Kolose 4:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Flm 1:2 : 2 iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.
  • Laaw 10:3 : 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
  • Tir 18:5 : 5 Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga.
  • 2 Taar 29:11 : 11 Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.
  • Yex 44:23-24 : 23 Oo waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah. 24 Oo markay dacwo timaadona waa inay garsoorid u istaagaan, oo waa inay si xukummadayda waafaqsan wax u xukumaan, oo iidahayga oo dhanna waa inay sharciyadayda iyo qaynuunnadaydaba ku dhawraan, oo sabtiyadaydana waa inay quduus ka dhigaan.
  • Fal 1:17 : 17 Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.
  • Fal 14:23 : 23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
  • Fal 20:28 : 28 Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
  • 1 Kor 4:1-2 : 1 ¶ Ha lanagu tiriyo inaannu nahay midiidinyada Masiixa iyo wakiillada waxyaalaha qarsoon ee Ilaah. 2 Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo.
  • Ef 4:11 : 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.
  • 1 Tim 4:6 : 6 ¶ Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.
  • 1 Tim 4:14 : 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.
  • 1 Tim 4:16 : 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
  • 1 Tim 6:11-14 : 11 ¶ Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada. 12 Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan. 13 Ilaah hortiis kan wax kasta nooleeya, iyo Ciise Masiix hortiis, kan Bontiyos Bilaatos hortiisa qirashada wanaagsan ku qirtay, waxaan kugu amrayaa 14 inaad amarka ku xajisid iinla'aan iyo ceebla'aan ilaa Rabbigeenna Ciise Masiix muuqdo,
  • 1 Tim 6:20 : 20 ¶ Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah,
  • 2 Tim 1:6 : 6 ¶ Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii.
  • 2 Tim 2:2 : 2 Oo waxyaalihii aad markhaatiyaal badan dhexdood igaga maqashay ku ammaanee niman aamin ah oo awooda inay kuwa kaleeto baraan.
  • 2 Tim 4:1-5 : 1 ¶ Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa, 2 inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya. 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; 4 oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin. 5 Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Kol 4:15-16
    2 aayado
    80%

    15Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.

    16Warqaddan markii laydinka dhex akhriyo, haddana ha laga dhex akhriyo kiniisadda reer La'odikiya, oo idinkuna akhrista warqadda aad La'odikiya ka heli doontaan.

  • 18¶ Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.

  • Flm 1:2-3
    2 aayado
    75%

    2iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.

    3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 5Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

  • Kol 4:12-13
    2 aayado
    72%

    12Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.

    13Waxaan ugu markhaati furayaa inuu u hawshoodo idinka aawadiin iyo kuwa La'odikiya jooga iyo kuwa Hi'erabolis jooga aawadood.

  • 71%

    15Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.

    16Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.

  • Kol 1:24-25
    2 aayado
    71%

    24¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.

    25Taas waxaa la iiga dhigay midiidin xagga wakiilnimada Ilaah oo aniga aawadiin la ii siiyey inaan dhammaan erayga Ilaah ku wada wacdiyo.

  • 13Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.

  • 6¶ Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.

  • Kol 4:7-9
    3 aayado
    71%

    7¶ Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.

    8Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,

    9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.

  • 9¶ Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid;

  • 7Sidaasaad ka barateen gacaliyeheenna Ebafras oo addoon nala ah, oo Masiixa u ah midiidin aamin ah aawadeen,

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 17Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta.

  • 23¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,

  • 8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • Fil 2:29-30
    2 aayado
    69%

    29Sidaas daraaddeed idinkoo aad u faraxsan isaga Rabbiga ku qaabbila, oo kuwa isaga la mid ahna maamuusa,

    30maxaa yeelay, shuqulka Masiixa aawadiis ayuu dhimasho ugu dhowaaday, markuu nafsaddiisa khatar u geliyey inuu dhammaystiro wixii ka dhinnaa hawshii aad ii qabateen.

  • Fil 4:9-10
    2 aayado
    69%

    9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.

    10¶ Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.

  • 69%

    11Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda.

    12Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos.

    13Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo'as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro.

  • Flm 1:5-6
    2 aayado
    69%

    5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

    6Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.

  • 4Waxaannu maqalnay rumaysadkiinna xagga Ciise Masiix iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan,

  • 17Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.

  • 14Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.

  • 30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

  • 3¶ Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,

  • 15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

  • 18Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.

  • 9Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale.

  • 27Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.

  • 21¶ Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah.

  • 4inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo.

  • 5In kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 2Oo waxyaalihii aad markhaatiyaal badan dhexdood igaga maqashay ku ammaanee niman aamin ah oo awooda inay kuwa kaleeto baraan.

  • 2Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin.

  • 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

  • 14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.