Esteer 2:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waagaas mar uu Mordekay boqorka iriddiisa fadhiistay ayaa waxaa aad u cadhooday laba nin oo boqorka midiidinno u ahaa, waxayna ahaayeen Bigtaan iyo Teresh oo ka mid ahaa kuwa iridda dhawra, oo waxay dooneen inay Boqor Ahashwerus dilaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Est 6:2 : 2 Oo waxaa laga dhex helay oo ku qornaa in Mordekay sheegay Bigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin oo ka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonay inay Boqor Ahashwerus dilaan.
  • Sab 144:10 : 10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
  • 2 Sam 4:5-6 : 5 ¶ Oo Rimmonkii reer Bi'irod wiilashiisii oo ahaa Reekaab iyo Bacanaah way tageen, oo wakhti kulul ayay gurigii Iishboshed yimaadeen, isagoo hadhkii nasanaya. 6 Oo gurigay soo galeen, sidii iyagoo sarreen qaadanaya; markaasay caloosha ka dooxeen. Markaasaa Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah baxsadeen.
  • 2 Sam 16:11 : 11 Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray.
  • 1 Boq 15:25-27 : 25 ¶ Oo Naadaab oo ahaa ina Yaaraabcaam boqor buu ka noqday dalka Israa'iil sannaddii labaad oo Aasaa boqorkii dalka Yahuudah; oo wuxuu dalka Israa'iil boqor ka ahaa laba sannadood. 26 Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey. 27 Oo waxaa shirqoolay Bacshaa ina Axiiyaah oo ahaa reer Isaakaar, oo Bacshaa isaguu ku dilay Gibbetoon tan ay reer Falastiin lahaayeen, waayo, Naadaab iyo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuba waxay weerarayeen Gibbetoon.
  • 1 Boq 16:9 : 9 Oo addoonkiisii Simrii oo sirkaal u ahaa gaadhifardoodkiisa badhkood ayaa isaga shirqoolay. Haddaba wuxuu joogay Tirsaah isagoo khamri ku cabbaya guriga Arsaa oo madax u ahaa reerkiisii Tirsaah ku yiil;
  • 2 Boq 9:22-24 : 22 Oo markii Yooraam Yeehuu arkay ayuu ku yidhi, War Yeehuu, ma nabad baa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, War xaggee nabadu joogtaa inta hooyadaa Yesebeel dhillanimadeedii iyo sixirnimadeediiba ay aad u badan yihiin? 23 Markaasaa Yooraam intuu faraskii dib u ceshaday ayuu cararay oo wuxuu Axasyaah ku yidhi, War Axasyaah, tanu waa khiyaano. 24 Markaasaa Yeehuu qaansadiisii ku xooday xooggiisii oo dhan, oo Yooraam ku dhuftay labada garab dhexdooda, oo fallaadhiina waxay ka mudhbaxday wadnaha, markaasuu ku dhex dhacay gaadhifaraskiisii.
  • 2 Boq 12:20 : 20 Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa.
  • 2 Boq 21:23 : 23 Markaasaa Aamoon addoommadiisii sirqooleen, oo waxay boqorkii ku dhex dileen gurigiisii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Est 6:1-5
    5 aayado
    90%

    1¶ Habeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay, kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhtigaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa.

    2Oo waxaa laga dhex helay oo ku qornaa in Mordekay sheegay Bigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin oo ka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonay inay Boqor Ahashwerus dilaan.

    3Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Taas aawadeed maxaa maamuus iyo derejo ah oo Mordekay loo sameeyey? Kolkaasaa addoommadii boqorka u adeegi jiray waxay isagii ku yidhaahdeen, Waxba looma samayn.

    4Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimid guriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kala hadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uu isaga u diyaariyey.

    5Markaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.

  • Est 2:22-23
    2 aayado
    82%

    22Oo xaalkaas waxaa ogaaday Mordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteerna waxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysa Mordekay magiciisa.

    23Oo markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaa la ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baa laga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggii taariikhda boqorka hortiisa.

  • Est 2:19-20
    2 aayado
    79%

    19¶ Oo markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii.

    20Oo Esteerna weli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidii Mordekay ku amray; waayo, Esteer amarkii Mordekay bay u addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale.

  • Est 3:1-4
    4 aayado
    78%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadeed Boqor Ahashwerus wuxuu dalliciyey oo kursigiisii ka sarraysiiyey amiirradii isaga la joogay oo dhan Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo isaga wuu hore mariyey.

    2Oo waxaa Haamaan u foororsaday oo u sujuuday boqorka addoommadiisii iriddiisa joogay oo dhan, waayo, boqorka ayaa in saas loo yeelo amray. Laakiinse Mordekay uma uu foororsan, umana sujuudin.

