Sharciga Kunoqoshadiisa 27:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii soddohdiis la seexda. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 20:14 : 14 Oo haddii nin wada guursado naag iyo hooyadeed, taasu waa shar, oo isaga iyo labadoodaba waa in dhammaantood dab lagu gubaa, si aan sharu idiinku dhex jirin.
  • Laaw 18:17 : 17 Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    15¶ Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin.

    16¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    17¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    18¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    19¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    20¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda naagtii aabbihiis, maxaa yeelay, aabbihiis buu maradii ka banneeyey. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    21¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii neef u galmooda, cayn kasta ha ahaadee. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    22¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • 81%

    24¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii deriskiisa qarsoodi ku dila. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    25¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii laaluush u qaata inuu qof aan xaq qabin dilo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

    26¶ Inkaaru ha ku dhacdo ku kasta oo aan adkayn sharcigan erayadiisa inuu sameeyo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • Laaw 20:9-14
    6 aayado
    73%

    9Oo ku alla kii caaya aabbihiis ama hooyadiis, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa, waayo, wuxuu caayay aabbihiis ama hooyadiis, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.

    10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

    11Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    12Oo haddii nin la seexdo gabadh uu soddog u yahay, sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; iyagu waxay sameeyeen wax qas ah, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    13Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    14Oo haddii nin wada guursado naag iyo hooyadeed, taasu waa shar, oo isaga iyo labadoodaba waa in dhammaantood dab lagu gubaa, si aan sharu idiinku dhex jirin.

  • 11Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

  • 17¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

  • Tir 5:21-22
    2 aayado
    69%

    21markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar,

    22oo biyahan habaarka kiciyaa way ku geli doonaan, oo calooshaaday bararin doonaan, bowdadaadana way hilib beelin doonaan. Oo naagtuna waa inay tidhaahdaa, Aamiin, Aamiin.

  • 11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 69%

    13Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow.

    14Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa.

    15Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

  • 69%

    19Oo waa inaadan qaawin habaryartaa, ama eeddadaa, waayo, kii saas yeelaa wuxuu qaawiyey xigaalkiisa u dhow, oo iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda.

    20Oo haddii nin la seexdo naagta adeerkiis, kaasu wuxuu qaawiyey cawradii adeerkiis; iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda, oo waxay dhiman doonaan iyagoo gablan ah.

    21Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.

  • 20Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.

  • 30Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.

  • 7Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

  • 17Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar.

  • 13Oo hooyadiis baa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, habaarkaagu aniga ha igu dhaco: codkayga uun addeec, oo orod oo ii keen iyaga.

  • 18Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.

  • 20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

  • 15¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

  • 22Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo.

  • 22¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.

  • 11Waayo, kaasu waa dembi baas, Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,

  • 15Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.

  • 2Oo isna wuxuu hooyadiis ku yidhi, Kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ee lagaa qaaday, ee aad ku habaartamaysay ee aad igu dhego hadlaysay, lacagtii anigaa haya; oo anaa qaaday. Markaasay hooyadiis tidhi, Wiilkaygiiyow, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • 2Waa maxay, wiilkaygiiyow? Waa maxay, wiilkii uurkaygow? Waa maxay, wiilkii nidarradaydow?

  • 27Oo markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar.

  • 14Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.

  • 22Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

  • 29Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.

  • 20Oo ku alla kii la seexda naag addoon ah oo nin u doonan, oo aan la madax furin ama aan la xorayn, markaas waa in iyaga la ciqaabaa, laakiinse waa inaan iyaga la dilin, maxaa yeelay, iyadu xor ma ay ahayn.