Baxniintii 26:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 36:20-33
    14 aayado
    92%

    20¶ Oo taambuugga looxyadiisii taagtaagnaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah.

    21Oo loox kasta dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

    22Oo loox kastaaba wuxuu lahaa laba caaro, oo looxyaduna dhinacyaday isku hayeen, oo looxyadii taambuugga oo dhan sidaasuu u sameeyey.

    23Oo looxyada ayuu Taambuugga u sameeyey, oo waxay ahaayeen labaatan loox dhinaca koonfureed.

    24Oo wuxuu sameeyey afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatan loox, oo laba saldhigba waxay ka hooseeyeen loox, oo waxay saldhig u ahaayeen labadiisii caaro, oo laba kale oo saldhigna waxay saldhig u ahaayeen loox kale labadiisii caaro.

    25Oo taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,

    26iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba loox bay ka hooseeyeen, oo laba saldhig oo kalena waxay ka hooseeyeen loox kale.

    27Oo taambuugga xaggiisa dambe oo galbeed xigtana wuxuu u sameeyey lix loox.

    28Oo labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambena wuxuu u sameeyey laba loox.

    29Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

    30Waxaana jiray siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahaa. Kuwaasu waxay ahaayeen lix iyo toban saldhig, oo lababa loox ka hoosayso.

    31Oo wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,

    32oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada dhinaca kale kaga jira taambuugga, oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada taambuugga kaga jira xaggiisa dambe oo galbeed xigta.

    33Oo uldhexaaddii ayuu looxyadii ku gudbay gees ilaa gees.

  • Bax 26:15-22
    8 aayado
    91%

    15¶ Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa.

    16Looxiiba dhererkiisu waa inuu toban dhudhun ahaadaa, oo loox kasta ballaadhkiisu waa inuu dhudhun iyo badh ahaadaa.

    17Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan.

    18Oo dhinaca koonfureed oo taambuugga looxyadiisa waa inaad labaatan loox ka dhigtaa.

    19Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad.

    20Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox,

    21iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

    22Oo meesha ugu dambaysa taambuugga oo ah dhankiisa galbeed waa inaad lix loox u yeeshaa.

  • Bax 26:24-30
    7 aayado
    85%

    24Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh.

    25Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

    26Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel,

    27looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe.

    28Oo uldhexaadda oo looxyada ku gudban waa inay gaadhaa gees ilaa gees.

    29Oo looxyada waa inaad dahab ku dahaadhaa, oo siddooyinkooda ah meelaha ulaha gudban ka gelayaan waxaad ka samaysaa dahab, oo ulahana waa inaad dahab ku dahaadhaa.

    30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

  • Bax 26:8-10
    3 aayado
    77%

    8Oo daah kasta dhererkiisu waa inuu soddon dhudhun ahaadaa, daah kasta ballaadhkiisuna waa inuu afar dhudhun ahaadaa; oo koob iyo tobanka daah waa inay isku qiyaas ahaadaan.

    9Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda.

    10Oo daaha dibadda u xiga laabka daraftiisa waa inaad konton siddo u yeeshaa, oo daaha laabka labaad ugu korreeya daraftiisana waa inaad konton siddo u yeeshaa.

  • Bax 27:8-9
    2 aayado
    77%

    8Oo waxaad iyada ka samaysaa looxyo, sida sanduuq madhan oo kale, oo sidii buurta lagugu tusay ha u sameeyeen.

    9¶ Oo waa inaad samaysaa barxadda taambuugga; oo barxadda dhinaceeda koonfureed waxaad ka lalmisaa daah maro wanaagsan ah oo dhererkiisu yahay boqol dhudhun,

  • Bax 26:1-6
    6 aayado
    75%

    1¶ Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim.

    2Oo daah walba dhererkiisu waa inuu ahaadaa siddeed iyo labaatan dhudhun, daah walba ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna waa inay isku qiyaas ahaadaan.

    3Shan daah waa inay isku xidhnaadaan, oo shanta daah oo kalena waa inay isku wada xidhnaadaan.

    4Oo daahyada midkood waa inaad darafta uu ka laaban yahay u yeeshaa siddooyin buluug ah, oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa daaha dibadda ugu xiga laabka labaad.

    5Isku daah waa inaad konton siddo u yeeshaa; oo daaha ku yaal laabka labaad waa inaad daraftiisa u yeeshaa konton siddo; oo siddooyinkuna waa in midkoodba kan kale ka hor jeedaa.

    6Waa inaad konton qabsato oo dahab ah samaysaa, oo daahyadana waa inaad midba kan kale qabsatooyinka kula xidhaa, oo taambuuggana waa inuu mid dhan ahaadaa.

  • Bax 26:12-13
    2 aayado
    75%

    12Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa.

    13Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan.

  • 12Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin.

  • 35Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig.

  • 23¶ Oo waa inaad miis ka samaysaa qori qudhac ah, oo dhererkiisu ha ahaado laba dhudhun, ballaadhkiisuna ha ahaado dhudhun, sarajooggiisuna ha ahaado dhudhun iyo badh.

  • 26Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo siddooyinkana waa inaad ku dhejisaa afarta gees oo rukummada ah.

  • Bax 25:18-19
    2 aayado
    73%

    18Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan.

    19Keruub waa inaad madax ka samaysaa, keruubka kalena waa inaad madaxa kale ka samaysaa; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolka waa inaad isku waslad ka wada samaysaan.

  • 4Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

  • 37Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.