Baxniintii 35:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 25:10-22 : 10 ¶ Oo waa inay sanduuq ka sameeyaan qori qudhac ah, oo dhererkiisuna waa inuu ahaadaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh. 11 Oo waa inaad ku dahaadhaa dahab saafi ah, oo gudaha iyo dibaddaba waa inaad ka dahaadhaa, oo dushiisana waa inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 12 Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin. 13 Oo waa inaad ulo ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa. 14 Oo ulahana waa inaad gelisaa siddooyinka sanduuqa dhinacyadiisa ku yaal, in sanduuqa lagu qaado. 15 Oo uluhu waa inay ku jiraan sanduuqa siddooyinkiisa; oo waana inaan iyaga laga bixin marnaba. 16 Oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono. 17 Oo daboolna waa inaad uga samaysaa dahab saafi ah; laba dhudhun iyo badh waa inuu dhererkiisu ahaadaa, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh. 18 Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan. 19 Keruub waa inaad madax ka samaysaa, keruubka kalena waa inaad madaxa kale ka samaysaa; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolka waa inaad isku waslad ka wada samaysaan. 20 Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka. 21 Oo daboolkana waa inaad sanduuqa dushiisa saartaa; oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono. 22 Oo halkaasaan kugula kulmi doonaa, oo waxaan kaala hadli doonaa daboolka dushiisa, iyo labada keruub oo sanduuqa maragga dul saaran dhexdooda, oo waxaan kuu sheegi doonaa waxyaalaha aan ku siin doono oo dhan oo aan amar ahaan kuugu dhiibi doono reer binu Israa'iil.
  • Bax 26:7 : 7 Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah.
  • Bax 26:31-33 : 31 ¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim. 32 Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah. 33 Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.
  • Bax 36:35-36 : 35 ¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay. 36 Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.
  • Bax 37:1-9 : 1 ¶ Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh. 2 Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 3 Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey. 4 Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay. 5 Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado. 6 Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh. 7 Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay. 8 Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad. 9 Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 39:33-36
    4 aayado
    92%

    33Oo waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,

    34iyo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,

    35iyo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,

    36iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

  • Bax 35:13-17
    5 aayado
    83%

    13iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta,

    14iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,

    15iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga,

    16iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda,

    17iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda,

  • Bax 40:20-21
    2 aayado
    83%

    20Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

    21markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Bax 31:7-8
    2 aayado
    83%

    7kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan,

    8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

  • 11waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • 1 Boq 8:7-8
    2 aayado
    81%

    7Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

    8Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan.

  • 81%

    8Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

    9Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arki jiray sanduuqii ka horreeya meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasuu yaal ilaa maantadan.

    10Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dhulkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

  • Tir 4:5-6
    2 aayado
    80%

    5Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga.

    6Oo markaas dushooda waa inay ded ah harag adhidibadeed saaraan, oo ay ku kala dul bixiyaan maro kulligeed buluug ah, oo waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Bax 26:32-34
    3 aayado
    80%

    32Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

    33Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

    34Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan.

  • Bax 37:4-6
    3 aayado
    79%

    4Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

    5Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado.

    6Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

  • Bax 25:13-17
    5 aayado
    79%

    13Oo waa inaad ulo ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

    14Oo ulahana waa inaad gelisaa siddooyinka sanduuqa dhinacyadiisa ku yaal, in sanduuqa lagu qaado.

    15Oo uluhu waa inay ku jiraan sanduuqa siddooyinkiisa; oo waana inaan iyaga laga bixin marnaba.

    16Oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono.

    17Oo daboolna waa inaad uga samaysaa dahab saafi ah; laba dhudhun iyo badh waa inuu dhererkiisu ahaadaa, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh.

  • 3Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

  • Bax 30:5-6
    2 aayado
    78%

    5Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

    6Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono.

  • 15Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.

  • 8oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Bax 25:20-21
    2 aayado
    77%

    20Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka.

    21Oo daboolkana waa inaad sanduuqa dushiisa saartaa; oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono.

  • Cib 9:4-5
    2 aayado
    77%

    4isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga;

    5dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin.

  • Tir 4:10-12
    3 aayado
    75%

    10Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba waa inay dhex geliyaan harag adhidibadeed oo markaas waa inay usha lagu qaado sudhaan.

    11Oo meesha allabariga oo dahabka ahna waa inay maro buluug ah ku daboolaan, oo ay ku dedaan ded harag adhidibadeed ah, oo markaas waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

    12Oo waa inay qaadaan alaabta lagu adeego oo dhan oo ay kaga adeegaan meesha quduuska ah, waana inay maro buluug ah ku wada dhex ridaan oo ay ded ah harag adhidibadeed ku dedaan, oo ay usha lagu qaado sudhaan.

  • 28Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

  • 9Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

  • 28Oo ulaha waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa, oo aad dahab ku dahaadhaa, in miiska lagu qaado iyaga.

  • Bax 36:34-35
    2 aayado
    74%

    34Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

    35¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

  • 27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,