Daaniyeel 7:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 7:8 : 8 Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
  • Daan 7:11 : 11 Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.
  • Daan 7:23 : 23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.
  • Daan 8:9-9 : 9 Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa. 10 Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay. 11 Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.
  • Daan 11:36-37 : 36 ¶ Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa. 37 Umana fiirsan doono ilaahyadii awowayaashiis, ama waxa dumarku jecel yihiin, oo ilaahna uma fiirsan doono, waayo, wuu iska weynaysiin doonaa wax kasta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 7:2-13
    12 aayado
    89%

    2Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa.

    3Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay.

    4Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey.

    5Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun.

    6Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.

    7Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.

    8Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.

    9Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya.

    10Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.

    11Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.

    12Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.

    13Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay.

  • Daan 7:21-26
    6 aayado
    86%

    21Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday;

    22ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada.

    23Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.

    24Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa.

    25Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.

    26Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.

  • 19Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay,

  • Daan 7:16-17
    2 aayado
    78%

    16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.

    17Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.

  • Daan 8:20-24
    5 aayado
    77%

    20Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.

    21Orgigiina waa boqorka dalka Gariigta, oo geeskii weynaa oo labadiisa indhood dhexdooda ku yiilna waa boqorka kowaad.

    22Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan.

    23Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.

    24Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah.

  • Muj 13:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda.

    2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

    3Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii;

  • Daan 8:3-10
    8 aayado
    77%

    3Markaasaan indhahaygii kor u qaaday, oo waxaan arkay wan laba gees leh oo webiga hortiisa taagan; oo labada geesna way dheerdheeraayeen, laakiinse mid baa ka dheeraa midka kale; oo kii dheeraa baa markii dambe soo baxay.

    4Oo waxaan arkay wankii oo wax u riixaya xagga galbeed iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureed, oo bahalna ma hor istaagi karin, mana jirin mid gacantiisa wax ka bixin karay; laakiinse siduu doonayay ayuu yeeli jiray, wuuna isweyneeyey.

    5Oo intii aan ka fiirsanayay ayaa waxaa galbeed ka yimid orgi, wuxuuna kor maray dhulka dushiisa oo dhan, dhulkana ma uusan taaban: orgiguna wuxuu labada indhood dhexdooda ku lahaa gees weyn.

    6Oo wuxuu u yimid wankii labada gees lahaa oo aan arkay, isagoo webiga hortiisa taagan, kolkaasuu ku orday isagoo aad u cadhaysan.

    7Oo waxaan arkay isagoo wankii u soo dhowaaday, aad buuna ugu xanaaqay, oo wankii buu hardiyey, labadiisii geesna wuu ka jebiyey. Wankiina ma lahayn xoog uu iskaga celiyo, laakiinse dhulkuu ku tuuray, wuuna ku tuntay, mana jirin mid wanka orgiga ka samatabbixin karaa.

    8Markaasaa orgigii aad iyo aad isu weyneeyey, oo markuu aad xoog u yeeshay ayaa geeskii weynaa ka jabay; markaasaa beddelkiisii waxaa u soo baxay afar gees oo waaweyn oo u jeeday samada afarteeda jaho.

    9Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa.

    10Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.

  • Muj 17:10-13
    4 aayado
    77%

    10shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.

    11Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.

    12Oo tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale.

    13Kuwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka.

  • 11¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.

  • 7Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.

  • 7Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.

  • Muj 17:16-17
    2 aayado
    73%

    16Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.

    17Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.

  • 23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

  • 3Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj.

  • 7Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

  • 5Markaasaa waxaa isagii la siiyey af ku hadlaya waxyaalo waaweyn iyo cay; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku sii shaqeeyo laba iyo afartan bilood.