Daaniyeel 8:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 13:11-14 : 11 ¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale. 12 Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday. 13 Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa. 14 Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.
  • 2 Tes 2:9-9 : 9 Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan. 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
  • 1 Tim 4:1 : 1 ¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,
  • Daan 7:25 : 25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.
  • Daan 8:9-9 : 9 Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa. 10 Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay. 11 Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray. 12 Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay.
  • Daan 8:25 : 25 Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin.
  • Daan 10:14 : 14 Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.
  • Yex 38:8 : 8 Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.
  • Yex 38:16 : 16 Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.
  • Daan 7:8 : 8 Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
  • Daan 7:11 : 11 Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.
  • Daan 7:20 : 20 iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.
  • Muj 19:20 : 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Daan 11:24 : 24 Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.
  • Mat 23:32 : 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.
  • 1 Tes 2:16 : 16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.
  • Bil 15:16 : 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma.
  • Tir 24:24 : 24 Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.
  • Sharc 28:50 : 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.
  • Daan 11:21 : 21 Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 8:19-22
    4 aayado
    84%

    19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.

    20Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.

    21Orgigiina waa boqorka dalka Gariigta, oo geeskii weynaa oo labadiisa indhood dhexdooda ku yiilna waa boqorka kowaad.

    22Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan.

  • Daan 8:24-26
    3 aayado
    82%

    24Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah.

    25Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin.

    26Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.

  • Daan 7:22-26
    5 aayado
    79%

    22ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada.

    23Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.

    24Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa.

    25Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.

    26Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.

  • Daan 11:2-4
    3 aayado
    77%

    2¶ Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.

    3Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.

    4Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.

  • 77%

    19Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.

    20Dabadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal.

    21Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.

  • Daan 4:23-25
    3 aayado
    76%

    23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

    24fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

    25Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

  • 44Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo.

  • 75%

    35Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.

    36¶ Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.

  • Daan 2:44-45
    2 aayado
    74%

    44Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.

    45Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.

  • Daan 7:19-20
    2 aayado
    74%

    19Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay,

    20iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.

  • 74%

    23Oo markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa.

    24Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.

  • Daan 7:7-8
    2 aayado
    74%

    7Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.

    8Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.

  • Daan 2:39-40
    2 aayado
    74%

    39Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.

    40Oo boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa.

  • 74%

    27Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.

    28Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.

    29Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,

  • 17Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.

  • Daan 8:8-10
    3 aayado
    73%

    8Markaasaa orgigii aad iyo aad isu weyneeyey, oo markuu aad xoog u yeeshay ayaa geeskii weynaa ka jabay; markaasaa beddelkiisii waxaa u soo baxay afar gees oo waaweyn oo u jeeday samada afarteeda jaho.

    9Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa.

    10Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.

  • 72%

    39Oo ilaah qalaad caawimaaddiis ayuu wax ku samayn doonaa qalcadaha ugu xoogga badan, oo mid kasta oo isaga aqoonsada wuxuu u kordhin doonaa ammaan; wuxuuna ka dhigi doonaa inay xukumaan kuwo badan, dhulkana abaal buu ugu kala qaybin doonaa.

    40Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.

  • 72%

    16Laakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in.

    17Inuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto.

  • 14Oo wakhtigaasna dad badan baa ka gees noqon doona boqorka koonfureed; oo weliba kuwa wax dulma oo dadkaaga ku dhex jira ayaa kici doona si ay riyadu u dhisanto; laakiinse way dhici doonaan.

  • 14Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.

  • 17Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.

  • 31Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.

  • 7Laakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa.