Baxniintii 28:42

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 6:10 : 10 Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.
  • Laaw 16:4 : 4 Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.
  • Yex 44:18 : 18 Waa inay madaxa ku duubtaan cimaamado linen ah, oo dhexdana waa inay surwaallo linen ah ku xidhaan, oo innaba waa inayan wax ka dhididiya guntaan.
  • Bax 39:28 : 28 oo waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa,
  • Bax 20:26 : 26 Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.
  • Muj 3:18 : 18 Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 44:17-19
    3 aayado
    81%

    17Oo markay irdaha barxadda gudaha soo galaan waa inay dhar linen ah xidhaan, oo intay irdaha barxadda gudaha iyo daarta gudaheeda ka adeegayaan waa inaan wax dhogor ahu korkooda taaban.

    18Waa inay madaxa ku duubtaan cimaamado linen ah, oo dhexdana waa inay surwaallo linen ah ku xidhaan, oo innaba waa inayan wax ka dhididiya guntaan.

    19Oo markay barxadda dibadda u soo baxaan taasoo ah barxadda dibadda ee uu dadku joogo waa inay dharkii ay ku adeegeen iska bixiyaan, oo waa inay qolladaha quduuska ah dhigaan, oo waa inay dhar kale gashadaan si ayan dadka kale dharkooda quduus ugaga dhigin.

  • Bax 39:27-29
    3 aayado
    80%

    27¶ Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,

    28oo waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa,

    29iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 4Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.

  • Bax 28:1-5
    5 aayado
    78%

    1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

    2Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood.

    3Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

    4Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

    5Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • Bax 28:39-41
    3 aayado
    77%

    39Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.

    40¶ Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux.

    41Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 43Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.

  • Bax 40:13-14
    2 aayado
    75%

    13Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

    14Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa,

  • 10Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.

  • Bax 29:8-9
    2 aayado
    75%

    8Oo waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli.

    9Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.

  • 75%

    11Waa inaadan guntan dhar isku darsan oo laga sameeyey dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo oo isku jira.

    12¶ Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.

  • 10iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,

  • 41iyo dharkii loo sameeyey in lagaga adeego meesha quduuska ah, iyo dharkii quduuska ahaa oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharkii wiilashiisa, ee loogu sameeyey inay kaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 14Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.

  • Bax 29:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

    5Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka;

  • Bax 28:31-32
    2 aayado
    73%

    31¶ Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug.

    32Oo waa inuu meel daloosha oo madaxu maro ku lahaadaa; oo waa inuu ahaado sida dhar leh tolmo wanaagsan oo daloolkiisa ku wareegsan inuusan dillaacin aawadeed.

  • 19iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 23Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa,

  • Bax 29:29-30
    2 aayado
    72%

    29Oo dharka Haaruun oo quduuska ah waxaa qaadan doona wiilashiisa isaga dabadiis, si loogu subko oo quduus looga dhigo iyagoo gashan.

    30Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah.

  • 13Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 28Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka.

  • 38Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad iyaga ku amartaa inay iyagu ab ka ab farqiyaan darfaha dharkooda, iyo inay faraqa daraf kasta u yeelaan xadhig buluug ah.

  • 7Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.

  • 1¶ Oo waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 7Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.

  • 32Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.

  • 19Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gacmaha iyo cagaha ku dhaqdaan:

  • 6¶ Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 15¶ Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 5¶ Naagu waa inayan xidhan waxa nin leeyahay, oo ninna waa inuusan guntan dhar naageed, waayo, ku alla kii waxaa sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 26Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.

  • 28Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.

  • 47¶ Oo dharkii uu cudurka barasku ku yaal, hadduu yahay dhar dhogor idaad ah amase dhar wanaagsan oo linen ah,

  • 19Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.