Efesos 5:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 8:12 : 12 ¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
  • Fal 26:18 : 18 inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
  • 1 But 2:9-9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh. 10 Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen. 11 ¶ Gacaliyayaalow, waxaan idiin baryayaa, idinkoo ah sidii qariib iyo dad sodcaal ah, inaad ka fogaataan damacyada jidhka oo nafta la dagaallama.
  • 1 Yoox 1:7 : 7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.
  • Ef 2:2 : 2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada.
  • Yoox 12:36 : 36 Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka.
  • Luuk 16:8 : 8 Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.
  • Ish 42:6-7 : 6 Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa, 7 inaad kuwa indhaha la' indhaha u furtid, iyo inaad maxaabiista xabsiga ka soo bixisid, iyo inaad kuwa gudcurka fadhiya ka soo bixisid guriga xabsiga.
  • Ish 60:19-20 : 19 Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa. 20 Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.
  • Ish 2:5 : 5 ¶ Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
  • Ish 9:2 : 2 Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.
  • Ef 4:18 : 18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.
  • Ef 6:12 : 12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
  • Kol 1:13 : 13 Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,
  • 1 Tes 5:4-8 : 4 Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato. 5 Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka; 6 sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno. 7 Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan. 8 Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.
  • Titus 3:3 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
  • 1 Yoox 2:8-9 : 8 Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa. 9 Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada. 10 Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga. 11 Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.
  • Sab 74:20 : 20 Bal soo fiiri axdigaaga, Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
  • Gal 5:25 : 25 ¶ Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.
  • Room 1:21 : 21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.
  • Room 2:19 : 19 oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira,
  • 1 Kor 1:30 : 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
  • 2 Kor 3:18 : 18 Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.
  • 2 Kor 4:6 : 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
  • Yoox 1:4-5 : 4 Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka. 5 Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.
  • Yoox 1:9 : 9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
  • Yoox 12:46 : 46 Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin.
  • Fal 17:30 : 30 Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;
  • Yer 13:16 : 16 Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.
  • Mat 4:16 : 16 Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.
  • Luuk 1:79 : 79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
  • Ish 42:16 : 16 Oo kuwa indhaha la'na waxaan soo marsiin doonaa jid ayan mar hore aqoon, oo waxaan ku hagi doonaa dhabbayaal ayan aqoon, oo gudcurkana waxaan hortooda kaga dhigi doonaa iftiin, oo meelaha qalloocanna waan u toosin doonaa. Waxyaalahaas baan samayn doonaa, oo innaba iyaga ma dayrin doono.
  • Ish 49:6 : 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
  • Ish 49:9 : 9 iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.
  • Ish 60:1-3 : 1 ¶ Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay. 2 Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa. 3 Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.
  • 2 Kor 6:14 : 14 ¶ Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan?
  • Ef 2:11-12 : 11 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab. 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn.
  • Ef 5:2 : 2 Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Tes 5:4-6
    3 aayado
    84%

    4Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.

    5Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;

    6sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.

  • 80%

    7Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur,

  • 7Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen.

  • Ef 5:9-17
    9 aayado
    78%

    9waayo, midhaha nuurku waxay ku wada jiraan wanaag iyo xaqnimo iyo run oo dhan.

    10Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,

    11oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa;

    12waayo, waxay qarsoodiga ku sameeyaan waa ceeb xataa in laga hadlo.

    13Laakiinse wax kastaba markii la kashifo ayaa lagu muujiyaa nuurka; waayo, wax alla wixii la muujiyaaba waa nuur.

    14Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Kaaga hurdow toos, oo kuwii dhintay ka kac, oo Masiixuna waa ku iftiimin doonaa.

    15¶ Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh.

    16Wakhtiga ka faa'iidaysta, maxaa yeelay, maalmuhu shar bay leeyihiin.

    17Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.

  • 77%

    35Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.

    36Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka.

  • 76%

    1¶ Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay.

  • 1 Yoox 1:5-7
    3 aayado
    76%

    5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

    6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

    7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

  • Ef 2:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,

    2kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada.

    3Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.

  • Ef 4:17-18
    2 aayado
    74%

    17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.

    18Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 74%

    12Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka.

    13Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso.

  • 8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

  • 73%

    35Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.

    36Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.

  • 6¶ Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,

  • 14Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto.

  • 11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

  • 13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,

  • 6Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

  • 12¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.

  • 14Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii;

  • 5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.

  • 7waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.

  • 5Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.

  • 12inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.

  • 14¶ Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan?

  • 19Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.

  • 12Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn.

  • 16Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

  • 10Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.

  • 26Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix.

  • 2Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.

  • 20Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran,