Daaniyeel 10:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Anoo addoonkaaga ahu sidee baan kuula hadli karaa, sayidkaygiiyow? Imminka aniga xoog iguma hadhin, neefuna iguma jirto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 24:10-11 : 10 Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan. 11 Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.
  • Ish 6:1-5 : 1 ¶ Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey. 2 Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay. 3 Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa. 4 Oo aasaaska iridda ayaa la gariiray kii qayliyey codkiisii, oo gurigiina waxaa ka buuxsamay qiiq. 5 Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada.
  • Mat 22:43-44 : 43 Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh, 44 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
  • Mark 12:36 : 36 Daa'uud qudhiisuna, isagoo Ruuxa Quduuskaa ku hadlaya, ayuu wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
  • Yoox 1:18 : 18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
  • Bax 33:20 : 20 Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo.
  • Xaak 6:22 : 22 Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.
  • Xaak 13:21-23 : 21 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga. 22 Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah. 23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.
  • Bil 32:20 : 20 oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    14Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.

    15Oo markuu igula hadlay erayada sidan ah ayaan xagga dhulka u jeestay, waanan hadli kari waayay.

    16Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.

  • 79%

    18Markaasaa haddana waxaa i taabtay mid binu-aadmiga u eg, wuuna i xoogeeyey.

    19Markaasuu igu yidhi, Ninkii aad loo jeclaayow, ha cabsan, nabadu ha kuu ahaato, xoog yeelo, oo xoog yeelo. Oo markuu ila hadlay ayaan xoogaystay, oo waxaan idhi, Sayidkaygiiyow, hadal, waayo, waad i xoogaysay.

    20Markaasuu igu yidhi, Haddaba ma og tahay waxa aan kuugu imid wuxuu yahay? Oo hadda waxaan u noqonayaa inaan la diriro amiirka reer Faaris, oo markaan tago waxaa iman doona amiirkii dalka Gariigta.

  • Daan 10:7-12
    6 aayado
    78%

    7Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.

    8Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay.

    9Oo codkiisiina waan maqlay, oo markaan maqlay codkiisii ayaan hurdo culus wejiga ula dhacay, wejigana dhulkaan saaray.

    10Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay.

    11Oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, ninka aad loo jecelyahayow, bal garo erayada aan kugula hadlayo, oo istaag, waayo, hadda adaa lay soo kaa diray, oo markuu hadalkaas igula hadlay ayaan istaagay anigoo gariiraya.

    12Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.

  • Yex 33:22-23
    2 aayado
    70%

    22Oo kan soo cararay intuusan ii iman markay fiidkii ahayd gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Rabbigu afkayguu furay, oo ilaa uu aroortii dambe ii yimid ayaa afkaygii furnaa, oo aniguna mar dambe carrablaawe ma aan ahayn.

    23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Daan 8:17-18
    2 aayado
    70%

    17Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.

    18Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey.

  • 70%

    15Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray, Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.

    16Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay; Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay; Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,

  • 10Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.

  • 6Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, anigu ma aan hadli karo, waayo, dhallinyaraan ahay.

  • 15¶ Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.

  • 1Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.

  • 19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 3(Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa, Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)

  • 15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

  • 13Oo isna wuu ii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 27Markaasaan anigoo Daanyeel ahu suuxay, dhawr maalmoodna waan bukay, dabadeedna waan kacay, oo shuqulkii boqorka qabtay: oo riyadii waan la yaabay, laakiinse ciduna ma garan.

  • Sak 4:4-5
    2 aayado
    68%

    4Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

    5Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 9Oo isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa.

  • 18Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa taasoo ku saabsan cisadii aad ii samaysay anoo addoonkaaga ah? Waayo, waad i garanaysaa.

  • Yex 2:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.

    2Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 22¶ Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.

  • 15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 16Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.

  • 8Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?

  • 6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

  • 4Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 14Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.

  • 35Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.

  • 67%

    18Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.

    19Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

  • 10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?

  • 5Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada.

  • 11Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.