kolose 1:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 1:3 : 3 Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,
  • Yoox 14:9 : 9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?
  • 2 Kor 4:4 : 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.
  • Yoox 1:14 : 14 Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
  • Yoox 1:18 : 18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
  • Yoox 1:1 : 1 ¶ Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.
  • Muj 3:14 : 14 ¶ Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;
  • Room 8:29 : 29 Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.
  • 1 Tim 1:17 : 17 Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • 2 Kor 4:6 : 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
  • Fil 2:6 : 6 Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,
  • Yex 1:26-28 : 26 Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg. 27 Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya. 28 Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
  • Sab 89:27 : 27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
  • Maah 8:29-31 : 29 Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay, 30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray; 31 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
  • Kol 1:13 : 13 Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,
  • Kol 1:16-17 : 16 waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay. 17 Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan.
  • 1 Tim 6:16 : 16 kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan karin, oo aan ninna arkin, lana arki karin; isagu ha lahaado ciso iyo itaal weligiis. Aamiin.
  • Cib 1:6 : 6 Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen.
  • Cib 11:27 : 27 Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin.
  • Bax 24:10 : 10 Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan.
  • Yoox 3:16 : 16 ¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Yoox 15:24 : 24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Kol 1:16-20
    5 aayado
    86%

    16waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay.

    17Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan.

    18Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba.

    19Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto,

    20iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.

  • Yoox 1:1-4
    4 aayado
    78%

    1¶ Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.

    2Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.

    3Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.

    4Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.

  • Cib 1:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,

    2laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.

    3Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,

  • Ef 3:9-10
    2 aayado
    75%

    9iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.

    10Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,

  • 18Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.

  • Yoox 1:9-10
    2 aayado
    73%

    9Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.

    10¶ Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.

  • 9waayo, buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu waa ku jirtaa isagoo jidh leh,

  • Room 1:19-20
    2 aayado
    73%

    19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

    20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

  • Kol 1:13-14
    2 aayado
    73%

    13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,

    14kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.

  • 30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,

  • Yoox 1:14-15
    2 aayado
    72%

    14Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.

    15Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

  • 1 Yoox 1:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.

    2Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.

  • 20Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin,

  • Kol 1:26-27
    2 aayado
    71%

    26Wuxuu ahaa wax aan la garanayn oo qarsoonaa tan iyo weligiis iyo qarni kasta, laakiinse haatan waxaa loo muujiyey quduusiintiisa.

    27Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.

  • 1¶ Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.

  • 6Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,

  • Cib 1:5-6
    2 aayado
    71%

    5¶ Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?

    6Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen.

  • 71%

    3¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,

  • 18Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.

  • Ef 1:19-21
    3 aayado
    71%

    19iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa

    20ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.

    21Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.

  • 23taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.

  • 5iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,

  • 29Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.

  • 6laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah, kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh, iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.

  • 17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

  • 12in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa.

  • 10oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.

  • 69%

    6in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.

  • 15kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,

  • 3Isaga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.

  • 10Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,