Esteer 1:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 6:21-22 : 21 ¶ Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili. 22 Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa.
  • 1 Sam 25:3 : 3 Haddaba ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Naabaal, naagtiisa magaceeduna Abiigayil, oo naagtuna waxay ahayd mid caqli wanaagsan, aadna u suurad qurxoon, laakiinse ninku wuxuu ahaa nin qallafsan oo shar sameeya; oo wuxuuna ahaa reer Kaaleeb.
  • 2 Sam 14:25 : 25 ¶ Haddaba reer binu Israa'iil oo dhan laguma arag nin Absaaloom la mid ah oo quruxdiisa aad loogu ammaano, waayo, cagtiisa cad ilaa dhaladiisa innaba iin laguma arag.
  • Est 2:17 : 17 Haddaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.
  • Est 6:8 : 8 ha loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka,
  • Maah 16:9 : 9 Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.
  • Maah 23:29-33 : 29 Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh? 30 Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray. 31 Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba. 32 Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa. 33 Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
  • Maah 31:30 : 30 Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Est 1:12-21
    10 aayado
    83%

    12Laakiinse boqoraddii Washtii ahayd way diidday inay ku timaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada. Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cadhadiisiina wuu la gubtay.

    13¶ Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba,

    14oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar, Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan oo ahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkay boqorka wejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeeda kowaad),

    15oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samaynaa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaa yeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahashwerus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay.

    16Markaasaa Memuukaan jawaabay, oo wuxuu boqorkii iyo amiirradii hortooda ka yidhi, Boqorad Washtii boqorka oo keliya ma ay xumayn, laakiinse waxay xumaysay amiirrada oo dhan, iyo dadka deggan Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan.

    17Haddaba wixii ay boqoraddu samaysay wuu wada gaadhi doonaa dumarka oo dhan, kolkaasay nimankooda quudhsan doonaan markii warkan loo sheego, oo lagu yidhaahdo, Boqorkii Ahashwerus wuxuu amray in Boqorad Washtii hortiisa la keeno, laakiinse ma ay iman.

    18Haddaba isla maantadan amiiradaha Faaris iyo Maaday oo maqlay wixii ay boqoraddu samaysay, sidaasoo kalay ku odhan doonaan boqorka amiirradiisa oo dhan. Oo saas aawadeed waxaa kici doona quudhsasho iyo xanaaq badan.

    19Haddaba haddii boqorku raalli ka yahay, amar boqornimo ha bixiyo, oo amarkaasna si aan loo beddelin ha lagu dhex qoro qaynuunnada reer Faaris iyo reer Maaday, inaanay boqoradda Washtii mar dambe iman Boqor Ahashwerus hortiisa. Boqorkuna boqoradnimadeedii ha siiyo mid kale oo iyada ka wanaagsan.

    20Oo marka boqorka amarkiisa uu bixin doono lagu faafiyo boqortooyadiisa oo dhan (waayo, way weyn tahay) ayaa dumarka oo dhammu nimankooda maamuusi doonaan, yar iyo weynba.

    21¶ Oo odhaahdaasu waxay ka farxisay boqorkii iyo amiirradii oo dhanba, kolkaasuu boqorkii yeelay sidii uu Memuukaan yidhi.

  • Est 1:8-10
    3 aayado
    81%

    8Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo, boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amray inay nin kasta u yeelaan siduu doonayo.

    9Oo weliba Boqorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysay hoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa.

    10¶ Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas,

  • Est 2:1-4
    4 aayado
    81%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood markii Boqor Ahashwerus cadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii ay samaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.

    2Markaasaa boqorka midiidinnadiisii u adeegi jiray waxay yidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado qurux badan oo dhallinyaro ah;

    3oo boqorku gobol kasta oo boqortooyadiisa ka mid ah ha ka dhex doorto wakiillo, si ay bikradaha quruxda badan oo dhallinyarada ah oo dhan ugu soo ururiyaan Shuushan oo ah hoyga boqorka, oo iyaga ha keeneen guriga naagaha, oo gacanta ha u geliyeen Heegay oo ah midiidinka boqorka naagaha u dhawra, oo iyaga ha la siiyo alaabtoodii ay isku daahirin lahaayeen.

    4Oo gabadhii boqorka la wanaagsanaata, meeshii Washtii boqorad ha ka noqoto. Oo waxaasuna boqorka way ka farxiyeen; kolkaasuu saas yeelay.

  • Est 2:11-18
    8 aayado
    79%

    11Mordekayna wuxuu maalin kasta mari jiray barxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteer nabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.

    12¶ Haddaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaadhay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogu sameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayo laba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahirintoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ah ismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna ismariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagu daahiriyo)

    13ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.

    14Oo iyadu fiidkii bay tagtay, oo subaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha, iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii u dhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambe boqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo in magaceeda loogu yeedho mooyaane.

    15¶ Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.

    16Haddaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.

    17Haddaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.

    18Markaasaa boqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd martiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuu nasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsinimadiisii ahayd.

  • Est 2:8-9
    2 aayado
    76%

    8Markii la maqlay boqorka amarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu soo ururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacanta loo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka, oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagaha dhawri jiray.

    9Oo gabadhii way la wanaagsanaatay isagii, wuuna u roonaaday; oo markiiba wuxuu iyadii siiyey alaabteedii isdaahirinta, iyo intii ay qaybta u lahayd, iyo toddoba gabdhood oo ay waajib u lahayd in laga siiyo guriga boqorka. Markaasuu iyadii iyo gabdhaheediiba geeyey meeshii ugu wanaagsanayd guriga naagaha.

  • Est 1:1-5
    5 aayado
    75%

    1¶ Wakhtigii Ahashwerus (Ahashweruskaasu wuxuu ahaa kii xukumi jiray Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo u talin jiray boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol)

    2markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigii boqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygii boqorka,

    3sannaddii saddexaad oo boqornimadiisa ayuu martiqaad u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taas oo ay hortiisa joogeen xooggii Faaris iyo Maaday, iyo dadkii gobta ahaa iyo amiirradii gobollada.

    4Oo wuxuu soo bannaan dhigay maalkii boqortooyadiisa ammaanta badnayd, iyo sharaftii haybaddiisa sarraysa, intii maalmo badan ah oo gaadha boqol iyo siddeetan maalmood.

    5Oo markii maalmahaasu dhammaadeen ayuu boqorku diyaafad u sameeyey dadkii Shuushan oo hoygii boqorka ahayd joogay oo dhan, yar iyo weynba, intii toddoba maalmood ah, oo diyaafaddiina waxaa lagu dhigay barxaddii beerta ku dhex tiil hoygii boqorka.

  • Est 5:1-4
    4 aayado
    73%

    1¶ Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.

    2Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii.

    3Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.

    4Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey.

  • 14Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.

  • 10¶ Markaasaa boqorka iyo saraakiishiisii hadalkoodii aawadiis ayaa boqoraddii u soo gashay gurigii diyaafadda; kolkaasay boqoraddii hadashay oo tidhi, Boqorow, weligaaba noolow; fikirradaadu yay kaa argaggixin, wejigaaguna yuusan beddelmin.

  • 8ha loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka,

  • 1¶ Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan.

  • 3Markaasaa boqorkii la hadlay Ashfenas oo madax u ahaa raggiisii bohommada ahaa, oo wuxuu u sheegay inuu keeno reer binu Israa'iil qaar ka mid ah, oo weliba ah kuwo ka soo farcamay reer boqor, iyo kuwa gobta ah;

  • 1 Boq 1:3-4
    2 aayado
    71%

    3Sidaas daraaddeed gabadh qurxoon ayay ka doondooneen dalkii Israa'iil oo dhan, oo waxay soo heleen Abiishag oo ahayd reer Shuuneem, oo taas bay boqorkii u keeneen.

    4Oo gabadhuna aad bay u qurxoonayd, oo boqorkiina wax bay u tari jirtay, oo u adeegi jirtay, laakiinse boqorku iyadii ma uu taaban.

  • 13Dabadeedna wejiyadayada hortaada ha lagu fiiriyo iyo wejiga dhallinyarada boqorka cuntadiisa cunta; oo markaas annagoo ah addoommadaada sidii aad nagu aragtid noola macaamilo.

  • 11Boqorka addoommadiisa oo dhan iyo dadka boqorka gobolladiisa deggan oo dhammu way wada og yihiin in ku alla kii, isagoo aan loo yeedhin, boqorka ugu soo gala barxadda dhexe, ama nin ha ahaado ama naag ha ahaatee, qaynuun baa loo hayaa, waana in isaga la dilo, haddaan boqorku usha dahabka ah fidin, si uu u noolaado aawadeed; laakiinse aniga la iima yeedhin inaan boqorka u soo galo intii soddon maalmood ah.

  • 8Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday.

  • 11Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.

  • 4Markaasaa boqorkii wuxuu Esteer u soo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeed Esteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii.

  • 5Markaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.

  • 12Oo Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.