Efesos 1:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 3:24 : 24 iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,
  • Kol 1:14 : 14 kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.
  • Ef 3:16 : 16 in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
  • Ef 2:7 : 7 si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix.
  • Ef 3:8 : 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
  • Fal 20:28 : 28 Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
  • Room 2:4 : 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?
  • 1 Kor 1:30 : 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
  • Fal 2:38 : 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
  • Kol 1:27 : 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.
  • 1 But 2:24 : 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
  • Cib 9:12-15 : 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool? 15 ¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.
  • Cib 9:22 : 22 Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.
  • Cib 10:4-9 : 4 Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado. 5 Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa, Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin, Laakiin jidh baad ii diyaarisay. 6 Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn. 7 Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow. Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran. 8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. 9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. 10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey. 11 ¶ Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin, 12 laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah;
  • Cib 10:17-18 : 17 ¶ Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono. 18 Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.
  • 1 But 1:18-19 : 18 Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka, 19 laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.
  • 1 But 3:18 : 18 Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.
  • 1 Yoox 1:7-9 : 7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan. 8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto. 9 Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.
  • 1 Yoox 2:2 : 2 Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan.
  • 1 Yoox 2:12 : 12 ¶ Wax baan idiin soo qorayaa, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis.
  • 1 Yoox 4:10 : 10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.
  • Kol 2:2 : 2 inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.
  • Kol 2:13 : 13 Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.
  • 1 Tim 2:6 : 6 oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay.
  • Titus 2:14 : 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • Titus 3:6 : 6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;
  • Fil 4:19 : 19 Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta.
  • Fal 3:19 : 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,
  • Fal 10:43 : 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
  • Fal 13:38-39 : 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.
  • Bax 34:7 : 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.
  • Ayuub 33:24 : 24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.
  • Sab 32:1-2 : 1 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay. 2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
  • Sab 86:5 : 5 Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
  • 2 Kor 8:9 : 9 Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.
  • Ef 1:6 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.
  • Ef 2:4 : 4 Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn,
  • Room 4:6-9 : 6 Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh, 7 Waxaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay. 8 Waxaa barakaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn. 9 ¶ Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.
  • Room 9:23 : 23 iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta,
  • Sab 130:7 : 7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
  • Ish 43:25 : 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
  • Ish 55:6-7 : 6 ¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay. 7 Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.
  • Yer 31:34 : 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
  • Daan 9:9 : 9 Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;
  • Daan 9:19 : 19 Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
  • Daan 9:24-26 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan. 25 Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi. 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay.
  • Yoon 4:2 : 2 Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.
  • Miik 7:18 : 18 Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.
  • Sak 9:11 : 11 Oo weliba adigana dhiiggii axdigaaga daraaddiis maxaabiistaadii waan ka soo bixiyey godkii aan biyuhu ku jirin.
  • Sak 13:1 : 1 ¶ Wakhtigaas waxaa reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba u furmi doonta il dembiga iyo nijaasta lagaga maydho.
  • Sak 13:7 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
  • Mat 20:28 : 28 sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
  • Mat 26:28 : 28 Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.
  • Mark 14:24 : 24 Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay.
  • Luuk 1:77 : 77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,
  • Luuk 7:40-42 : 40 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow. 41 Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton. 42 Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan?
  • Luuk 7:47-50 : 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel. 48 Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin. 49 Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana? 50 Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.
  • Luuk 24:47 : 47 iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem.
  • Yoox 20:23 : 23 Nin alla ninkaad dembiyadiisa cafidaan way cafiyan yihiin, nin alla ninkaad dembiyadiisa ku celisaan way ceshan yihiin.
  • Sab 130:4 : 4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
  • Muj 5:9 : 9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,
  • Muj 14:4 : 4 Kuwanu waa kuwii aan naagaha ku nijaasoobin; waayo, iyagu waa daahir; kuwanu waa kuwa Wanka u raaca meel alla meeshuu tagoba. Kuwan waxaa laga soo iibsaday dadka inay midhaha ugu horreeya u noqdaan Ilaah iyo Wankaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Kol 1:12-14
    3 aayado
    92%

    12Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta.

    13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,

    14kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.

  • Ef 1:3-6
    4 aayado
    84%

    3¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,

    4xataa siduu inoogu doortay isaga dhexdiisa intaan dunida la aasaasin ka hor inaynu quduus ahaanno oo iin la'aanno isaga hortiisa, isagoo ina jecel,

    5oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay,

    6in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.

  • Ef 1:8-9
    2 aayado
    82%

    8Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,

    9oo wuxuu ina ogeysiiyey qarsoodiga doonistiisa siduu ugu farxay oo Masiixa ugu fikiray

  • Ef 2:7-8
    2 aayado
    80%

    7si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix.

    8Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,

  • Room 3:24-25
    2 aayado
    80%

    24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

    25kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah;

  • 30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,

  • Ef 2:4-5
    2 aayado
    78%

    4Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn,

    5oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen.

  • Ef 1:11-14
    4 aayado
    76%

    11Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu,

    12in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa.

    13Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen ereyga runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Quduuska ah oo uu ballanqaaday,

    14oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.

  • Kol 2:13-14
    2 aayado
    75%

    13Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.

    14Wuxuu baabbi'iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.

  • Titus 3:5-7
    3 aayado
    74%

    5ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,

    6oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;

    7inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.

  • 7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

  • 9Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.

  • 19laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.

  • 11oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.

  • 22laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn,

  • 9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,

  • 4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.

  • 9Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.

  • 73%

    7Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.

  • 12kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.

  • 20iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.

  • Ef 1:17-19
    3 aayado
    73%

    17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

    18Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,

    19iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa

  • 14Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.

  • 10Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa,

  • 72%

    1¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,

  • 7Waxaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay.

  • Room 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

    2kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.

  • 77Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,

  • 16Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.

  • 38Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;

  • 27Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.

  • 5iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,