Daaniyeel 10:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo labaatanaad, anoo taagan webiga weyn oo Xiddeqel ah agtiisa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 2:14 : 14 Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.
  • Yex 1:3 : 3 ayaa eraygii Rabbigu dalkii reer Kaldayiin ugu yimid wadaadkii Yexesqeel ina Buusii, isagoo Webi Kebaar ag jooga, oo halkaasay gacantii Rabbigu isagii ku kor saarnayd.
  • Daan 8:2 : 2 Oo wax baan riyadii ku arkay, oo haddaba saas bay ahayd in markaan riyada arkay aan joogay daartii weynayd oo ku tiil Shuushan oo ku jirtay gobolka Ceelaam; oo riyadii baan haddana arkay oo waxaan ag joogay Webi Uulay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 40:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.

    2Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.

  • Yex 1:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah.

    2Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad

  • 5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • Daan 10:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.

    2Waayahaas anigan Daanyeel ahu saddex toddobaad oo dhan ayaan barooranayay.

    3Cunto wanaagsan ma aan cunin, hilib iyo khamrina afkayga ma gelin, mana subkan marnaba ilaa ay saddexdii toddobaad dhammaadeen.

  • Yex 3:14-16
    3 aayado
    75%

    14Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.

    15Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.

    16¶ Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid sannaddii sagaalaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii tobnaad, isagoo leh,

  • 14Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.

  • Yex 11:24-25
    2 aayado
    71%

    24Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.

    25Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.

  • 3Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay.

  • 1¶ Oo haddana sannaddii tobnaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii laba iyo tobnaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • Yex 3:22-23
    2 aayado
    71%

    22¶ Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.

    23Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.

  • 17¶ Oo haddana sannaddii toddoba iyo labaatanaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,

  • 1¶ Oo sannaddii lixaad, bisheedii lixaad, maalinteedii shanaad intii aan gurigaygii dhex fadhiyeyey, oo ay odayaashii dalka Yahuudah i hor fadhiyeyeen ayaa gacantii Sayidka Rabbiga ahu igu soo kor degtay.

  • Yex 33:21-22
    2 aayado
    70%

    21¶ Oo sannaddii laba iyo tobnaad ee maxaabiisnimadayadii, bisheedii tobnaad, maalinteedii shanaad ayaa mid Yeruusaalem ka soo baxsaday ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Magaaladii waa la qabsaday.

    22Oo kan soo cararay intuusan ii iman markay fiidkii ahayd gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Rabbigu afkayguu furay, oo ilaa uu aroortii dambe ii yimid ayaa afkaygii furnaa, oo aniguna mar dambe carrablaawe ma aan ahayn.

  • Daan 4:28-29
    2 aayado
    70%

    28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

    29Laba iyo toban bilood dabadoodna wuxuu dhex socday gurigii boqornimada ee reer Baabuloon.

  • Yer 13:4-6
    3 aayado
    70%

    4Waxaad qaadataa guntigii aad soo iibsatay oo haatan dhexda kuugu xidhan, oo kac, oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo halkaas ku qari dhagaxa weyn godkiisa.

    5Sidaas daraaddeed waan tegey oo waxaan guntigii ku soo qariyey Webi Yufraad agtiisa, sidii Rabbigu igu amray.

    6Oo maalmo badan dabadeed ayaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo waxaad halkaas ka soo bixisaa guntigii aan kugu amray inaad halkaas ku qariso.

  • 2Oo wax baan riyadii ku arkay, oo haddaba saas bay ahayd in markaan riyada arkay aan joogay daartii weynayd oo ku tiil Shuushan oo ku jirtay gobolka Ceelaam; oo riyadii baan haddana arkay oo waxaan ag joogay Webi Uulay.

  • 1¶ Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii saddexaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.

  • Yex 4:8-10
    3 aayado
    69%

    8Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga.

    9Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa.

    10Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.

  • 4Oo markaan erayadaas maqlay ayaan meel fadhiistay oo ooyay, oo intii ayaamo ah ayaan baroortay; waanan soomay, oo waxaan ku tukaday Ilaaha samada hortiisa,

  • Daan 10:9-10
    2 aayado
    69%

    9Oo codkiisiina waan maqlay, oo markaan maqlay codkiisii ayaan hurdo culus wejiga ula dhacay, wejigana dhulkaan saaray.

    10Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay.

  • 15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.

  • 16Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.

  • 1¶ Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisha maalinteedii kowaad Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 6Oo markaad intaas dhammaysid, haddana waxaad u jiifsataa dhinacaaga midig, oo waxaad afartan maalmood sidi doontaa xumaantii dadka dalka Yahuudah, maalin kastaba sannad baan kaaga dhigay.

  • 1¶ Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,

  • 4Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.

  • 20Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan ku arkay Ilaaha reer binu Israa'iil hoostiisa iyagoo Webi Kebaar agtiisa jooga, oo waxaan iqiin inay keruubiim yihiin.

  • 1¶ Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, bisheedii laba iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 20¶ Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 5¶ Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe.

  • 9Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.

  • 31¶ Markaasaannu Webi Ahawaa ka tagnay, oo Yeruusaalem u ambabbaxnay bishii kowaad maalinteedii laba iyo tobnaad; oo waxaa na saarnayd gacantii Ilaahayo, wuuna naga samatabbixiyey gacantii cadowga iyo kuwii jidka noogu gabbanayay.

  • 10Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.