Daaniyeel 6:11
Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis.
Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii.
10Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray.
12Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin.
13Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.
14Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo.
15Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.
16Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona.
17Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel.
4Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii waxay doondooneen sabab ay Daanyeel ku dacweeyaan oo xagga boqortooyada ku saabsan; laakiinse way waayeen sabab iyo xumaan toona; maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa aamin, oo qalad iyo xumaan toona lagama helin.
5Markaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa.
6Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow.
7Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.
3Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.
16Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.
17¶ Markaasaa Daanyeel gurigiisii tegey, oo xaalkii ogeysiiyey Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah, oo ahaa saaxiibbadiis,
18inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.
19Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.
19Boqorkii intuu aroor hore kacay ayuu degdeg u tegey bohoshii libaaxyada.
20Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo?
21Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow.
22Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin.
23Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey.
24Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.
39de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.
40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.
18Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.
19Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.
20¶ Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,
21intii aan ducaysanayay ayaa ninkii Jibriil ahaa, oo aan markii hore riyada ku arkay, degdeg iigu soo duulay, wakhtigii qurbaankii fiidkii la bixiyey, oo i taabtay.
6Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah.
19Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,
11Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,
10inay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba.
26Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta.
27Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.
28Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.
46Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.
47Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.
13¶ Markaasaa Daanyeel la soo hor taagay boqorka. Boqorkiina waa la hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Ma waxaad tahay Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, oo boqorkii aabbahay ahaa Yahuudah ka keenay?
8Daanyeelna wuxuu qalbiga ku haystay inuusan isku nijaasayn cuntada wanaagsan ee boqorka iyo khamriga uu cabbo toona; sidaas daraaddeed wuxuu amiirkii bohommada weyddiistay inuu u oggolaado inuusan isnijaasayn.
9Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.
12Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.
1¶ Markaasaa Boqor Daariyus amar bixiyey, oo waa la baadhay gurigii buugagga taariikhda oo khasnadaha la dhigi jiray ee Baabuloon ku dhex yiil.
49Daanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.
1¶ Daariyus waxaa la wanaagsanaa inuu boqortooyadiisa u yeelo boqol iyo labaatan amiir, oo boqortooyada oo dhan wada gaadha;
2oo wuxuu iyagii ka sara mariyey saddex taliye, oo Daanyeel ka mid ahaa; inay amiirradu iyaga la xisaabtamaan, oo aan boqorka khasaare ku dhicin.
25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.
4Oo markaan erayadaas maqlay ayaan meel fadhiistay oo ooyay, oo intii ayaamo ah ayaan baroortay; waanan soomay, oo waxaan ku tukaday Ilaaha samada hortiisa,
5oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,
28Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane.