Daaniyeel 2:12
Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.
Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
13Amarkiina waa baxay, nimankii xigmadda lahaana waxaa la doonayay in la wada laayo, markaasay dooneen Daanyeel iyo saaxiibbadiis in la laayo.
14Daanyeelna jawaab buu talo iyo miyir ugu celiyey Aryoog oo ahaa sirkaalkii waardiyaha boqorka, oo u soo baxay inuu laayo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon oo dhan.
15Wuxuu Aryoog oo ahaa sirkaalkii boqorka ugu jawaabay, Boqorku muxuu amarka ugu degdegay? Markaasaa Aryoog xaalkii ogeysiiyey Daanyeel.
16Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.
24¶ Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.
25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.
18inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.
19Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.
6Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada.
12Laakiinse boqoraddii Washtii ahayd way diidday inay ku timaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada. Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cadhadiisiina wuu la gubtay.
13¶ Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba,
15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.
12Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
13Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii.
9Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.
10Kuwii reer Kaldayiin ahaana boqorkii bay u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulka ma joogo nin caddayn karaa xaalkaaga, boqorow; waayo, lama arag boqor, ama sayid, ama taliye waxan oo kale weyddiiyey saaxir ama xiddigiye, ama mid ka mid ah reer Kaldayiin toona.
11Waxaad weyddiisay, boqorow, waa wax aan badanaa la weyddiin dadka, qof kale oo boqorka u caddayn karaana ma jiro ilaahyada mooyaane, kuwaasoo aan hoygoodu binu-aadmiga la jirin.
6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.
7¶ Markaasaa boqorkii kor u qayliyey oo yidhi, Ii keena xiddigiyayaasha iyo kuwa reer Kaldayiin ah iyo kuwa wax sheega. Boqorkiina waa la hadlay raggii xigmadda lahaa ee Baabuloon oo ku yidhi, Ku alla kii fartan akhriya, oo fasirkeeda ii caddeeya, waxaa loo gelinayaa dhar guduudan, qoortana waxaa loo sudhayaa silsilad dahab ah, oo wuxuu noqon doonaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.
8¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.
9Markaasaa Boqor Beelshaasar aad iyo aad u argaggaxay, wejigiisiina waa beddelmay, saraakiishiisiina way welweleen.
11Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega;
12maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.
14Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo.
15Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.
12Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.
27Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;
18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.
18Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.
19Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.
20Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.
22Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo.
19Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray.
20Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa.
48Markaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan.
5Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.
12oo Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo.
1¶ Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.
2Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.
7Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.
29Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa.
28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.
17Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.
35Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah.
3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
12Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin.