Wacdiyihii 2:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fiican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka uga fiican yahay oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 7:11-12 : 11 Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka. 12 Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.
  • Mat 6:23 : 23 Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!
  • Ef 5:8 : 8 haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka,
  • Luuk 11:34-35 : 34 Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur. 35 Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.
  • Wacd 7:19 : 19 ¶ Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.
  • Wacd 9:16 : 16 Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.
  • Wacd 9:18 : 18 Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
  • Wacd 11:7 : 7 ¶ Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.
  • Mal 3:18-4:2 : 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin. 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona. 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
  • Sab 119:105 : 105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
  • Sab 119:130 : 130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
  • Maah 4:5-7 : 5 Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon. 6 Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa. 7 Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
  • Maah 4:18-19 : 18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad. 19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
  • Maah 16:16 : 16 In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 2:14-17
    4 aayado
    86%

    14Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco.

    15Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

    17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

  • Wacd 2:11-12
    2 aayado
    81%

    11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

    12¶ Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane?

  • Wacd 1:16-18
    3 aayado
    78%

    16Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.

    17Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale.

    18Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

  • 13¶ Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.

  • 25Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.

  • Wacd 1:13-14
    2 aayado
    76%

    13Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.

    14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 2:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugu tijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oo bal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne.

    2Qosol waxaan ka idhi, Waa waalli! Farxadna waxaan ka idhi, Bal maxay taraysaa?

    3Waxaan qalbigayga ka damcay inaan jidhkayga khamri ku istareexiyo intii qalbigaygu xigmad igu hoggaaminayo, iyo inaan nacasnimo xagsado jeeraan arko waxa binu-aadmiga ku wanaagsan inay cimrigooda oo dhan samada hoosteeda ku sameeyaan.

  • 11Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka.

  • Wacd 8:16-17
    2 aayado
    75%

    16¶ Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),

    17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • Wacd 2:19-21
    3 aayado
    74%

    19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    20Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

  • 9Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay.

  • Wacd 6:8-9
    2 aayado
    74%

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

    9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • 3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • 24Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.

  • Wacd 9:16-17
    2 aayado
    73%

    16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

    17¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.

  • 8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 23¶ Waxyaalahan oo dhan xigmad baan ku tijaabiyey. Waxaan is-idhi, Xigmad baan yeelan doonaa, laakiinse xigmaddii way iga fogayd.

  • Wacd 2:25-26
    2 aayado
    72%

    25Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan?

    26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 16¶ Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.

  • 26Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,

  • Wacd 11:7-8
    2 aayado
    72%

    7¶ Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.

    8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • 24Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.

  • 7¶ Oo haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsaday wax aan waxba tarayn.

  • Maah 8:11-12
    2 aayado
    71%

    11Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.

    12Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.

  • Wacd 10:2-3
    2 aayado
    71%

    2Ninkii xigmad leh qalbigiisu xagga midigtuu u jeedaa, laakiinse nacaska qalbigiisu xagga bidixduu u jeedaa.

    3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • 13¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

  • 4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

  • 11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

  • 16In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.

  • 3Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,