Baxniintii 23:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 16:16 : 16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
  • Bax 23:17 : 17 Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
  • Bax 34:22-24 : 22 Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa. 23 Sannaddiiba saddex goor waa inay labkiinna oo dhammu ka hor yimaadaan Rabbiga Ilaaha ah, Ilaaha reer binu Israa'iil. 24 Waayo, anigu quruumaan hortiinna ka eryi doonaa, oo soohdimihiinnana waan ballaadhin doonaa; oo ninnaba dalkiinna ma damci doono markii aad sannaddiiba saddex goor u baxdaan inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka hor tagtaan.
  • Laaw 23:5 : 5 Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.
  • Laaw 23:16 : 16 Oo waxaad tirsataan konton maalmood ilaa maalinta ka dambaysa sabtida toddobaad, oo dabadeedna waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan hadhuudh cusub ah.
  • Laaw 23:34 : 34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 23:15-17
    3 aayado
    86%

    15Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.

    16Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.

    17Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.

  • 84%

    15Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.

    16Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.

  • Bax 34:22-24
    3 aayado
    82%

    22Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa.

    23Sannaddiiba saddex goor waa inay labkiinna oo dhammu ka hor yimaadaan Rabbiga Ilaaha ah, Ilaaha reer binu Israa'iil.

    24Waayo, anigu quruumaan hortiinna ka eryi doonaa, oo soohdimihiinnana waan ballaadhin doonaa; oo ninnaba dalkiinna ma damci doono markii aad sannaddiiba saddex goor u baxdaan inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka hor tagtaan.

  • Laaw 23:1-7
    7 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.

    3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

    4¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.

    5Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.

    6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

    7Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

  • 13Wuxuu bixiyey wixii Muuse amray in la bixiyo maalin kasta, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha sannaddiiba saddex jeer loo amray, kuwaasoo ahaa Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iiddii Toddobaadyada, iyo Iiddii Taambuugyada.

  • 10Sidaas daraaddeed waa inaad amarkan haysaa xilligiisa, oo aad dhawrtaa sannad ilaa sannad.

  • 76%

    37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

    38Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.

    39¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.

  • 6Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato.

  • 14Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.

  • 44Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.

  • 3Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.

  • 41Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.

  • 13Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

  • 13¶ Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah.

  • 20Sannad kasta adiga iyo reerkaaguba waa inaad kuwaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbigu dooranayo.

  • 12¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.

  • 18Waa inaad dhawrtaan Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo toddoba maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi ee bishii Aabiib ahayd, maxaa yeelay, bishii Aabiib ayaad Masar ka soo baxday.

  • 28¶ Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.

  • 10Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.

  • 9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.

  • Tir 28:17-18
    2 aayado
    73%

    17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.

    18Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

  • 21Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 8Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.

  • Bax 12:16-17
    2 aayado
    72%

    16Maalinta kowaad waxaa idiin ahaan doona shir quduus ah, maalinta toddobaadna shir quduus ah. Wax shuqul ah maalmahaas waa inaan la qaban, waxa qof kastaaba cuno mooyaane, taas oo keliya baa la samayn karaa.

    17Oo idinku waa inaad dhawrtaan iidda kibista aan khamiirka lahayn, waayo, maalintaas qudheeda ayaan dadkiinna badnaantiisii ka soo bixiyey dalkii Masar; sidaas daraaddeed amar ahaan waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan maalintaas.

  • 21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

  • 33¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 31Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,

  • 10Markaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi, Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda, oo ah Iidda Waababka,

  • 14Oo waa inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas, jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

  • 24Laakiinse sannadda afraad midhahooda oo dhammu quduus bay ahaan doonaan, si Rabbiga loo ammaano aawadeed.

  • Laaw 26:2-3
    2 aayado
    70%

    2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,

  • 3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,