    3Markaasaa addoommadii boqorka oo joogay boqorka iriddiisa waxay Mordekay ku yidhaahdeen, War maxaad u jebinaysaa boqorka amarkiisa?

    4Haddaba waxaa dhacday, markay maalin kasta saas ku lahaayeen, laakiinse isagu uusan dheg u dhigin, inay warkaas Haamaan u sheegeen inay arkaan bal wuxuu xaalka Mordekay noqdo, waayo, wuxuu iyagii u sheegay inuu Yuhuud yahay.

  • Est 2:10-11
    2 aayado
    76%

    10¶ Esteerna ma ay sheegin dadkeedii iyo qoladeedii toona; waayo, waxaa Mordekay ku amray inaanay waxba sheegin.

    11Mordekayna wuxuu maalin kasta mari jiray barxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteer nabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.

  • 2markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigii boqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygii boqorka,

  • Est 8:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa.

    2Markaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyey kaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyey Mordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekay madax uga dhigtay.

    3¶ Oo Esteer boqorka hortiisii ayay haddana ka hadashay, oo intay cagihiisa ku dhacday ayay iyadoo ooyaysa ka bariday inuu baabbi'iyo belaayadii Haamaan kii reer Agag iyo xeeladdiisii uu Yuhuudda ku samaynayay.

  • 10¶ Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas,

  • Est 4:5-7
    3 aayado
    75%

    5Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba.

    6Sidaas daraaddeed Hatag wuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii ka soo hor jeeday boqorka iriddiisa.

    7Markaasaa Mordekay wuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay, iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo boqorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed.

  • 12Kolkaasaa Mordekay loo soo sheegay Esteer erayadeedii.

  • 14¶ Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.

  • 6Laakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.

  • 7Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda.

  • 8Markii la maqlay boqorka amarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu soo ururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacanta loo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka, oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagaha dhawri jiray.

  • Est 7:5-8
    4 aayado
    73%

    5Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo?

    6Markaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday.

    7Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay.

    8Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday.

  • Est 9:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Haddaba bishii laba iyo tobnaad, oo ahayd bisha Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, markii boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay soo dhowaadeen in la oofiyo, maalintaas oo ahayd maalintii Yuhuudda cadaawayaashoodii ay rajaynayeen inay Yuhuudda u taliyaan, laakiin loo beddelay oo ay noqotay maalintii ay Yuhuuddii u taliyeen kuwii iyaga nebcaa,

    2ayaa Yuhuuddii iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii ku yiil gobolladii Boqor Ahashwerus oo dhan inay gacan u qaadaan kuwii doonayay inay iyaga wax yeelaan; oo mana jirin nin iyaga hor istaagi karay, maxaa yeelay, cabsidoodii baa ku dhacday dadyowgii oo dhan.

    3Oo waxaa Yuhuuddii caawiyey amiirradii gobollada oo dhan, iyo saraakiishii, iyo taliyayaashii, iyo kuwii boqorka hawshiisii qaban jiray oo dhan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka cabsanayeen Mordekay.

  • 25Laakiinse markuu xaalkaasu boqorka hortiisa yimid, wuxuu amray oo warqado ku qoray in xeeladdiisii uu Yuhuudda ku sameeyey ay madaxiisa ku soo noqoto, iyo in isaga iyo wiilashiisiiba lagu deldelo meesha deldelaadda.

  • 2Oo falimihii uu xooggiisii iyo itaalkiisii ku sameeyey oo dhan, iyo warkii Mordekay weynaantiisii uu boqorku isaga u sara mariyey sow kuma wada qornayn buuggii taariikhda oo boqorradii Maaday iyo Faaris?

  • 12¶ Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.

  • 1¶ Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.

  • Est 2:15-16
    2 aayado
    72%

    15¶ Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.

    16Haddaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.

  • 13Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya.

  • Est 1:14-15
    2 aayado
    72%

    14oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar, Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan oo ahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkay boqorka wejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeeda kowaad),

    15oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samaynaa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaa yeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahashwerus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay.

  • 9¶ Markaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laakiinse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuu Mordekay aad iyo aad ugu cadhooday.

  • Est 2:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood markii Boqor Ahashwerus cadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii ay samaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.

    2Markaasaa boqorka midiidinnadiisii u adeegi jiray waxay yidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado qurux badan oo dhallinyaro ah;

  • 5¶ Oo Shuushan oo hoygii boqorka ahaa waxaa jiray nin Yuhuud ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Mordekay ina Ya'iir, ina Shim'i, ina Qiish, oo wuxuu ahaa reer Benyaamiin;

  • 10Markaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso, oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay, oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay oo ah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aad sheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan.