15¶ Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa.
16Looxiiba dhererkiisu waa inuu toban dhudhun ahaadaa, oo loox kasta ballaadhkiisu waa inuu dhudhun iyo badh ahaadaa.
17Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan.
18Oo dhinaca koonfureed oo taambuugga looxyadiisa waa inaad labaatan loox ka dhigtaa.
19Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad.
20Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox,
21iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.
22Oo meesha ugu dambaysa taambuugga oo ah dhankiisa galbeed waa inaad lix loox u yeeshaa.
23Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe.
24Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh.
25Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.
26Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel,
27looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe.
28Oo uldhexaadda oo looxyada ku gudban waa inay gaadhaa gees ilaa gees.
29Oo looxyada waa inaad dahab ku dahaadhaa, oo siddooyinkooda ah meelaha ulaha gudban ka gelayaan waxaad ka samaysaa dahab, oo ulahana waa inaad dahab ku dahaadhaa.