Baxniintii 2:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 24:11 : 11 Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.
  • Bax 3:1 : 1 ¶ Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.
  • 1 Sam 9:11 : 11 Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa?
  • Bil 14:18 : 18 Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya.
  • Bil 24:14-20 : 14 Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay. 15 Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis. 16 Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday. 17 Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye. 18 Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay. 19 Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan. 20 Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.
  • Bil 29:6-9 : 6 Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa. 7 Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya. 8 Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa. 9 Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay. 10 Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.
  • Bil 41:45 : 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 2:17-21
    5 aayado
    86%

    17Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey.

    18Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene?

    19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

    20Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee.

    21Muusena raalli buu ka ahaa inuu ninkaas la joogo, oo isagu wuxuu Muuse siiyey gabadhiisii Siforaah.

  • 15Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay.

  • 1¶ Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.

  • Bax 18:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.

    2Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed,

  • 6Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda.

  • Tir 25:15-16
    2 aayado
    72%

    15Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan.

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 18:4-8
    5 aayado
    72%

    4midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.

    5Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii.

    6Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.

    7Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.

    8Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

  • 29Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.

  • 6Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.

  • Bax 1:15-16
    2 aayado
    71%

    15¶ Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana Fuwah la odhan jiray,

    16oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato.

  • 18Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.

  • 7Markaasaa walaashiis waxay gabadhii Fircoon ku tidhi, Ma kuugu yeedhaa naagaha Cibraaniyadaha middood inay kuu nuujiso ilmaha?

  • 5Markaasaa gabadhii Fircoon webiga timid inay ku maydhato. Gabdhihii addoommada u ahaana waxay socdeen webigii dhinaciisa. Markaasay iyadu waxay aragtay abxadda duurka ku dhex jirta, oo waxay u diratay gabadhii addoonta u ahayd inay u keento.

  • Bax 2:9-11
    3 aayado
    70%

    9Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag, oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay naagtii yarkii qaadday oo nuujisay.

    10Yarkiina waa koray, markaasay u keentay gabadhii Fircoon, oo wuxuu noqday wiilkeedii. Oo waxay magiciisii u bixisay Muuse, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, anaa biyihii ka soo bixiyey.

    11¶ Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.

  • 20Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.

  • 13Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.

  • 21markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay.

  • Bil 29:7-9
    3 aayado
    69%

    7Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.

    8Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa.

    9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

  • 32Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

  • 16Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday.

  • 1¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

  • 22Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.

  • 16Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.

  • 10Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,

  • 2Oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo quruxsan oo cayillan, oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa.