9¶ Oo waa inaad samaysaa barxadda taambuugga; oo barxadda dhinaceeda koonfureed waxaad ka lalmisaa daah maro wanaagsan ah oo dhererkiisu yahay boqol dhudhun,
10oo tiirarkiisuna waa inay ahaadaan labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaa waa inay lacag ahaadaan.
11Oo sidaas oo kale waa inaad dhinaca woqooyina ka lalmisaa daah ah boqol dhudhun, oo tiirarkiisuna ha ahaadeen labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaana lacag ha ahaadeen.
12Oo barxadda dhinaca galbeed ballaadhkeeda waxaad ka lalmisaa daah konton dhudhun ah, oo tiirarkiisu ha ahaadeen toban, saldhigyadooduna toban.
13Oo barxadda dhinaca bari ballaadhkeedu waa inuu konton dhudhun ahaado.
14Oo iridda dhinaceeda waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah; tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.
15Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.
16Oo barxadda iriddeeda waxaad u yeeshaa daah labaatan dhudhun ah, oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac laga sameeyey, tiirarkiisu ha ahaadeen afar, saldhigyadooduna afar.
17Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.
18Barxadda dhererkeedu waa inuu ahaado boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna waa inuu meel walba u ahaadaa konton dhudhun, sarajooggeeduna waa inuu ahaado shan dhudhun, kana samee maro wanaagsan oo saldhigyadooduna ha ahaadeen naxaas.