Efesos 5:24
Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.
Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
21Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.
22¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.
23Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka.
25Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed,
26inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga,
27si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.
28Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;
29maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;
18¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sida ay ugu habboon tahay xagga Rabbiga.
19Nimankow, idinkuna afooyinkiinna jeclaada oo ha ku qadhaadhoobina.
1¶ Sidaas oo kalena, dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la'aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda,
2markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh.
5Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.
6Saarahba sidaasoo kalay Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeedhi jirtay, Sayidow; oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydnaan ka cabsan wixii argaggax leh waxaad tihiin carruurteeda.
7Nimankow, idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabardaran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.
31Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.
32Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda.
33Habase yeeshee idinka midkiin waluba afadiisa ha u jeclaado sida naftiisa oo kale, oo afaduna ninkeeda ha maamuusto.
4Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda,
5oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.
3Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa.
34¶ Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.
35Hadday doonayaan inay wax bartaan, nimankooda ha ku weyddiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho.
2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.
3Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso.
4Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.
11Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.
12Laakiin naagna u fasixi maayo inay nin wax barto ama ay ka xukun sarrayso, inay aamusnaato mooyaane.
22Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,
5¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.
11Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan.
12Caawiyayaasha kiniisaddu mid kastaaba naag keliya ha guursado, hana noqdeen kuwo si wanaagsan ugu talinaya carruurtooda iyo guryahooda.
10Taas aawadeed naagtu waxay leedahay inay madaxeeda ku lahaato astaanta amarka, malaa'igaha aawadood.
11Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed.
12Waayo, sida naagtu ninka uga timid ayaa ninkuna naagta uga dhashay, wax kastana xagga Ilaah bay ka yimaadeen.
28Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.
24Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.
16Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?
10Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.
11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.
4Waa inuu ahaado mid gurgiisa si wanaagsan ugu taliya, oo carruurtiisu ka dambeeyaan oo maamuusaan.
5Laakiin nin hadduusan garanayn si uu gurigiisa ugu taliyo, sidee buu kiniisadda Ilaah u xanaanayn doonaa?
14Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.
13¶ Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan,
39Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.
24Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado, isagoo Ilaah la jira.
22Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.
33Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa.
34Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso.
2Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.