Daaniyeel 5:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo waa tan fartii la qoray, MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 5:26-28
    3 aayado
    89%

    26¶ Waa kan waxaas fasirkiisii: MENE: Waxay ka dhigan tahay, Ilaah waa tiriyey boqortooyadaada, wuuna dhammeeyey.

    27TEQELna waxaa weeye, Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday.

    28FERESna waxaa weeye, Boqortooyadaadii waa la qaybiyey, oo waxaa la siiyey reer Maaday iyo reer Faaris.

  • Daan 5:22-24
    3 aayado
    88%

    22¶ Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd;

    23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;

    24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.

  • Daan 5:4-12
    9 aayado
    81%

    4Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.

    5¶ Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay.

    6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

    7¶ Markaasaa boqorkii kor u qayliyey oo yidhi, Ii keena xiddigiyayaasha iyo kuwa reer Kaldayiin ah iyo kuwa wax sheega. Boqorkiina waa la hadlay raggii xigmadda lahaa ee Baabuloon oo ku yidhi, Ku alla kii fartan akhriya, oo fasirkeeda ii caddeeya, waxaa loo gelinayaa dhar guduudan, qoortana waxaa loo sudhayaa silsilad dahab ah, oo wuxuu noqon doonaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

    8¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.

    9Markaasaa Boqor Beelshaasar aad iyo aad u argaggaxay, wejigiisiina waa beddelmay, saraakiishiisiina way welweleen.

    10¶ Markaasaa boqorka iyo saraakiishiisii hadalkoodii aawadiis ayaa boqoraddii u soo gashay gurigii diyaafadda; kolkaasay boqoraddii hadashay oo tidhi, Boqorow, weligaaba noolow; fikirradaadu yay kaa argaggixin, wejigaaguna yuusan beddelmin.

    11Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega;

    12maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.

  • Daan 5:15-18
    4 aayado
    73%

    15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.

    16Laakiinse waxaa la iiga kaa sheegay inaad wax fasiri kartid, shakigana saari kartid; haddaba haddaad farta akhriyi kartid oo aad fasirkeeda caddayn kartid, waxaa lagu xidhi doonaa dhar guduudan, waxaad qoortana ku qabi doontaa silsilad dahab ah, oo waxaad noqon doontaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

    17¶ Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.

    18¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,

  • Daan 4:23-25
    3 aayado
    73%

    23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

    24fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

    25Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

  • 30Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.

  • Cesr 6:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Markaasaa Boqor Daariyus amar bixiyey, oo waa la baadhay gurigii buugagga taariikhda oo khasnadaha la dhigi jiray ee Baabuloon ku dhex yiil.

    2Markaasaa magaalada Axmetaa la yidhaahdo oo ku tiil gobolka Maadi ayaa hoygii boqorka laga helay qorniin duudduuban, oo waxaa xusuus ugu qornaa wax sidan ah.

  • 31Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

  • Daan 2:35-37
    3 aayado
    70%

    35Markaasaa birtii, iyo dhoobadii, iyo naxaastii, iyo lacagtii, iyo dahabkiiba wada burbureen, oo waxay noqdeen sida buunshaha meelaha wax lagu tumo; dabayl baana la tagtay, si aan meella loogu helin; markaasaa dhagaxii ekaanta ku dhacay wuxuu noqday buur weyn, oo dhulka oo dhan buuxiyey.

    36Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.

    37Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.

  • Daan 2:28-32
    5 aayado
    69%

    28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

    29Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.

    30Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.

    31Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.

    32Ekaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.

  • 6¶ Tanu waa naqilkii warqaddii Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiis oo ahaa reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogay ay u soo direen boqorkii Daariyus.

  • 25iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,

  • 18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

  • Daan 6:8-9
    2 aayado
    68%

    8Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale.

    9Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii.

  • 28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

  • 10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

  • 25iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah,

  • 1¶ Markaasaa Boqor Beelshaasar wuxuu diyaafad weyn u sameeyey kun nin oo saraakiishiisii ah, markaasuu khamri ku hor cabbay kunkii nin.

  • 45Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.

  • 5Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.

  • 18Warqaddii aad noo soo dirteen bayaan ayaa hortayda loogu akhriyey.

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.

  • 34oo alaabtii oo dhan waxay ku wada guddoomeen tiro iyo miisaan, oo miisaankii oo dhanna waagaas ayaa la wada qoray.

  • 10Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay.

  • 25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.