Esteer 8:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Est 3:14 : 14 Oo waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas.
  • Sab 37:14-15 : 14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman. 15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
  • Sab 68:23 : 23 Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
  • Sab 92:10-11 : 10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub. 11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
  • Sab 149:6-9 : 6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto, 7 Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan, 8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan, 9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.
  • Luuk 18:7 : 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
  • Muj 6:10 : 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
  • Xaak 16:28 : 28 Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Est 3:11-15
    5 aayado
    91%

    11Kolkaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Lacagta adigaa lagu siiyey, oo weliba dadkana waxaad ku samaysaa wax alla wixii kula wanaagsan.

    12¶ Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii.

    13Oo warqadona waxaa loo dhiibay warqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisii oo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo la wada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn, iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bisha laba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyo in maalkoodana booli ahaan loo dhaco.

    14Oo waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas.

    15Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.

  • Est 8:7-12
    6 aayado
    85%

    7Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda.

    8Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo.

    9Oo markaasaa isla wakhtigaasba waxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxayna ahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteedii saddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishii iyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiil Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kasta loogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qoray afkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodii iyo afkoodiiba.

    10Oo wuxuu warqadihii ku qoray Boqor Ahashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkii boqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushan fardo iyo baqlo iyo rakuubbo.

    11Oo boqorkii wuxuu u oggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inay isa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isu taagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag ku ridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inay weeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba, iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan.

    12Oo amarkii wuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan saas isku maalin laga yeelo, taas oo ah maalinta saddex iyo tobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo.

  • Est 9:1-3
    3 aayado
    84%

    1¶ Haddaba bishii laba iyo tobnaad, oo ahayd bisha Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, markii boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay soo dhowaadeen in la oofiyo, maalintaas oo ahayd maalintii Yuhuudda cadaawayaashoodii ay rajaynayeen inay Yuhuudda u taliyaan, laakiin loo beddelay oo ay noqotay maalintii ay Yuhuuddii u taliyeen kuwii iyaga nebcaa,

    2ayaa Yuhuuddii iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii ku yiil gobolladii Boqor Ahashwerus oo dhan inay gacan u qaadaan kuwii doonayay inay iyaga wax yeelaan; oo mana jirin nin iyaga hor istaagi karay, maxaa yeelay, cabsidoodii baa ku dhacday dadyowgii oo dhan.

    3Oo waxaa Yuhuuddii caawiyey amiirradii gobollada oo dhan, iyo saraakiishii, iyo taliyayaashii, iyo kuwii boqorka hawshiisii qaban jiray oo dhan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka cabsanayeen Mordekay.

  • 14Oo sidaas daraaddeed warqaadayaashii fuushanaa baqlo iyo rakuubbo way ambabbexeen, iyagoo degdegsan oo ku dhaqsanaya boqorka amarkiisa; oo amarkiina waxaa lagu naadiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka.

  • Est 9:15-32
    18 aayado
    77%

    15Oo haddana Yuhuuddii Shuushan joogtay dhammaantood way isa soo wada urursadeen bishii Adaar, maalinteedii afar iyo tobnaad, oo waxay Shuushan ku laayeen saddex boqol oo nin, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.

    16¶ Oo Yuhuuddii kale oo joogay boqorka gobolladiisa iyana dhammaantood way isa soo wada urursadeen, oo ay daaficidda naftooda isu taageen, oo way ka raysteen cadaawayaashoodii, oo waxay kuwii iyaga nebcaa ka laayeen shan iyo toddobaatan kun oo qof, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.

    17Oo taasuna waxay dhacday bishii Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, oo bishaas maalinteedii afar iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan.

    18¶ Laakiinse Yuhuuddii Shuushan joogtay way isa soo wada urursadeen bishaas, maalinteedii saddex iyo tobnaad, iyo maalinteedii afar iyo tobnaad, oo isla bishaas, maalinteedii shan iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan.

    19Haddaba Yuhuuddii tuulooyinka joogtay oo degganayd magaalooyinka aan derbiga lahayn, bisha Adaar, maalinteeda afar iyo tobnaad, waxay ka dhigaan maalin farxadeed oo iid ah, oo maalin wanaagsan ah, iyo maalin waxyaalo wanaagsan mid ba midka kale u diro.

    20¶ Markaasaa Mordekay waxyaalahaas oo dhan qoray, oo wuxuu warqado u diray kulli Yuhuuddii joogtay Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan, kuwii dhowaa iyo kuwii fogaaba,

    21oo wuxuu ku amray iyagii inay sannad walba bisha Adaar, afar iyo tobankeeda iyo shan iyo tobankeeda, dhawraan,

    22oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddii ay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggooda ay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalin wanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxad badan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan u diro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo.

    23¶ Oo Yuhuuddiina waxay aqbaleen inay sameeyaan wixii ay bilaabeen, iyo sidii Mordekay uu iyaga u soo qoray,

    24maxaa yeelay, Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo Yuhuudda oo dhan cadowgooda ahaa, xeelad buu ku sameeyey Yuhuudda inuu iyaga baabbi'iyo, oo wuxuu riday saami Fuur la odhan jiray, si uu u laayo oo uu u baabbi'iyo.

