Baxniintii 36:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intay Muuse la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Dadku waxay keeneen in ka sii badan intii ku filnayd in lagu qabto shuqulkii Rabbigu amray in la sameeyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 24:14 : 14 Oo markay hawshii dhammeeyeen waxay lacagtii hadhay keeneen boqorkii iyo Yehooyaadaac hortooda, oo taasna waxaa gurigii Rabbiga looga sameeyey weelal, kuwaasoo ahaa weelal lagu adeegi jiray iyo kuwa wax lagu bixin jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii ahaa dahabka iyo lacagta. Oo Yehooyaadaac cimrigiisii oo dhanna guriga Rabbiga waxaa had iyo goor lagu bixin jiray qurbaanno la gubo.
  • 2 Kor 8:2-3 : 2 si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantinimada deeqsinimadooda. 3 Waayo, waxaan u marag furayaa inay tabartooda ku siiyeen, oo weliba si dhaafsiisan tabartooda, siday u doonayeen,
  • 2 Taar 31:6-9 : 6 Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen. 7 Oo tuulmooyinka aasaaskoodii waxay bilaabeen bishii saddexaad, waxayna iyaga dhammeeyeen bishii toddobaad. 8 Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahadnaqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen. 9 Markaasaa Xisqiyaah wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi wax ka weyddiiyey tuulmooyinkii. 10 Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.
  • Fil 2:21 : 21 Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix.
  • Fil 4:17-18 : 17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • Bax 32:3 : 3 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay soo bixiyeen hilqadihii dahabka ahaa oo dhegaha ugu jiray oo waxay u keeneen Haaruun.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 36:6-7
    2 aayado
    85%

    6Markaasaa Muuse amar bixiyey, oo waxaa xeradii oo dhan laga naadiyey inaan nin iyo naag toona wax dambe u bixin shuqulka meesha quduuska ah. Sidaas daraaddeed baa dadkii looga joojiyey si aanay wax kale u keenin.

    7Waayo, alaabtii ay haysteen waa ku filnayd in shuqulka oo dhan lagu sameeyo, wayna ka sii badnayd weliba.

  • Bax 36:1-4
    4 aayado
    78%

    1¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.

    2¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.

    3Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.

    4Oo raggii xigmadda lahaa oo dhan, oo ahaa kuwii shuqulka ka qabtay meesha quduuska ah, way wada yimaadeen, oo waxaa nin waluba ka soo kacay shuqulkii uu samaynayay.

  • 29Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.

  • Bax 25:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi,

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Qurbaan ii ururiya, oo nin kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay waa inaad ka qaaddaa qurbaankayga.

  • Bax 35:4-5
    2 aayado
    73%

    4¶ Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,

    5Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

  • Bax 35:21-22
    2 aayado
    72%

    21Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa.

    22Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah.

  • Bax 39:42-43
    2 aayado
    72%

    42Oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen.

    43Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

  • Bax 5:4-9
    6 aayado
    72%

    4Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.

    5Kolkaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Bal eega, haatan dadka dalku waa badan yihiin, oo idinku waad ka nasiseen hawlahoodii cuscuslaa.

    6Markaasaa Fircoon wuxuu isla maalintaas ku amray kuwii dadka hawsha ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodii, isagoo leh,

    7Hadda dabadeed waa inaydnaan dadka siin caws ay leben ka sameeyaan sidii loo siin jiray, laakiinse iyagu ha tageen oo caws ha soo gurteen.

    8Oo lebenkii ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga allabari u bixinnee.

    9Haddaba nimanka ha lagu qasbo hawl ka culus intii hore inay ku hawshoodaan, oo yaanay hadal been ah u jeedin.

  • 5Oo maalinta lixaad waa inay diyaarsadaan wixii ay soo gurteen, kolkaasay noqon doontaa intii ay maalin walba guran jireen in labanlaabkeed ah.

  • Bax 16:16-18
    3 aayado
    71%

    16Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

    17Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar.

    18Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay.

  • 9Markaasay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan ku naadiyeen in Rabbiga loo keeno cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah uu reer binu Israa'iil kor saaray markay cidlada dhex joogeen.

  • 15Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,

  • 22Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 3Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?

  • 32Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey.

  • 19Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen.

  • 6Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.

  • 10¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

  • 5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • 10Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan;

  • 21¶ Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 4Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,

  • 49oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waan soo tirinnay ragga dagaalyahannada ah oo aannu u talinno, oo nin qudhuhu nagama dhinna.

  • 10Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.

  • 32¶ Oo sidaasay hawshii taambuugga teendhadii shirka oo dhammu ku dhammaatay; oo reer binu Israa'iil way wada sameeyeen wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan, sidii bayna u sameeyeen.

  • 12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 5¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 24Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,