7¶ Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.
8Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.
9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.
10Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.
11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.