Daaniyeel 9:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 106:6 : 6 Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
  • Yer 14:7 : 7 ¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.
  • Daan 9:15 : 15 Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.
  • Ish 64:5-7 : 5 Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa? 6 Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa. 7 Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.
  • Yer 3:25 : 25 Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.
  • Hos 1:2 : 2 ¶ Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata.
  • Mal 3:7 : 7 ¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
  • Cib 3:12 : 12 ¶ Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya.
  • Bar 1:20 : 20 Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.
  • Yex 6:9 : 9 Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
  • Daan 9:11 : 11 Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay.
  • Sab 119:102 : 102 Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
  • Ish 53:6 : 6 Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.
  • Ish 59:13 : 13 ¶ Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna.
  • 1 Boq 8:47-50 : 47 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 48 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 49 markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel; 50 oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan,
  • 2 Taar 6:37-39 : 37 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 38 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 39 de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.
  • Cesr 9:6 : 6 kolkaasaan idhi, Ilaahayow, waan ka xishoonayaa oo waan ka yaxyaxayaa inaan wejigayga xaggaaga u soo jeedsho, waayo, Ilaahayow, xumaatooyinkayagii ayaa nagu batay, oo dembilahaanshahayagiina wuxuu kor ugu baxay samooyinka.
  • Nex 1:6-8 : 6 Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay. 7 Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa. 8 Waan ku baryayaaye, bal xusuuso eraygii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa, oo aad ku tidhi, Haddaad xadgudubtaan, waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga,
  • Nex 9:33-34 : 33 Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay, 34 oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.
  • Sab 18:21 : 21 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 9:6-16
    11 aayado
    85%

    6oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan.

    7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.

    8Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay.

    9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;

    10mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa.

    11Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay.

    12Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale.

    13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

    14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

    15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

    16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.

  • 6Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • Nex 1:6-7
    2 aayado
    82%

    6Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.

    7Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.

  • 42Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

  • Nex 9:32-35
    4 aayado
    81%

    32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

    33Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay,

    34oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.

    35Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa.

  • 25Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.

  • 10Haddaba Ilaahayagow, bal maxaan nidhaahnaa tan dabadeed? Waayo, waxaannu ka tagnay amarradaadii,

  • Cesr 9:6-7
    2 aayado
    79%

    6kolkaasaan idhi, Ilaahayow, waan ka xishoonayaa oo waan ka yaxyaxayaa inaan wejigayga xaggaaga u soo jeedsho, waayo, Ilaahayow, xumaatooyinkayagii ayaa nagu batay, oo dembilahaanshahayagiina wuxuu kor ugu baxay samooyinka.

    7Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.

  • Ish 59:12-13
    2 aayado
    79%

    12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

    13¶ Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna.

  • 47oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 7Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.

  • Cesr 9:13-15
    3 aayado
    78%

    13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

    14haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?

    15Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.

  • 37oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 4Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;

  • 16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!

  • 7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

  • 17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.

  • 74%

    8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

    9Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.

    10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.

  • 4Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.

  • 15Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.

  • 2Markaasaa farcankii reer binu Israa'iil waxay iska sooceen dad qalaad oo dhan, oo intay istaageen ayay qirteen dembiyadoodii iyo xumaatooyinkii awowayaashood.

  • 10Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.

  • 5Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)

  • 27Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay.

  • 5Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?

  • 8Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

  • 37Oo bal eeg, wuxuu midho badan u dhalaa boqorradii aad korkayaga ka yeeshay dembigayaga aawadiis; oo weliba waxay ugu taliyaan jidhkayaga iyo xoolahayagaba siday doonayaan, oo annana cidhiidhi weyn baannu ku jirnaa.