Baxniintii 27:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 38:14-20
    7 aayado
    92%

    14Oo iridda daahyadeedu dhinac waxay ka ahaayeen shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna saddex bay ahaayeen, saldhigyadooduna saddex,

    15oo dhinaca kalena sidaas oo kalay ahaayeen, oo barxadda iriddeeda xaggan iyo xaggaasba waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna waxay ahaayeen saddex, saldhigyadooduna saddex.

    16Daahyadii barxadda ku wareegsanaa oo dhammu waxay ahaayeen maro wanaagsan.

    17Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag.

    18Oo daaha barxadda iriddeeda wuxuu ahaa wax daabacan oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun oo u dhigma barxadda daahyadeeda.

    19Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag.

    20Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.

  • Bax 27:10-12
    3 aayado
    90%

    10oo tiirarkiisuna waa inay ahaadaan labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaa waa inay lacag ahaadaan.

    11Oo sidaas oo kale waa inaad dhinaca woqooyina ka lalmisaa daah ah boqol dhudhun, oo tiirarkiisuna ha ahaadeen labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaana lacag ha ahaadeen.

    12Oo barxadda dhinaca galbeed ballaadhkeeda waxaad ka lalmisaa daah konton dhudhun ah, oo tiirarkiisu ha ahaadeen toban, saldhigyadooduna toban.

  • Bax 38:10-12
    3 aayado
    87%

    10Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.

    11Oo xaggeeda woqooyina waxaa ka lushay daahyo boqol dhudhun ah, oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.

    12Oo dhinaca galbeed daahyadiisu waxay ahaayeen konton dhudhun, tiirarkoodu waxay ahaayeen toban, saldhigyadooduna toban, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag.

  • Bax 27:18-19
    2 aayado
    84%

    18Barxadda dhererkeedu waa inuu ahaado boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna waa inuu meel walba u ahaadaa konton dhudhun, sarajooggeeduna waa inuu ahaado shan dhudhun, kana samee maro wanaagsan oo saldhigyadooduna ha ahaadeen naxaas.

    19Oo alaabta taambuugga lagaga adeego oo dhan, iyo musmaarradiisa oo dhan, iyo barxadda musmaarradeeda oo dhammu waa inay naxaas wada ahaadaan.

  • Bax 35:17-18
    2 aayado
    83%

    17iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda,

    18iyo musmaarradii taambuugga, iyo musmaarradii barxadda, iyo xadhkahooda,

  • Bax 27:14-16
    3 aayado
    83%

    14Oo iridda dhinaceeda waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah; tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

    15Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

    16Oo barxadda iriddeeda waxaad u yeeshaa daah labaatan dhudhun ah, oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac laga sameeyey, tiirarkiisu ha ahaadeen afar, saldhigyadooduna afar.

  • 37Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.

  • 37iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda.

  • 38Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

  • 36Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

  • 32Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

  • Bax 38:27-31
    5 aayado
    80%

    27Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey.

    28Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay.

    29Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.

    30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

    31iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.

  • Bax 39:39-40
    2 aayado
    78%

    39iyo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,

    40iyo barxadda daahyadeedii, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii, iyo daahii iridda barxadda, iyo xadhkihiisii, iyo musmaarradiisii, iyo alaabtii lagu qaban lahaa hawsha taambuugga oo dhan, teendhada shirka aawadeed,

  • 78%

    16Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo saldhigyadii uu Sulaymaan u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.

    17Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, oo korkiisana waxaa sarnaa taaj naxaas ah; oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas; tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo shabag.

  • Tir 4:31-32
    2 aayado
    78%

    31Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

    32iyo tiirarka barxadda ku wareegsan, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda, iyo xadhkahooda, iyo alaabtooda oo dhan, iyo hawshooda oo dhan. Oo magac magac waa inaad ugu amartaan alaabta ay qaadayaan.

  • 15Wuxuu sameeyey labada tiir oo naxaasta ah, oo midkiiba sarajooggiisu yahay siddeed iyo toban dhudhun; meeriskiisuna yahay laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso.

  • Yer 52:20-21
    2 aayado
    75%

    20Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.

    21Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, meeriskiisuna wuxuu ahaa laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso, oo dhumucdiisuna waxay ahayd afar farood, oo dhexdana wuu ka dalooshanaa.

  • 17Oo taajajka tiirarka dhaladooda saarnaa waxay lahaayeen shabagyo isa sudhsudhan, iyo silsilado tidcan, oo taaj wuxuu lahaa toddoba, taajka kalena wuxuu lahaa toddoba.

  • 11waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • 17iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,

  • 26iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan.

  • 27Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

  • 19Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad.

  • 26iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.

  • Bax 27:2-4
    3 aayado
    74%

    2Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.

    3Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.

    4Oo waa inaad shabag naxaas ah u yeeshaa; oo shabagga dushiisa waa inaad u yeeshaa afar siddo oo naxaas ah oo ku taal afarta gees.

  • 25Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.