    25Laakiinse markuu xaalkaasu boqorka hortiisa yimid, wuxuu amray oo warqado ku qoray in xeeladdiisii uu Yuhuudda ku sameeyey ay madaxiisa ku soo noqoto, iyo in isaga iyo wiilashiisiiba lagu deldelo meesha deldelaadda.

    26Haddaba sidaas daraaddeed maalmahaas waxay u bixiyeen FUURIIM, oo waxay ugu yeedheen saamigii magiciisii FUUR la odhan jiray. Saas aawadeed warqaddan erayadeedii oo dhan, iyo wixii xaalkan ku saabsanaa oo ay arkeen, iyo wixii iyaga u yimid,

    27Yuhuuddu waxay amreen oo dul saareen iyaga iyo farcankooda, iyo in alla intii iyaga ku darmatay, inaanay ka baaqan, inay labadaas maalmood u dhawraan sannad kasta sida waafaqsan waxa laga qoray, iyo goor waafaqsan xilligii la yidhi;

    28iyo in qarni kastaa, iyo qolo kastaa, iyo dal kastaa, iyo magaalo kastaaba ay maalmahaas xusuustaan oo dhawraan, iyo in maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo aanay Yuhuuddu ka baaqan, oo aanay xusuustooduna xataa farcankooda dambe ka baabbi'in.

    29¶ Markaasaa Boqorad Esteer oo ahayd ina Abiixayil, iyo Yuhuudigii Mordekay ahaa waxay amar buuxa ku qoreen, si ay u adkeeyaan warqaddan labaad oo ku saabsan FUURIIM.

    30Oo waxaa warqado loo diray kulli Yuhuuddii joogtay boqol iyo toddoba iyo labaatankii gobol oo boqortooyadii Ahashwerus, oo waxaa loogu dhawaaqay hadal nabaadiino iyo run ah,

    31si loo adkeeyo maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo wakhtigooda, sidii ay u amreen Yuhuudigii Mordekay iyo Boqorad Esteer, iyo sidii ay iyagu nafsaddooda iyo farcankooda ugu amreen xaalkii soonka iyo qayladoodii.

    32Oo Esteer amarkeediina wuxuu sii adkeeyey xaalkan ku saabsan FUURIIM; oo buug baa lagu qoray.

  • 17Oo gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.

  • 8Oo weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii oo amarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuudda loo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteer tuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amray inay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisa wax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis.

  • Est 3:6-9
    4 aayado
    76%

    6Laakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.

    7¶ Oo sannaddii laba iyo tobnaad oo Boqor Ahashwerus, bisheedii kowaad taasoo ah bisha Niisaan ayay Haamaan hortiisa ku rideen saami magiciisa la yidhaahdo Fuur, oo taasuna waxay socotay maalin ka maalin, iyo bil ka bil, ilaa bishii laba iyo tobnaad oo ah bisha Adaar.

    8Markaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.

    9Haddaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha la qoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaa toban kun oo talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa boqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagu maalkaas geliyaan khasnadaha boqorka.

  • 1¶ Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa.

  • 22Oo wuxuu warqado u diray boqorka gobolladiisii oo dhan, oo gobol walba wuxuu ugu qoray fartiisii, oo dad kastana wuxuu ugu qoray afkoodii, si nin kastaa ugu taliyo reerkiisa oo uu ku sheego afka dadkiisu ku hadlo.

  • 5Oo kolkaasay tidhi, Boqorow, haddaad ku faraxsan tahay, oo aad raalli iga tahay, oo haddii xaalkaasu kula wanaagsan yahay, oo aad ii bogtay, ha la qoro warqado lagu beddelo warqadihii uu xeeladda ku qoray Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, kuwaasoo uu u qoray in lagu baabbi'iyo Yuhuudda boqorka gobolladiisa deggan oo dhan.

  • 6¶ Oo waagii Ahashwerus boqortooyada qabsaday markii dowladnimadiisu bilaabatay ayay ashtako ka soo qoreen dadkii degganaa Yahuudah iyo Yeruusaalem.

  • 36Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.

  • 13Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Haddii boqorku raalli ku yahay, Yuhuudda Shuushan joogta ha la siiyo fasax ay berrito ku sameeyaan si waafaqsan amarkan maanta dhacay, oo Haamaan tobankiisa wiilba ha lagu deldelo meesha deldelaadda.

  • 11¶ Oo maalintaas intii lagu laayay Shuushan oo ahayd hoygii boqorka tiradoodii waxaa la keenay boqorka hortiisa.

  • 5Oo Yuhuuddiina cadaawayaashoodii oo dhan waxay la dhaceen seef, wayna laayeen, oo baabbi'iyeen, oo waxay iyagii ku sameeyeen wixii ay doonayeen inay kuwa iyaga neceb ku sameeyaan.

  • 3Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.